Hargeysa(Araweelo News Network)Kulan balaadhan oo la xidhiidhay sidii xal loogu heli lahaa muranka ka aloosan Diiwaangelinta Medeniga ah, ayaa saaka ka dhacay

 

Qasriga Madatooyadda Somaliland, kaas oo ay jilbaha is dhigeen Madaxweynaha Somaliland Axmed  Siilaanyo, Madaxweyne ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Seylici, Guddoomiyayaasha Labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro, UCID, Faysal Cali Waraabe iyo Guddomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye Xigeenka Koowaad Maxamed Kaahin Axmed.


Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran oo kulankaa ka dib wadajir u qabtay uga hadlay arrintaa iyo waxyaabaha ay isla qaateen ayaa sheegay in lasoo afjaray murankii ka taagnaa Diiwaangelinta, “Xeerka loo gudbiyay Golaha Wakiiladda waxa kasoo baxay dabar, waxaana hadda laysla qaatay in Madaxweynuhu u gudbiyo golaha Wakiiladda waxyaabaha lagu heshiiyay si loo waafajiyo xeerka” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland oo mikrifoonka qabsaday markii Madaxweyne Xigeenka Somaliland oo isaguna dhinaciisa cadeeyay in kulankaa lagu soo afjaray muranka diiwaangelinta.

 

“Anagu awalba maanu diidanayn Diiwaangelinta, balse waxaan lahayn hala saxo, wuxuuna muranka maanta taagnaa ahaa mid sidan oo kale taagnaa Sep 2009, anaguna waxbaan saxaynaa” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, wuxuuna ugu baaqay bulshada in ay qaataan Kaadhadhka Doorashada iyo kuwa Aqoonsiga.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi oo sheegay in maanta oo ay ku beegantahay maalinta nabada aduunka 21 Sep, isla markaana ay ku beegantay in ay laga heshiiyay arrintaa, isagoo yidhi, “Waxaanu ka heshiinay murankii yaraa ee dhexdeena, waxaana qodobka muranka abuuray ahaa  qodobka 25 ee daraafka Xeerkaa, kaas oo u qoranaa, “muwaadinka doonaya inuu qaato warqada codbixinta waa inuu sitaa warqadii dhalashada, kaasna waanu ogolaanay oo awalba maanu doonayn in lagu xanibo doorashada.” Ayuu yidhi, Guddoomiye Muuse Biixi.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *