Hargeysa(Araweelo News Network) Xisbiga Mucaaradka WADDANI, ayaa dhaliilay heshiishyada xukuumadda Somaliland la gashay shirkaddo shidaal, isla markaana

 

waxay soo qaateen tusaalooyin muujinaya mad madawga ku jira heshiishyada, sharciyada heshiishyadaa oo ay sheegeen in aan laga ansixin golaha wakiiladda Somaliland.
Sidoo kale WADDANI, waxay tilaameen shakiga ka dhalankara noocyada heshiishyadaa iyo weliba shirkaddaha qaarkood oo ah dilaaliin doonaya in ay boobaan khayraadka dalka.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed uu soo saaray Guddida Ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo Tamarta ee Xisbiga Mucaaidka ah ee WADDANI, wuxuuna isagoo dhignaa sidan:-

“Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta ee xisbiga Waddani wuxuu halkan golayaasha qaranka iyo dhamaan muwaadiniinta Somaliland ee dalka dibadiisa iyo gudihiisa ku nool u soo jeedinayaa inuu waajibaad dastuuri ah ka saaran yahay daryeeelka iyo ilaalinta Khayraadka dabiiciga ah ee dhulkeena.

Waxaa in mudaa Xukuumada dalka ka talisaa iyo Golaha wakiiladu ku marransanaayeen heshiisyadii wasiirka khayraadka dabiiciga ah iyo tamartu la galay shirkadaha shidaalka danaynayay iyo kuwa khayraadka kale daneeya.  In dastoorka qaranku ama shuruucda kale ee dalka u yaalaa xaq siinayaan in goluhu codsan karo in la horkeeno oo faahfaahin laga siiyo iyo sida wasiirku ku dooday in aanay shuruucda dalka meelna kaga qornayan u soo bandhigista heshiisyadaa uu lagalay shirkadahaa shisheeye Golaha wakiilada.

Ugu horayn Guddida khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta ee Xisbiga Waddani wuxuu xasuusinayaa bulshada Somaliland in markii xukuumada dalka ka talisaa ay mucaaradka ahayd ku doodi jirtay oo waliba ololihii doorashada ku gashay iyadoo maqal iyo muuqaal ahna lahayaa sida ay u xaarantimaynayeen ee ay waxbakamajiraan ku sheegayayeen heshiisyadii dawladii hore ee Mudane Daahir Riyaale Kaahin hogaaminayey la gashay shirkadihii shisheeye  ee shidaalka. Mar hadii aan Golaha wakiilada la soo marin oo aan la ansixin heshiisyadaa.

Tusaale haddii aynu soo qaadano arrimaha heshiisyada shidaalka oo hada muran wayn ka taagan yahay dalka Tanzania oo heshiiska noociisu yahay PSA (production sharing agreement) la galay laba shirkadood oo kuwa caalamka ugu waawayn ka mid ah, waxaa la isla mari laayahay oo mucaaraka dalka iyo Hay’addaha  qarankaasi aad ugu muransan yihiin heshiisyadaa sida qarsoodigaa u saxeexday dawladu. Heshiisyadaa oo markii nuqulo ka mid ahi dibada u soo baxeen aad iyo aad bulshada dalkaasi uga murugoodeen lacagaha tirada badan ee dalku ku waayayo mustaqbalka.

Suaashu waxaa weeye Somaliland oo ah dal curdin ah oo aan aqoonsi caalamka ka haysan fursadaha muhiimka ah ee dalku aqoon kaga korodhsan karo dalalka qaarada Africa dhibaatoonyinkaa maaraynta khayraadka ka soo gaadhay uga faaiidaysan la’dahay? Ma aqoon daro iyo tayada masuuliyiinta xukuumadu u igmatay ayaa loo sababayn karaa mise xukuumada dalka ka talisa ayaan dan ka lahayn oo aan dalkan loo soo halgamay ee naf iyo maal loo soo huray u tudhayn.

Bulshada Somaliland waaxaan u soo jeedinaynaa  inay fiiro gaar ah u yeeshaan dakhliga wasaarada khayraadka dabiiciga ah iyo tamartu ay soo bandhigtay in ay ku soo xaroodeen heshiisyo aan daahfurnayn oo dibadaha lagu soo saxeexay lana horkeenin shuruucda dalka u yaala. Dakhligaa oo madmadow badan ku jiro oo dhici karta in hanti farabadan dalka iyo bulshada Somaliland ka maqan tahay.

Saxaafada madaxa banaan ee amaanta wasaarada khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta soo gudbiya waa in ay ku saleeyaan warbixinada ay bulsha u soo gudbinayaan xaqaaiqa jira sida guuldarooyinkii ka soo gaadhay ka midho dhalistii maaraynta khayraadka dalka. Iyadoo la wada og yahay shirkadihii heshiisyada la’galay in ay ku guuldaraysteen joojiyeena dhamaan hawlgaladii ay ka wadeen dalka maamul xumo awgeed.

Arrinkan shuruucda lagu jaangoynayo khayraadka dabiiciga ah haddii aan aad iyo aad looga taxadarin oo aan lala tashan dadka ku takhasusay arrimaha heshiisyada caalamka u yaala waxaa dhici karta in dhabarjab qarankeena ku keeni karto oo halkaa ku waayi karo lacago aan la malayn karin.

Hadaba guddida khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta ee xisbiga Waddani wuxuu halkan ku xasuusinayaa muwaadiniinta  Somaliland iyo golayaasha qaranka in Dastuurka Jamhuuriyad Somaliland uu si cadaan ah u qeexayo Awoodaa uu u leeyahay Golaha wakiiladu ansixinta dhamaan heshiisyada ay xukuumada dalku lagasho sida shirkadaha shidaalka / khayraadka Somaliland daneeya.

Xukuumada dalka ka talisaa waxay ka hor marisay heshiisyo aan daahfurnayn shuruucdii dalka u taalay iyadoo ka faaidaysanaysa shuruucda aan dhamaystirnayn ee dastuurka qaranka Somaliland. Taas oo wiiqday sumcadii qaranka Somaliland.
Allaah mahadleh
Xisbiga Waddani
Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *