Hargeysa(ANN)Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB,  ayaa maanta shaaca ka qaaday inay qaadaceen  doorashada Goleyaasha deegaanka ee loo mudeeyay inay dalka ka qabsoonto 28-ka Bisha November 2012. ka dib Gudida diiwaan gelintu ay todobaadkii hore daadifeeyeen murashaxiinta

 

Madaxweynaha iyo ku xigeenka ee xisbiga UDUB oo ay ku eedeeyeen inay u doorteen qaab ka hor imanaya shuruucdooda. sida ay gudidu ku doodeen.

sidaana waxa shaaca ka qaaday Cali Waran-cadde oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Huteelka Kaah ee magaalada Hargeysa, wuxuuna sidaa ku sheegay qoraal saxaafadeed uu kaga hadlayo arrimahaa, kaas oo u dhignaa sidan:-

“waxaan halkan bulshada reer somaliland ugu soo bandhigeynaa talaabooyinka waxshi-nimada ah ee lagula kacay XISBIGA UDUB IYO TAAGEERAYAASHIISA, Si looga reebo doorashooyinka,  Iyadoo si badheedh ah oo ku talagal ah loo baahiyey arrimo lid ku ah guusha uu doonayo in xisbiga udub ka soo hooyo doorashooyinka fooda inagu soo haya oo xisbigu filayo in uu si xoog ah ugu guulaysan doono.

Inagoo ogsoon in xisbigani yahay xisbigii ugu da’da weynaa ee dalkan majaraha u hayey muddo dheer kuna hogaaminayey dalkan sinaan, Cadaalad, midnimada bulshada reer Somaliland, Horumarkooda iyo sidii dalkani u gaadhi lahaa Madaxbanaanidiisa iyo in uu helo xoriyadiisii luntay lixdankii.

Xisbigan oo la ogsoon yahay in uu dalkan ka saaray nidaamkii burburkii ee dalkan u geystay dagaaladda sokeeye iyo burburka laxaadka leh, kuna walaaleeyey bulshada reer Somaliland nidaamka xisbiyada iyo wax wada lahaan shaha.
Iyada oo la ogsoon yahay in Xisbigani ahaa kii sida nabadgalyada ah uga hirgaliyey dalkan dhowrka doorasho ee lagu majeerto Somaliland.

Iyada oo la ogsoon yahay sidii sharfta, iyo wadaniyada lahayd ee Xisbigani u wareejiyey xukunkii markii ay dhacday doorashadii u dambaysay ee dalkan ka dhacda.

Iyadoo la ogsoon yahay in xisbigan salka u dhigay nidaamka dimuqaradiga ah ee aad moodo in hadda laga sii guurayo loona guurayo dhinicii qabyaaladda iyo halaagii dalkani hore uga soo guuray.
Iyadoo la wada ogsoon yahay in Xisbigani yahay kii salka u dhigay nidaamka dowliga ah ee manta dalkani ku dhisan yahay.

Waxaase ayaan darro ah in manta lagu qaado dagaal waxshi-nimo ah oo la doonayo in xisbigii dalkan hooyada u ahaa lagu burburiyo, lagagana reebo doorashooyinka soo socda. Iyadoo loo sii gogol xaadhayo kuwa ka liita xisbiga UDUB oo aan la garaneyn halka ay dalkan gaadhsiin doonaan, maadaama nidaamkii xisbiyada badani isu badalay nidaamka ururada qabyaaladda badan , oo iminka aad dalka ka dareemeyso in ururadii ay si qabali ah u kala soocanayaan xildhibaanadii deegaanka ee ay ahayn in lagu soo doorta qaranimo si dalkan ay u sii hogamiyaan.

Waxaad si toos ah ula socotaan haddii aad tihiin bulshada Reer Somaliland, in si balaadhan oo aan gabasho lahayn loo baahiyey si sharci darro ah arrimo dacaayado ah oo looga jeedo in wax loogu dhimo sumcadda iyo karaamad wanaagsan ee xisbiga udub, iyadoo lagu soo beegay xili xasaasi ah oo xisbigu xusul duub ugu jiro sidii uu u soo xuli lahaa Gole deegaan oo tayo leh kana fog qabyaalad iyo wax la mid ah. Isla markaana ay bulshada reer Somaliland ay manta rajo badan ka qabaan in hogaankii toosnaa ee dowladdii udub ay dib u soo noqoneyso.

Hadaba arrimahaasi ka soo yeedhay Hay’adihii qaranku u xilsaaray arrimaha Xisbiyada/ Ururada iyo doorashooyinka khaas ahaan gudida Diwaan -galinta si loo helo doorashooyin XOR IYO XALAAL AH waxaanu u aragnaa in ay qaadeen talaabooyin halis ah oo ay ugu tallo galeen in lagu reebo xisbiga udub, khalkhalna lagu galiyo bulshaweynta taageerta Xisbigan iyo musharixiinta deegaanka ee xisbiga oo baaxad weyn ku leh dalka iyo dunidaba, madaama xisbigani yahay xisbi soo jireen ah oo dalkan iyo dadkiisba qiimo balaadhan ugu fadhiya.Isla markaana ilaa hadda aanay jirin cid talaabo ka qaaday gefkaa ay sameeyeen Gudida Diiwaan Galintu oo aan ka ahayn way idinku qaldameen ee raali ahaada oo shaqadiina wata.

Sidaa awgeed waxaan bulshada Reer Somaliland iyo bulshada caalamka ee ku howlan arrimaha doorashooyinka dalka in aanu qaadacnay doorashada, ilaa iyo inta laga helayo guddiyo lagu aamini karo garsoorka axsaabta kuna sifaysan dhexdhexaad, magdhowna laga bixinayo wixii daano ah ee soo gaadhay habsami u socodka howlihii xisbiga ee dhinaca diyaar garowga doorashooyinka Deegaanka. Anagoo Dacwad rasmi ah u gudbin doona Maxkamadda sarre oo ka dhan ah Gudida Diiwaan galinta.” ayuu yidhi.

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *