Labadii Maalmood ee u danbeeyay waxa magaalada Muqdisho ka socday Loolan xooggan oo marba marka ka danbaysa sii xoogaysanayay. kadib markii Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya dhegeystay doodaha iyo barnaamijyada musharixiinta doonaya inay u tartamaa jagada Madaxweynaha

Somalia, kuwaas oo tiradoodu tahay 25 musharax.
Musharaxiiinta u taagan inay nasiibkooda ka qaadaan loolaanka jagada Madaxweynaha Somalia, waxay isugu jiraan siyaasiyiin xilal hore uga soo qabtay sida Madaxweynihii iyo Raysal wasaarihii ugu danbeeyay ee ku meelgaadhka ahaa ee waqtigoodu dhamaaday. Sidoo kale waxa tartamayaasha ku jira siyaasiyiin xilalka raysal wasaare iyo wasiiro ksoo qabtay xukuumaddihii Somalia loo samaynayay labaatankii sanadood ee ay ku jirtay qalalaasaha iyo fawdada, Dublamaasiyiin  iyo  aqoonyahano ku cusub saaxada siyaasada.
Doorashada Madaxweynaha Somalia, ayaa si weyn ay mujtamaca Soomaalida ee dalka iyo kuwa dacalada dunida u haajiray dagaaladii Somalia ka dhacay labaatan sanadood ka hor indhaha ugu hayaan, maadaama ay tahay tii ugu horaysay ee nooceeda dawlad loogu dhisayo Somalia ee lagu qabto gudaha Somalia, isla markaana lagu doonayo in xukuumadda lagu doorto halkaa ay noqoto mid soo afjarta qalaasihii iyo jaahwareerkii ka taagnaa Somalia. sidoo kale wadamada daneeya siyaasada Somalia ee isku magcaaba beesha caalamka iyo warbaahinta aduunka ayaa indhaha ku haya waxa ka socda Somalia, kuwaas indhaha rayal caamka mujtamaca aduunka kusoo jeediyay Somalia mar kale.
Shacbiga Magaalada Muqdisho ee dhibaatada colaadaha, macaluusha iyo qalalaasuhu hadheeyay 21-ka sanadood ayaa hada u muuqda inay yididiilo iyo rajo gelisay doorashada Baarlamaanka cusub ee dhowaan la doortay iyo Madaxweynaha la filayo in la doorto maalinta Isniinta 10 Sep 2012 si ay Somalia cageheeda isugu taagto, isla markaana mujtamaca Soomaalidu noqdaan kuwo karaamadooda iyo sharaftoodu soo noqoto, balse rajada iyo yididiilada ayaa noqday kuwo aan si cad loo saadaaliin karin, maadaama aanay jirin cid si cad u damaanad qaadaysa inay Baarlamaanka cusub iyo dawlada madaxweyneheeda la dooranayaa noqdaan kuwii ay doonayeen bulshada Soomaalidu ee dhibaatada ka saari lahaa.
inkasta oo tan iyo markii ay burburtay dawladii Somalia 1991, dhibaatada iyo qaska ka taagnaa Somalia aanay ahayn kuwo ku kooban oo keliya qabqablayaasha Soomaalida ee ay faragelinta siyaasadaha wadamada gobolka iyo kuwa waaweyn ee aduunka oo dano dhaqaale mid siyaasadeed iyo kuwo diimeed  ka leh Somalia iyo mandaqada gamacaha kula jireen, welina kula jiraan oo uu jiro loolanka awoodaha shisheeye ee ku hirdamaya Somalia oo sababay qaska iyo fawdada daba dheeraaday, kuwaas oo qayb ka ah dagaalada ka socda Somalia ee foodsaarada u noqday  in la geeyo ciidamada AMISOM iyo kuwa ay dagaalka kula jiraan ee kooxaha aragixisada Al-shabaab oo gacan ku hayntii inta badan ee Somalia hada farohooda ka baxday. laakiin la rumaysanyahay inay yihiin quwad aan la dafiri karin feker ujeedadiisa lagu saleeyay ahdaaf diineed oo aan la dhelsan karin, isla markaana la rumausayahay inay marka ay doodaan dib isu soo abaabulayaan.

Dhamaan arrimahaa iyo kuwo kale oo siyaasadeed iyo duruufaha burburka dhaqaale iyo siyaasadeed ee ka jira halkaa, ayaa ah kuwo calaamatu su’aal saaraya mustaqbalka siyaasada Somalia iyo rajada in la arko dawlad soomaaliyeed oo cageheeda ku taagan, isla markaana kuwa ku loolamaya ee wadamada shisheeye iyo hogaamiyayaasha  siyaasiyiinta Soomaalida oo hore looga bartay marka lagaga guulaysto siyaasada ay minja xaabiyaan si aanay cageheeda isugu taagin, waana sababha ay u adagtahay in la saadaaliyo awooda ay yeelanay dawlada Somlia ee la filayo in madaxweyneheeda la doorto maalinta beri ah.
inkasta oo ay jiraan arrimahaa iyo kuwo kale oo badan.hadana waxa muuqata yididiilo iyo rajo aad u yar oo u bidhaamay bulshada Soomaalida, balse aan la saadaalin karin mustaqbalka iyo nooca ay noqonay xukuumadda la filayo inay Somalia yeelato, taas oo sababtay doodo iyo falanqayn lagu kala aragti duwanyahay oo lagu saadaalinayo cida noqonaysa Madaxweynaha ee la filayo in baarlamaanku u doorto  Madaxweynaha cusub oo hoggaamin doona Soomaaliya afarta sano ee soo socota.
Qaar badan ayaa doodaha iftiiminaya inay suurta gal tahay inay hogaanka la dooranayaa noqdaan kuwo ku cusub saaxada siyaasada iyo wejiyo aan hore loo arag, isla markaana aqoon iyo karti u leh inay hogaamiyaan qaran labaatan sanadood ka badan colaado iyo dhibaatooyin qalalaase haysteen oo u baahan inuu ifka kusoo biiro.
Hase yeeshee waxa iyana jira kuwo kale oo ku doodaya inay dadka musharixiinta u tartamaya Madaxweynaha ay intooda abadan yihiin dad ka yimi dalalka debeda oo aan waxba kala socon xaalada siyaasadeed ee dalka iyo mashaakilka yaal sidaa awgeed aan loo baahnayn inay hogaanka u qabtaan dawlada cusub oo aanay waxba ka bedelayn xaaladda qalafsan ee ka taagan halkaa.
inkasta oo doodaha afkaarta iyo saadaasha lagu kala duwan yahay hadana waxa muuqata in loolanka adag iyo kaanbaynka hadheeyay baarlamaanka la doonayo codkooda ee musharixiintu ku kala jiidanayaan iyo dhaqaalaha la doonayo in lagu muquuniyo codadka xubnaha baarlamaanka uu marba marka ka danbaysa kor u sii kacayo, taas oo xamaasad iyo dhaqdhaaq si weyn loo dareemayo ka abuurtay magaalada muqdisho.
Loolanka ayaa cirka isku sii shareeyay markii ay soo baxday inuu Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Axmed uu sheegay inuu u ololaynayo saaxiibkii Sheekh Shariif Axmed oo ahaa Madaxweynaha hogaaminayay dawlada mudadeedii dhamaatay ee ku meelgaadhka ahayd, dhawaaqaa ayaa muujiyay inuu Sh. Shariif rajo weyn ka qabo inuu noqdo Madaxweynaha Somalia mudo afar sanadood ah, laakiin  waxa bar bar taal guusha Shariif iyadoo 25 musharax ee tartanku ka dhexeeyo 17 ka mid ah ay deegaan kasoo wada jeedaan, taas oo sababi karta inuu guuldaro weyn iyo weji gabax kala kulmo tartanka adag ee loo gelayo loolanka madaxweynaha.
Inkasta oo Sh. Shariif ilaa hada yahay qofka siyaasiyiinta ku loolamaya kursiga Madaxweynaha Somalia safka hore kaga jira, hadana waxa jirta saadaal iyo hadal hayn lagu tilmaamayo in Maxamed C/llaahi Farmaajo oo lagu tilmaamo Raysal wasaarihii ugu karti badnaa ee soomara dawladihii loo samaynayay Somalia labaatankii sanadood ee u danbeeyay uu yahay shaqsiga ay saadaalinayaan dadka siyaasada u dhuun daloolaa inuu yahay ragga ugu cad cad  ee ilaa hada safka hore taagan, waxayna dad badan rumaysan yihiin haddii ay arrintu ahaan lahayd inay bulshadu cod si toos ah maanta wax ugu dooranay inuu noqon lahaa qofka heli lahaa codadka ugu badan ee bulshada Soomaalida gudaha iyo debedaba.
Saadaashan ayaa tilmaamay in haddii sh. shariif ku guulaysto doorashada Madaxweynaha ay hubaal tahay in raysal wasaaruhu noqonayo Maxamed C/llaahi Farmaajo, waa haddii aanay hor istaagin hankiisa wakiilka qaramada Midoobay ee Somlia Mahinga iyo kooxdiisa oo ay Farmaajo is eedeen mudadii yarayd ee uu ahaa raysal wasaaraha Somalia oo uu muujiyay wadaniyad iyo kalsooni dhab ah oo uu doonayay inuu si daacad ah u guto hawshiisa, isla markaana wax weyn ka bedelay xaaladii siyaasadeed iyo nabadgelyo xumo  ee jirtay xiliggaa.
si kastaba ha ahaatee waxa hubaal ah in loolanka adag ee musharixiinta Madaxweynaha Somalia ee la doonayo in lagu kala baxo maalinta beri aanay ka madhnayn gamco shihseeye oo ka imanaya wadamada ku hirdamaya somalia labaatanka sandood iyo adeegsiga dhaqaale malaayiin dolar ah, taas oo luminkarta rajada yar ee u bidhaamay bulshada Soomaalida, balse waxaynu eegi halka uu ksuoo afjarmo loolanka dhaqaalaha iyo gamcaha awoodaha badani ku hirdamayaan ee musharixiinta u tartamaya Madaxweynaha Somalia.

 

Faallo By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
E-mail Jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *