Ankara(Araweelo News Network) Raysal wasaaraha cusub ee Turkiga Axmed Daa’uud Oogle, ayaa xaqiijiyay in ay Dawladiisu ku guulaystay in ay

 

xoriyadoodii helaan 49 qof oo u dhashay Turkiga oo isugu jira Dublamaasiyiin, Engineero iyo Khuburo kale oo gacanta ugu jiray mudo ka badan Bil Dagaalyahanka ISS, ee dagaalka kula jira Dawladaha Ciraaq iyo Suriya.

Dawlada Turkiga ayaa ka wer wersanayd xaalada muwaadiniintaa oo lagu hayay gudaha dalka Ciraaq, iyadoo laga cabsi qabay in la mariyo wadadii gawraca ee la mariyay dhawr qof oo shisheeye ah, balse u dhashay Dalalka Maraykanka iyo Britain.

Hase yeeshee Dadkaa oo ay  afduub u haysteen Islaamiyiinta ISS, ee Dacish, ayaa gaadhay maanta caasimada dalka Turkiga ee Ankara, wuxuuna Madaxweynaha Cusub ee Turkiga  Mr.Recep Tayyip Erdogan sheegay in ay ku faraxsan yihiin in muaadiniintaa lasoo daayo oo ay xoriyadoodii dib u helaan, wuxuuna xusay in Hay’adda Sirdoonka ee dalkiisu door weyn ka qaadatay sii deynta muwaadiniintaa. Kadib hawlgal socday hebeen keliya sida uu xusay, balse wax faahfaahin ah kama uu bixin Erdogan sida lagu soo daayay muwaadintaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Dadka la sii daayay oo gaadhay Ankara ay Dawlada Turkigu ka bixisay lacag Dhawr milyan oo dolar ah, isla markaana ay heshiish la galeen Dawlada Turkiga oo ay balanqaaday in aanay marnaba taageerayn duulaanka loo qorsheeyay Islaamiyiinta la baxay Dawlada Islamiga ah ee Shaam, balse ma jiraan warar xaqiijinaya in Turkigu bixiyay Madax-furasho.

Dawlada Turkiga oo ku jirta xulufada NATO, aya ku gacansaydhay in dalkeedu qayb ka noqdo duulaanka Maraykanka iyo Wadamada kale ee reer galbeedku u ololaynayeen dhowaan oo weli socda, kaas oo dalalka dunida Islaamka taageero ugu raadinayeen sidii weeraro loogu qaadi lahaa kooxda ISS. Kadib markii ay gawraceen dhawr qof oo u dhashay dalalka Maraykanka iyo Britain, kuwaas oo ay afduub ahaan u haysteen, isla markaana ku hanjabeen in ay gawracayaan dad kale oo u dhashay dalalka reer galbeedka oo ay afduub u haystaan.

Turkigu waxay gebi ahaanba diideen in ay qayb ka noqdaan xulufada Maraykana iyo Britain eek u waajahan ISS, taas oo ay ogolaadeen qaar badan oo ka mid wadamada Carabta ooh ore dhaqaale u siin jiray kooxda Daacish oo ah Islaamiyiin la baxay Dawlada Islaamiga ah ee Shaam, kuwaas oo farabaas ku haya dalalka Ciraaq iyo Suuriya oo ay dagaal kula jiraan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *