Hargeysa(ANN)Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu baaqay Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia inay ka faa’idaystaan fursada hortaala maanta oo ay ummadooda u horseedaan guul, isla markaana aanay eegin lacagta la doonayo in codkooda lagu

 

iibsado, balse ay mustaqbalka wadankooda ka fekeraan.
Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay inuu fariin u dirayo xildhibaanada Somalia ee la filayo inay beri doortaan Madaxweyne hogaamiya Somalia, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “waxaan la hadlayaa shacbiga Somalia ee 21-ka sanadood dhibaatadu haysatay , waxaan la jecelahay wanaag, waana mid maanta gacantooda ku jira xildhibaanada dooranaya Madaxweynaha.” ayuu yidhi.
Gudoomiyaha UCID, wuxuu ka sheekeeyay midnimadii Somalia ee 1960-kii, wuxuuna sheegay inay siyaasiyiinta Somalia iska ilaabaan hadalhaynta Somaliland oo noqotay qaran madaxbanaan oo calan leh, isla markaana nidaam dawli ah oo ku yimi doorasho ka jiro, balse ay dalkooda hagaajistaan, wuxuuna isagoo la hadlaya xildhibaanada yidhi, Nin Kristan ah, ayaa ku leh waar codkiina ha iibinina, kuwa uu la hadlayaa waa xildhibaano soomaali ah oo Islaam ah oo hada salaada tukanaya, waa ayaandaro in Nin shihseeye ah oo weliba Kristan ah uu sidaa ula hadlo, waxay tani ku xusuusinay markii aduunku usoo gurmaday Somalia ee abaartu ka dhacday iyo macaluushu , waxa jaraa’id lagu qoray dhibaatada macaluusha iyo colaada ka taagan Somalia iyo madaxda Somalia oo boobay raashinkii dadkooda lagu caawiyay, waa nasiibdaro inay aduunkii la yaabeen dadka aan dadkooda u naxayn.” ayuu yidhi.
Eng. Faysal waxa uu sheegay in haddii ay kasoo baxaan halkaa wax aan u cuntamayn Somaliland oo aan wadahadaladii laga bilaabin halkii oo si siman loo wada hadlin ay Somaliland go’aan adag qaadandoonto,isagoo usoo jeediyay xukuumadda Somaliland inay u diyaargaroobaan wixii kasoo baxa halkaa haday dagaal noqoto iyo haday nabad noqotoba.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *