Mashruuca Isgaadhsiinta  iyo gudbinta macluumaadka Internetka ee Keybalka dhinaca Badda ee loo yaqaan (East African Sub- Marine Cable System Project ) oo loo soo gaabiyo  fududeeye (EASSy) ayaa hada u muuqda mid ay hadheeyeen muran iyo khilaafaad ka dhashay habka ay wadamada Bariga Afrika iyo Gaanacsatada, ama shirkadaha  Isgaadhsiinta ee wadamada uu ku jihaysan yahay uga qayb qaadanayaan maalgashigiisa marka laga yimaado  maalgelinta Baanka Aduunka. Mashruucan oo loo qoondeeyay inay ku baxdo lacag lagu qiyaasay  $  200 Million oo dollarka mareykanka ah  ay ku baxayso, taas oo  $ 170  Million  lagu qiyaasay inay noqonayso inta lagu soo jiidayo  Keybalka ee lagu soo gaadhsiinayo xeebta, iyadoo $ 30 Million oo dollar ay ku  baxayso  kulamada lagaga tashanayo hawsha iyo adeegyada  mashruucaa lagu maamulayo mudada lagu jiro dhismaha iyo hirgelinta mustaqbalka mashruucaa oo aanay ku jirin qaabka loogu gudbinayo wadamadaa mid kasta nidaamka  Isgaadhsiintiisa.

Iyadoo la rumaysan yahay inuu mashruucani si weyn wax uga tarayo bulshada ku dhaqan geeska Afrika iyo wadamada kale ee fursadaa ka faaidaysta dhinacyada dhaqaalaha, shaqooyinka iyo isticmaalka enternetka iyo teloofoonada oo qiimahoodu aad u hooseeyo, isla markaana tayadoodu sarayso iyo xaqiijinta ku xidhnaanta caalamka ee nidaamka golobasayshinka isku xidhka Aduunka.

Mashruucan oo ay  maalgelinayaan  Baanka Aduunka iyo Hay”ado, ama  Ururo caalami ah  waxa la saadaalinay bilawgii inay ka qayb qaataan shirkadaha wadamadaa ee dhinaca Isgaadhsiinta iyo ganacsatada u dhalatay dalalkaas  oo ay maalgashi ku sameeyaan. Laakiin marxalado badan iyo duruufo ku xeernaa ayaa abuuray jiitan.

Hindisaha qorshaha mashruuca Keybalka Badda hoosteeda ee la doonayay in Afrika lagu soo wareejiyo wuxuu ahaa mid sannadii u danbeeyay soo socday, waxaana sannadkii 2002 lasoo gebagebeeyay mashruuca  keybalka SAT3/WASC, kaas oo ay isticmaalayaan  11 wadan oo galbeedka Afrika ah, kuwaas oo shan ka mid ahi yihiin kuwa laysku yidhaahdo ECOWAS. Laakiin  wadanka Angola oo keliya ayaa lagu xidhay Optic Fibre submareine  Cable, halka wadamada Congo  (DRC), Congo  Republic Central Africa (CAR) ay  yihiin shanta xubnaha ka ah GLR.

Sidoo kale Economic Community of Central Africa States oo loo soo gaabiyo (E CCAS) ayaan iyagu weli helin adeegaa mashruuca inkasta oo ay jireen codsiyo ay ku dalbanayaan inay ka qayb qaataan mashruucaa si ay uga faa’idaysteen wadamadaasi. Balse waxa jiray dib u eegistii mashruuca Keybalka uu maalgelinayay Baanka Aduunku ee EASSY fududeeyaha in lagu xidhiidhiyay Optic Fibre, iyadoo ay ka qayb qaateen shirakado gaar loo leeyahay lagu xidhiidhiyay Keybalka xadhkaha SAT3/WASC/SAFE, kaas oo ujeedadiisu ahayd in laysku xidho Afrika, Asia Iyo Yurub, isla markaana qorashahaasi yahay Optic Fibre System ay awoodiisu sarayso oo door mihiim ah ka qaadanaya horumarka, waxaana la bilaabay qorshaha mashruucaa EASSy oo Africa oo dhan lagu soo wareejiyo, iyadoo ay iska kaashadeen daraasado mashruucaa lagu hirgelinayo koox ka socotay Baanka Aduunka  (World  Bank Group), Bangiga Houmarinta ee Koonfur Afrika ( Development Bank of  South Africa), Hay’ada Horumarinta  ee Faransiiska (Agence Francaise de Development) ee loo soo gaabiyo  (AFAD) oo kaashanaya Hay’ada ka   qaybqaadashada horumarinta Afrika ee NEPAD (New Partnership for Africa’s Development) oo la sameeyay 2001.

Waxaana waqtigaa saxeexay  qoraalka xusuusta fahamka mashruucaa labaatan wadan shirkadohooda Isgaadhsiintooda iyo kuwo gobolo ka socday, iyadoo ay ka mid ahaayeen

1- Botswana Telecommunication Corporation

2-Dalkom Co LTD (Somalia)

3-Djibouti Telcom

4- Ethiopia  Telecom Corporation

5-Kenya Data Networks

6- Malawi Telecom

7-MTN  Uganda

8-Ontel Burundi

9-Ruwanda Telecom

10-Satcom Ltd

11-Sentech South Africa

12-Sudan Telecom Ltd (Sudatel)

13-TDM Mozambique

14- Telecom Burundi

15-Telecom Malagasy

16- Telecom Kenya

17-Telecom South Africa

18-Telecom

19-Zanzibar Telecom

20- Zambia Telecom (Zamtel).

Inkasta oo wadamada gobolka ee mashruucaa danaynayay qaarkood bilaabeen qorshayaashoodii ka dib markii ay buuxiyeen shuruudihii loo baahnaa, isla markaana ay saxeexeen heshiiska fahamka mashruucaa waxa hadana jirta in wadamada qaarkood dib uga laabteen markii ay kasoo bixi waayeen shuruudaha ku xidhan mashruucaa oo ay ka mid yihiin arrimaha amaanka iyo isku xidhnaanta isgaadhsiinta ka jirta wadankaa inay tahay mid ka diiwaan gashan Ururka  Isgaadhsiinta Caalamiga ah, iyadoo guddiyo kala duwan loo qaybiyay ka qaybgalka shirkadaha iyo wadamada doonaya inay ka qayb qaataan mashruucaa, kuwaas qiimayn iyo baadhitaan ku samaynaya qorshayaasha shirkadaha, ama ganacsatada

La soco…………….

By,  Carraale  M. Jama

Hargeysa Office Araweelonews

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *