File Photo
File Photo
Hargeysa (ANN)- Shixnadii Kaadhadhka cusub ee doorashada ayaa maanta soo gaadhay gudida doorashooyinka qaranka. Kaadhadhka cusub ee maanta laga soo rogay madaarka  Hargeysa ayaa  loogu tallogalay inay bedellaan kuwii hore loo bixiyey ee diiwaan gelinta doorashada Madaxtooyada Somaliland.  Diyaarad nooca Jet-ka  ah oo laga leeyahay dalka Koonfur Afrika  ayaa soo fadhiisatay Madaarka Magaalada Hargeysa ee caalamiga ah oo amaankiisa aad loo adkeeyay. Waxyna Diyaarada siday Kaadhadhka cusubi  ka soo qaadday dalka Koonfur Afrika, iyadoo  ay soo samaysay kaadhadhka  Shirkad Koonfur Afrika laga leeyahay oo la siiyey qandaraaska Kaadhadhka, Sanaaduuqda iyo qalabka kale ee doorashada lagu galayo.

Haddaba, Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari) iyo Guddoomiyaha Guddiga diiwaangelinta, ahna xubin Guddiga ka  mid ah, oo goob-joog ku ahaa Madaarka oo Diyaaradda kaadhadhka lagaga rogayay, ayaa Shabakadda wararka ee Ramaasnews iyo TV-ga Caalamiga ah ee Universal xog waraysi khaas ah ka siiyey kaadhadhkaas. Waxay sheegeen in kaadhadhkani yihiin intii hawsha ugu dambaysay, marka laga reebo wax yar oo xaal-xaal ah iyo doorashadii oo ku xigta.
Ugu horreyn Guddoomiyaha Guddiga diiwaangelinta Raabbi Cabdi Maxamed, oo ka jawaabayay su’aal aannu ka waydiinay nooca qalabka diyaaraddu Hargeysa keentay iyo sida uu u arko, waxa uu yidhi; “Waxa farxad wayn noo ah inay maanta na soo gaadheen kaadhadhkii cusbaa ee lagu beddali lahaa kuwii hore ee codaynta. Waxaanannu qaybintooda bilaabaynaa kaadhadhka cusub 10-ka bishan May, sidii hore-ba aannu Warbaahinta uga sheegnay, waanad mahadsantihiin.”
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari), ayaa noo sheegay in marka ay dhameeyaan laba toddobaad iyo dhawr cisho oo lagu dhamaynayo wacyigelinta iyo qaybinta kaadhadhka cusub, wixii ka dambeeyana waxa loo dareeraa noqonayso codaynta doorashada Madaxtooyada oo bisha lixaad June qabsoomaysa.

“Waxaan u malaynayaa intii u dambaysay ee innagu taagnayd ayay ahaayeen kaadhadhkani, waa kuwaa maanta oo ay taariikhdu tahay 4 May 2010 dalka la keenay. Inkasta oo 30-kii April aannu ku wadnay inay inna soo gaadhaan Kaadhadhku, dhawr cisho oo dib u dhac ah ayaa ku yimi, dib u dhacaas oo ahaa mid ka dhashay mushkiladihii bishii hore   ku yimi madaarada dalalka Yurub, taas  ayaa saddex cisho habsan ah  keentay, halka maalina  diyaaradda  dib u dhac ku yimi.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland Ciise-Xamari.

Wuxuuna intaa ku daray inay hawshoodii Komishan ahaan si fiican ugu soco, isagoo  yidhi,  “Hawshayadu sidii aannu u ugu talagalnay ayay Insha Allaah u soconaysaa. 10-ka Bishan May waxaannu bilaabaynaa soo bandhigidda qaadashada Kaadhadhka cusub  oo Toddoba cisho soconaysa. Toddobadaa cisho waxa ka dambeeya toban cisho oo ay degmooyinka ka soconayso. Wixii ka dambeeyana waxaynu u diyaargaroobaynaa doorashadii haddii Illaahay yidhaahdo oo bisha lixdaad ah sannadka 2010.”

Aammaanka Madaarka Hargeysa ee diyaaradda kaadhadhka sidday soo fadhiisatay, ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo Ciidamada Booliska Somaliland iyo kuwa sida degdegga ah u hawlgala SPU. Waxaanay ku hareeraysnaayeen Ciidamadu dacallada Ranway-ga, gaar ahaan goobta ay fadhiday Diyaaraddaasi. Iyadoo  xubno khuburo dhinaca amaanka ahi la socdeen Diyaaradda, kuwaas hawshoodu ahayd inay  la  socdaan qaabka kaadhadhkaa loo rogayo, halka lagu dejinayo  iyo indha indhaynta ammaanka madaarka. Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa isagu  si dhakhso ah madaarka uga soo noqdoy.

By,  Carraale  M. Jama

Hargeysa Office Araweelonews

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *