Hargeysa(ANN)Mudanayaasha gollaha wakiilada Somaliland oo maalmihii u danbeeyay  ku kala qaybsanaa mooshin gollaha horyaalay oo qayb ka mid ah xildhibaandu ku doonayeen in wax ka bedel lagu sameeyo xeer hoosaadka gollaha ayaa abuuray muran iyo sawaxan siyaasadeed oo sababay inay

laba kooxood u kala jabaan golluhu, isla markaana  si ku meel gaadh ah loo xidho fadhigii socday ilaa inta xal laga gaadhayo muranka taagan.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud (Siilaanyo),  ayaa kulan ku saabsan arrintaa la yeeshay labadii maalmood ee u danbeeyay  Kooxda mudanayaasha ee watay iyagu mooshinka, kuwaas oo uu codsi ku saabsan in cagta loo dhigo khilaafka, isla markaana la dejiyo xaalada u qadimay. Kooxda mudanayaasha mooshinka wax ka bedelka xeer hoosaadka wadatay ayaa bilaabay shalay sidii ay jawaab uga bixin lahaayeen codsiga Madaxweynaha, waxayna kulan ay arrintaa kaga tashanayaan ku yeesheen huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, balse ka hor intii aanay kulanka mudanayaashu kaga tashanayeen codsiga Madaxweynaha wax jawaab ahi kasoo bixin ayay ku warheleen wargelin ku saabsan in fadhigii gollaha wakiiladu furmayo subaxnimada, taas oo jaahwareer ku riday qorshihii ay wateen iyo jawaabtii ay doonayeen inay ka bixiyaan codsiga Madaxweynaha Somaliland. 
Gollaha wakiilada oo si ku meelgaadh ah u xidhnaa maalmihii u danbeeyay. Kadib markii khilaaf iyo kala qaybsanaan ku timi mudanayaasha  ayaa saaka  si lama filaana loo furay, iyadoo ay fadhigaa kasoo xaadireen dhawr iyo sodon mudane oo ahaa garabka uu hogaaminayo shirgudoonku ee kasoo hor jeeday in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo xeer hoosaadka, waxaana fadhigaa lagu laalay gebi ahaanba mooshinka muranka ka abuuray gollaha ee kala qaybiyay mudanayaasha, isla markaana waxa la xidhay mudo 6 todobaad oo fasax ah fadhiyada gollaha.
Guddoomiye xigeenka koowaad ee gollaha C/Casiis Samaale oo xiligan ah ku simaha guddoomiyaha ayaa ku tilmaamay talaabada uu qaaday mid waafaqsan sharciga iyo xeerka gollaha, balse Mudanayaasha mooshinka watay oo aan  gebi ahaanba kasoo xaadirin fadhiga saaka ayaa si weyn uga cadhooday talaabada uu qaaday shirgudoonku oo ay ku tilmaameen mid aan waafaqsanayn sharciga oo baalmarsan xeer hoosaadka gollaha 
“Waxanu lahayn kulan balaadhan oo aanu wax iskaga weydiinayno codsigii Madaxweynaha oo ahaa mid nagu culus, xaaladuna way deganayd oo arrimuhu meel fiican ayay marayeen. Laakiin mar keliya ayaanu ku war helay in golihii la furayo berri (maanta), wixii kasoo baxayna waynu ogayn, mana aha wax sharci ah.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah xildhibaanada mooshinka watay.
Talaabada ay qaadeen garabka mudanayaasha ee shirgudoonku hogaaminayo ayaa xaalada cirka kusii laashay, isla markaana waxay meesha ka saartay rajadii laga qabay in xaalada la dejiyo oo laysku soo dhoweeyo dhinacyada, iyadoo ay mudanayaasha ka maqnaa fadhiga maanta ee watay mooshinka wax ka bedelku qorshaynayaan inay jawaab ficil ah ka bixiyaan arrintaa, taas oo aan la saadaalin Karin nooca ay noqonayso, balse waxa jira dhaqdhaqaaqyo la doonayo in xal loogu helo arrinta, iyadoo ay bilaabmeen ergooyin dhinaca xukuumadda Somaliland ka socda iyo kuwo dhinaca Bulshada ah oo doonaya in xaalada la dejiyo.
Dedaalka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waday saacadihii u danbeeyay ayaa sida ay wararku sheegayaan waxa hormood u ah Madaxweyne xigeenka C/raxmaan Seylici iyo koox wasiiro ah oo uu  ka mid yahiin  Dr. Gaboose  iyo Maxamuud Xaashi oo isagu xildhinaadii hore ka mid ahaan jiray, waqtigana ah wasiirka Duulista Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee jawaabta ay ka bixiyaan garabka mudanayaasha watay mooshinka wax ka bedelka xeer hoosaadka gollaha ayaa noqon karta mid xaalada dejisa , ama dabka kusii qabata khilaafka iyo kala qaybsanaanta gollaha wakiilada Somaliland.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *