Djibouti(ANN)Raysal Wasaaraha Somalia Mr. Farmaajo ayaa ka hor intii  aanu dhamaysan socdaalkiisa Djibouti ee aanu  u gudbin Magaaladda Adis Ababa ee Xaruunta Dalka Ethiopia waxa uu kulan kooban kula yeeshay  Jabuuti Madaxweynaha Maamul Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole

 oo ku sugnaa halkaa.
Kulankaa dhexmaray Raysal Wasaare Maxamed farmaajo  iyo Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo ahaa mid  aan lasii qorsheyn ayaa sida ay wararku sheegayaan ka dhacay  hotelka kampeski ee Magaaladda Jabuuti.
Inkasta oo  aan si rasmi ah loo ogayn ujeedada kulanka, balse xoggo u dhuun daloola kulanka labada masuul ayaa sheegay inuu ahaa mid salaam iyo bariido ah. Laakiin aany ka madhnayn inay arrimaha siyaasada wax iska weydiiyaan, iyagoo  ka wada hadlay  xidhiidhka Dowladda KMG iyo Maamul Goboleedka Puntland.
Kulanka labada Masuul oo sida ay wararku sheegayaan qaatay wax ka yar saacad ayaanay jirin  wax natiijo ah oo kasoo baxay, balse sida ay sheegayaan ila wareedyo u dhuun daloola kulanka ayaa la sheegay inuu Mr. Faroole  u sheegay Raysal wasaaraha Somalia iyo wefdigiisa inuu weli ku adkaysano ka inuu cawda u jaro xidhiidhka DKMG ee Somalia, balse  Raysal Wasaare Farmaajo ayaa la sheegay inuu ku qanciyay Mr. Faroole inay yeelan doonaan kulan balaadhan oo dalka ah, isagoo  sheegay Farmaajo inuu iman doono Magaaladda Garoowe si looga wada hadlo waxyaabaha ay Puntland ka tabanayaan DKMG ah ee uu Raysal wasaaraha ka yahay.
Mr. Faroole ayaa intii uu socday kulanku waxyaabaha oo soo qaaday ee ay ka cabanayaan maamulka Puntland waxa ku jirtay inay xukuumadda Mr. Farmaajo  xidhiidhka u jarto kooxda SSC oo sida uu sheegay ah  Jabhad qas kawada Deegaanada Puntland, isagoo ku eedeeyay dawlada Somalia inay taageerto kooxdaa, taas oo uu soo dhoweeyay Raysal wasaare  Farmaajo.
Kulanka labada Masuul waxa madaxweynaha Puntland Mr.  Faroole ku weheliyay booqashada iyo wadahadalka labada dhinac  Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Mr. Ilkajiir, iyadoo Raysal Wasaaraha Xukuumada KMG ee Somalia Mr. Farmaajo ay kulankaa ku weheliyeen xubno ka mid ah wefdigiisa oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha C/laahi Maxamed Oomar iyo Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *