Hargeysa(ANN)Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB oo soo bandhigay liiska magacyo iyo guddiyo kala duwan. Kadib markii sida ay sheegeen  dib u habayn lagu sameeyay, ayaa ku dhawaaqay inay soo dhawaynayaan, isla markaana taageerayaan in lala xisaabtamo oo maxkamad la horgeeyo

qofkasta oo lagu helo inuu lunsaday xoolo ummadda ka dhexeeyey.

Sidaana waxa ku dhawaaqay Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-hindi) oo sheegay in loo magacaabay inuu noqdo afhayeenka xisbiga mucaaridka ee UDUB. Kadib markii uu shir jariid oo uu shalay ku qabtay Huteelkiisa Crown ee Magaalada Hargeysa ka sheegay in xisbiga UDUB lagu sameeyay dib u habayn, isagoo halkaa kusoo bandhigay magacyada iyo qaabdhismeedka cusub ee gudiyadaa.
 Mr. Cismaan Hindi oo la weydiiyay sida uu u arko  waraysi uu bixiyey wasiirkii hore ee warshadaha Maxamed Saleebaan Maxamed (Ina Saleebaan Weyne) oo uu ku sheegay in masuuliyiinta xukuumaddii uu ka tirsanaa ee Madaxweyne Rayaale musuqmaasuq iyo boob baahsan kula kaceen hantida ummadda iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka, isla markaana loo baahanyahay in maxkamad la hor geeyo, waxa uu yidhi,
“Anagu xisbi ahaan waanu soo dhawaynayaa in la baadho oo maxkamad la horgeeyo cidkasta iyo masuulkasta oo ku kacay boobka xoolo dadweynaha ka dhexeeya, kamana soo horjeedno in sharciga la mariyo qofkasta oo lunsaday xoolo ummadeed,” ayuu yidhi afheeynka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-hindi).

Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, waxa uu saxaafadda u akhriyey guddi-hoosaadyada, madaxda xafiisyada bahweynta UDUB iyo magacyada masuuliyiinta xisbigu u idmaday gadhwadeenka guddi-hoosaadyada iyo xafiisyada xisbiga UDUB, guddiyadaasi oo afhayeenku sheegay inay si ku-meel-gaadha u sii wadi doonaan hawlaha xisbiga inta la gaadhayo shirweynaha guud ee xsbiga UDUB yeelan doono.
Liiska guddi-hoosaadyada iyo xafiisyada oo uu magacaabay Guddmooye-ku-xigeenka xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, isla markaana ay ku dhan yihiin inta badan masuuliyiinta maamulkii madaxweyne Rayaale, isaga oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan;-
“1.Guddi-hoosaadyada abaabulka iyo wacyigelinta: Guddoomiye Maxamuud Cabdi Faarax (Cabdi Malaw), Guddoomiye-ku-xigeen Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse Guray), Xoghaye Hoodo Cabdi Aadan.
2. Guddi-hoosaadka siyaasadda: Guddoomiye, Yuusuf Ciise Tallaabo, Guddoomiye-ku-xigeen Cismaan Sheekh Cabdi, xoghaye Maxamed Yuusuf Cismaan.
3. Guddi-hoosaadka shuruucda iyo anshaxa: Guddoomiye Maxamed Ibraahim Riyaal (Saajin), Guddoomiye-ku-xigeen Cali Sheekh Cabdi (Adamu), xoghaye Maxamed Cismaan (Mu’aadin).
4. Guddi-hoosaadka dhaqaalaha: Guddoomiye Abiib Xasan Filfil, Guddoomiye-ku-xigeen Cali Maxamed Warancade, Khasnaji Xasan Cabdi Xabad, Xoghaye Mahdi Cismaan Buuri.
5. Guddi-hoosaadka Qorshaynta, Daraasadda iyo cilmi-baadhista: Guddoomiye Cabdixaliim Maxamed Muuse, Guddoomiye-ku-xigeen xildh. Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, xoghaye Xildh. Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle.
6. Guddi-hoosaadka arrimaha bulshadda: Guddoomiye Muuse Cabdi Maxamed (Muuse Madoobe), Guddoomiye-ku-xigeen Cali Xasan Maxamed (Cali Asad), xoghaye Maxamed Aw Aadan Wayrax.
7. Guddi-hoosaadka xidhiidhka gobolada, degmooyinka iyo dibeddaha: Guddoomiye Maxamed Aw Daahir Ibraahim, Guddoomiye-ku-xigeen Maxamed Cabdillaahi Maxamed, xoghaye Aadan Daahir Maxamed (Aadan Dheere).
8. Guddi-hoosaadka difaaca iyo nabadgelyada: Guddoomiye Axmed Xaaji Daahir Cilmi, Guddoomiye-ku-xigeen Axmed Jaambiir Suldaan, xoghaye Maxamed Axmed Caalim (Tiimbaro).
1. Xafiiska baadhista iyo kormeerka: Guddoomiye Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Guddoomiye-ku-xigeen Mawliid Cumar Xuseen, xoghaye Nimco Jaamac Yuusuf, Auditor Axmed Maxamed Wacays.
2. Xafiiska xidhiidhka guddi-hoosaadyada iyo arrimaha komishanka doorashooyinka: Guddoomiye Kanadiid Maxamed Khaawi, Guddoomiye-ku-xigeen Maxamed Cabdi Daauud, xoghaye Kayse Cali Geedi, xubin Faadumo Suudi, xubin xildh. Baar Siciid.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *