-
Published On: Thu, May 6th, 2010

Xisbiga UDUB Oo Markii Ugu Horaysay Shaaca Ka Qaaday Mawqufkooda Ku Wajahan Mudada Loo Cayimay Doorashada Madaxtooyada

Smiley face
Share This
Tags
Hargeysa (ANN)-Xisbul xaakimka UDUB ayaa markii u horaysay shaaciyay inay diyaar u yihiin xiliga doorashada madaxtooyada ay u qabteen komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, isla markaana ay aqbalayaan liiska diiwaan gelinta iyo kaadhadhka cusub ee komishanku bedelayaan maalmaha fooda inagu soo haya.  Sidaa waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Gudoomiyaha Ololaha Doorashada Xisbiga UDUB, Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-hindi), kaas oo uu ku sheegay inay xisbi ahaan soo dhawaynayaan hawsha diyaargarawga doorashada oo ay bilaabayaan kaanbeynka.

War-saxaafadeedkaa oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan:

“Jiritaanka Somaaliland ee ah in ay tahay dal madaxbanaan waa mid ku yimi doonista shacbigeena qiimaha leh. Waa mid aynu ku higsanayno himiladeena ah dhamaystirka guusha horumarka oo ah sidii aynu uga  mid noqon lahayn bulshada caalamka inaga oo ah dal la aqoonsan yahay.

Waxa hubaal ah in bini aadamku ka siman yahay dhinaca fekerka marka uu caqli caafimaad qaba oo runta ku salaysan isticmaalayo si uga tashado ugana go,aan  qaato dariiqa uu u marayo gaadhista himiladiisa. Tashigaas ayaa keenay in laga guuro habka axdi qarameedka iyo dhaqanka loona guuro ku dhaqanka distoorka oo  jideeyay habka dimuquraadiyada ee ku salaysan nidaamka xisbiyada badan oo xukuumada xisbiga UDUB sabab u ahayd iyagoo la yimi ku dhiirasho ah in la qaato nidaamka ku tartanka xisbiyada iyadoon la  eegayo  maslaxada umada iyo baahida loo qabo gaadhista guusha horumarka ee shacbigan.

Habkaas xisbiyada badani waxa uu dabada ku hayaa xeerarka doorashada loo sameeyay  oo uu ka mid yahay xeerka diiwaan galinta cod bixiyayaasha. Xeerkaas oo lagu jideeyay in la sameeyo diiwaan galin lagu diiwaan galinayo muwaadiniinta si ay codkooda u dhiibtaan maalinta doorashada. Xeerkaasi maaha mid ogolaanaya in hal mar wax ka badan la is diiwaan galiyo sida ku cad qodobkiisa 33aad.

Xeerka diiwaan galinta qodobkiisa 33aad waxa uu leeyahay

Muwaadina looma ogola inuu haysto hal kaadh cod bixineed wax ka badan hadii lagu helo si khiyaamo ah ama been abuur ah ama lagu siiyo codbixiye ee haysadhada hal kaadh wax ka badani waxay noqonaysaa been abuur  lagula kacay dhokumenti dawladeed. Qof kasta oo ( hawlwadeenada  iyo codbixiyayaasha) oo falka noocan ah ku kaca wuxu mudan yahay oo lagu ciqaabi doona sida uu tilmaamayo xeerka ciqaabtu.
Isla diiwaan galinta qodobka 6aad waxa lagu sheegay

Diiwaanku waa hanta umadeed waxaanu u furan yahay dadwaynaha. Xisbi kasta oo siyaasadeed waxa uu xaq u leeyahay inuu la socdo habaynta, dhaqangalinta iyo daabacaada diiwaangalinta.
Hadaba is waydiintu waxa weeye; ma la socdeen ama lala socodsiiyay xisbiyada sifeynta iyo kala saarista liiska diiwaangalinta codbixiyayaasha? Jawaabta su,aashaasi waxa ay u taalaa dadwaynaha

Qodobadan waxaan u soo qaadanay si loo fahmo sida sharci ahaan loo ixtiramaay loogana hawl galay sidii dalkan ay uga dhici lahayd doorasho xor oo xalaal ah taasna kaliya lagu heli karo iyada oo la helo diiwaan galin kalsooni dhamaystiran wadata oo runta ka turjumaysa dhamaana ay ku qanacsan yihiin dhinacyada ay khusayso.

Xeerka diiwaan galinta hadii aan intaas kooban ku dhaafno, waxa la galay diiwaan galintii taas oo aynu dhamaanteen ka wada dharagsan nahay sida ay u dhacday iyadoo cudud iyo dhaqaale badani inagaga baxay oo beesha caalamku gacan wayn ku lahayd.

Waxyaalaha ay la kulantay diiwaan galintu waxa sabab u ahaa;

Dadka oo si qaldan loo tartan galiyay si ay codad dheeraad ah u helaan

Qalabka lagu hawlgaliyay ee loo adeegsday ururinta xogta aan tayadiisu fiicnayn

Shaqaalaha goobaha oo aan ahayn qaar tababar fiican la siiyay taasina ay keentay in ay iyagoo waqtiga degdegsanaya ay qaladaad badani dhaco iyadoo laga tagay farihii in badan ama sawirka oo aan muuqan habka loo qaaday awgii.

Hadaba marka ay diiwaan galintii u dhacday sidaas khaladka ah een la filayn waxa haboonayd in Hayadii Interpeace oo ka wakiil ahayd deeq bixiyayaasha  kana masuul ahayd diiwaan galinta farsamadeeda ay runta ka sheegto  in aanay suurtagal ahayn in la helo natiijo lagu kalsoonaan karo oo lagu gali karo doorasho xor oo xalaal ah.

Nasiib daro waxa ah, in aanay marnaba Interpeace xaqiiqada runta ah ka sheegin xogta dadka isu diiwaan galiyay doorashada ee ku jirta Komputer serverka balse iyadu ku adkayd in aan laga guurin diiwaan galinta, taas oo keentay sababna u ahayd in doorashada madaxtooyada kolba dib u dhacdo.

Shirkada la yidhaa Creative associates oo eegtay Serverka ayaa waxa ay isugu yeedhay Interpeace iyo sadexda xisbi qaran waxaanay iyaduna xaqiijisay in aan barnaamijka serverku sidii la rabay aanu waxba u qabanayn loona baahan yahay dibu eegis. Waxa cajiib ahayd in interpeace soo jeedisay dalab ah ma waxaan idiinka dhigaa liiska diiwaanka codbixiyayaasha 700,000 mise 800,000 ama 900,000.      

Waxa xusuus mudan iyadoo natiijadii la sugayo diiwaan galinta codbixiyayaasha in hayadii Interpeace 08/07/2009  soo saartay liis  dhan 1,200,000 . Taasina ay keentay in komishankii doorashooyinka ee hore ku dhawaaqo in liiska Interpeace soo saartay lagu kalsoonaan Karin laguna gaadhi Karin doorasho xor oo xalaal ah.

Sababta waxay ahayd;

Habka loo qaaday sawirka iyo farta oo aan tayo badan lahayn inta saxa ah tirade la hayo

Faraha la hayo inta badani maaha qaar ah kuwii laga qaaday qofkii saxa ahaa iyadoo loo adeegsaday far hal qof kaligii in kumanyaal lagu isticmaalay.

Sawiro badan oo ku yaala kaadhadhka dadka is diiwaan galiyay oo ahaa qaar Albums laga soo maan guuriyay ama dad dibada jooga ayaa internetka ku soo diray.

Boqolaal kun oo caruur ah oo aan da,dii  codaynta gaadhin ayaa ku jiray

Kombuyuutaradii lagu shaqaynayay oo qaarkood maqan yihiin qaarna lagala wareegay shaqaalihii sidii la doonana loogu takri falay.

Iyadoo waxaas oo qaladaad ah ay ku jiraan liiska interpeace ay soo saartay  ayaa nasiib darada dhacday waxa markiiba ku dhawaaqay in ay aqlbaleen xisbiyada mucaaridka iyagoo aan ka fiirsan kana fekerin waxyeelada ugu sugan naftooda iyo shacbigaba anaguna ka xisbi xaakim ahaan anagoo eegayna danta loo alkumay lagana lahaa in diiwaangalin la sameeyo ayaanu dareenkayaga muujinay ah in la saxo qaladaadka iyo qabyada ka muuqata liiskaas.

Aqbaladaas aan ka fiirsashada lahayn ee xisbiyada mucaaridka iyo dareenkayagii ahaa wax aan saxno waad ogaydeen waxa ka dhashay oo ahaa waxaan shacbigani gayin loona baahnayn xiligaas  waxa la abuuray lana abaabulay nabadgalyo daro, kicin sababtay In waxyeelo soo gaadho qiimaheena dad iyo dal ahaaneed taasna xisbiga mucaaridka ayaa sababteeda lahaa.

Dareenkayaga ah in la saxo liiska la doonayo in doorashada lagu galo waxa sabab u ahayd;

Sida uu dhigayay xeerka diiwaan galintu liiska waxa ay ahayd in uu soo saaro komishanka doorashooyinka balse waxa soo saaray oo ku dhawaaqay Interpeace oo an shirci ahaan xaq u lahayn.

Waxa liiska ku jiray qaladaad badan oo ay ka mid ahayd goobo badan oo diiwaangalineed oo sidoodii looga tagay iyo qaar qof ama laba qof oo kaliya ay iska diiwaan galiyeen waxaana ka mid ahaa goobahaas; xariirad C, Daraya dheere, dugsiga qoor gab, Bacadlaha Borama, Cadaad,  Bali gubadle B, Sayla bari, Haleeya 1,  barwaaqo 1, Dekeda Berbera1,Saylada xoolaha 1, Dugsiga burco sheikh 1, Il carmo 1, Biyo fadhiisinka1,  maclaamada sheekhada. Waxa kale oo ku jiray goob kale oo badan oo tirooyin aan macquul ahayn ku soo baxay sida 4,5,10,20,30 ilaa 50 qof.

In aqbalaada liis aan sax ahayn oo doorasho lagu galaa aanay ka turjumayn doorasho xor oo xalaal ah taas oo lagu baadi doonayo masayrka umadan.

Arintaas markii la isku mari waayay waxa soo dhex galay daneeyayaasha soomaaliland oo ay ka mid yihiin wadamada jaarka iyo deeq bixiyayaasha,  waxaana nuxurkii noqday in loo soo noqdo dareenkayagii ahaa in la qabyo tiro lagana saaro qaladaadka ku jira liiska ay soo saartay interpeace.

Waxa la wada galay heshiis lix qodob ah oo soo afmeeray khilaafkii heshiiskaas oo ah ka  komishanku maanta ay ku shaqaynayaan  marjacna u noqday toosinta  iyo saxista liiska diiwaan galinta codbixiyayaasha.

Heshiiskaas waxa qodobkiisa 3aad leeyahay;

Sadexda xisbi qaran waxay isku raaceen in ay jirto baahi loo qabo in liiska diiwaan galinta codbixiyayaasha oo saxa sharcigana waafaqsan loo isticmaalo doorashadan iyo kuwa mustaqbalka (Baarlamaanka & deegaanka). Sababtaas darteed iyo iyadoo maanka lagu hayo qaladaadka ku jira liiska imika jira, waxa ay sadexda xisbi qaran isla aqbaleen inay jirto baahi loo qabo in si qoto dheer loo sifeeyo liiska iyo tixgalinta ah in loo baahan yahay ilaalin qoto dheer si looga fogaado codbixiyayaasha laba jeer iyo wax ka badan is diiwaan galiyay oo ku jira liiska.

Qodobkaas oo ka mid ah qodobada lixda ah ee imika lagu shaqaynayo waxa uu salka ku hayaa in la helo liiska diiwaan galinta codbixiyayaasha oo shilinta iyo qodaxdaba laga guray ahna mid sax ah oo aanay ku jirin ku celcelin, dad aan qaan gaadh ahayn iyo waliba kuwo isticmaalay habab kale oo aan sharci ahayn.  Waxa kale oo la isku ogaa in khubaro farsamayaqaaniin caalami ah la diro si ay wax uga qabtaan liiska diiwaanka ee codbixiyayaasha soona saaraan talooyinkooda iyo in xisbiyada lala socodsiiyo habka iyo qaabka loo marayo sifeynta liiska iyadoo la bixinayo technical report koobaya dariiqii loo maray ee suurtagaliyay in la soo saaro liiska diiwaanka codbixiyayaasha.

Hadaba iyadoo la sugayay mudo imika ku siman sanad in la helo liis saxa oo lagu galo doorashada, waxa komishanka doorashooyinka qaranku ku qabteen hoteelka imperial shir saxaafadeed ay ku soo bandhigayaan fekerkooda, tirada dad ee ku jirta liiska la isticmaalayo ee goobaha la gaynayo iyo sababaha ay go,aankaas u qaateen. Tirada liiska ay komishanku shir saxaafadeedkaas ku sheegeena waa  mid aan waxba ka duwanayn  kii  Interpeace ay soo saartay ee kalifay in dalka laga saaro iyo sababna u ahayd imaatinka komishanka hadda.

Waxa kale oo 28 April 2010 uu la taliyaha dhinaca farsmada (technical advisor) ee komishanka Mr David oo ka socda shirkada ERIS  soo saaray Summary Report ka kooban 9 qodob kaas nuxur ahaan u dhigan ;

Xogta liiska diiwaanka ku jirtaa ma laha oo waxa laga tagay 50% farihii (finger print) ay ahayd in la qaado.

Sawirada xogta lahayaa waa qaar aan si fiican loo qaadin ama lagu qaaday meel aan iftiin lahayn. Markii la isku dayay in tayadooda kor loo qaadana taas oo sanadkii ugu danbeeyay la waday ay suurta gal noqon wayday in la tayayn karo waayo waa sawiro madow ama sidii la rabay aan loo qaadin ama leh xijaab. FRS oo ah nidaamka lagu baadho wajiguna ma kala shaandhayn karo sawiro sidaas ah loomana samayn markaa waxii uu qaban karayay oo kaliya ayuun buu qabtay.

Taasi waxa ay marag fur u tahay in barnaamijyadii loogu talo galay in lagu qabto dadka laba jeer iyo wax ka badan is diiwaan galiyey  aanay ahayn  wax shaqeeyay.

Intaasi waxaan naga ahayd xogsiin iyo in shacbiga soomaaliland lala socodsiiyo waxa jira.

Gebagebadii anagoo eegnayna xaalada imika la marayo iyo ahmiyada ay leedahay doorasho  ay dalka ka dhacdo sidoo kalena tix galinay danta iyo maslaxada ummada soomaaliland waxaanu halkan  soo dhowaynaynaa  nuxurkii warsaxaafadeedka komishanka ee hor dhaca u ahaa liiska diwaanglinta codbixiyeyaasha  waxa kale  oo  aanu soo dhawaynaynaa  ku talogalka  xiliga doorashada ee uu qoondeeyey komishanku  oo ah Bisha June

Sidaas darteed, waxaanu taageerayaashayada faraynaa in ay isu diyaariyaan   bedelista Kaadhadhka diiwaanglinta oo dhacaysa sida komishanku sheegay 10/05/2010

Waxa kale oo aanu mar kale  halkan ku cadaynaynaa  in xisbiga  UDUB  diyaaar u yahay  hab kasta oo doorasho ku suuroobi karayso xili kasta oo inagu soo fool leh.”

By,  Carraale  M. Jama

Hargeysa Office Araweelonews

E-mail; Info@araweelonews.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>