Hargeysa(ANN)Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa digniin u jeediyay cid kasta oo isku dayda inay carqaladyso waan waanta laga wado heshiiska nabadeed ee ay shalay  ku dhawaaqeen madaxdhaqameedka iyo odayaasha ka soo jeeda deegaanka Ceel-Bardaale oo ku yaal dhinaca

galbeed ee Gebilay, kaas oo ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo  u saartay Guddi Wasiiro ah  iyo Odayaal ka tirsan deegaanka.
Qoraal saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska UCID ayaa ka danbeeyay. Kadib markii Xukuumadda Somaliland shaacisay shalay Guddiyo isugu jira xubno ka tirsan gollaha wasiiradda iyo Odayaal ka tirsan deegaanka oo balan qaaday inay soo afjarayaan muranka iyo xiisada mudada dheer ka oloosnayd deegaankaa oo marar baddan keentay isku dhacyo iyo rabshado si weyn u gil gilay nabadgelyada deegaanka, iyadoo xal u helida murankaa dhawr goor ay isku dayeen inay soo afjaraan xukuumaddihii hore ee Somaliland, balse ay suurta geliweyday.
Sida lagu sheegay qoraalka xafiiska xisbiga mucaaridka ah ee ICID oo laga soo saaray kadib kulan ay yeesheen guddida fulinta ee xisbigaa, isla markaana uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Muse Xaaji Maxamed (Muuse Inji)

“Waxaanu digniin siinayna cid kasta oo isku dayda in ay carqaladayso geedi socodka nabadda,  dawladana waxaanu ka codsanaynaa inay gacan bir ah ku qabato cidii ka-hor timaada Guushaas nabadeed ee la gaadhay.”

Sidoo kale XisbigaUCID waxay sheegeen  inay soo dhawaynayaan heshiiska nabadeed ee Ceel-bardaale, “Guddida fulina xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) maanta oo ay taariikhdu tahay 5/01/2011, wuxuu si weyn u soo dhawaynayaa heshiiska nabadeed ee lagu soo afjarayo colaadda la kala dhex dhigay labada beelood ee walaalaha ah ee ka soo kala jeeda Gebilay iyo Dilla.

Xisbiga UCID wuxu amaan u jeedinayaa odayaasha iyo wax garadka caqliga wanaagsan iyo wadaninimada ku xaliyay shaqaaqadii collaadeed kuna bedelay nabad, caano iyo horumar .

Waxaa sidoo kale ammaan mudan siyaasiyiintii iyo aqoonyahankii isaga dabqaadayeey nabadaynta iyo walaalaynta labada beelood, iyadoo Gudoomiyaha Xisbiga UCID uu door weyn ka soo qaatay isu soo dhaweynta iyo bud-dhigga nabada ilaa bilawgii shaqaaqadu dhacday.

Wuxuu Xisbiga UCID bogaadinayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay nabadaynta labada beelood ee walaalaha ah, khaas ahaan gudoomiyaasha Gobolada Gebilay iyo Awdal oo gacan weyn ka gaystay nabadaynta maanta suurta gashay, Xisbigu wuxuu mar walba diyaar u yahay in uu sii wado gacan weyna ka gaysto xal u helida sidii loo gaadhi lahaa xal waara oo cadaallad ku dhisan.

Waxaanu digniin siinayna cid kasta oo isku dayda in ay carqaladayso geedi socodka nabadda,  dawladana waxaanu ka codsanaynaa inay gacan bir ah ku qabato cidii ka-hor timaada Guushaas nabadeed ee la gaadhay.

Xisbiga UCID wuxuu dhiiri gelinayaa in muran kasta lagu dhameeyo walaaltinimo iyo is af garrad, laguna daydo talaabadaa ay qaadeen wax garadka ka soo jeeda Gebilay iyo Dilla.” Ayaa lagu soo gunaanaday qoraalka xisbiga UCID.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *