Hargeysa(ANN)Ciidanka Booliska ee magaalada Hargeysa, ayaa xabsiga u taxaabay shalay madaxa maamulka iyo lacagta ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Mr. Cabdiqani Ciise Warsame (Ganay), kadib markii sida la sheegay uu amarka qabashadiisa bixiyey Xeer-ilaaliyaha Guud ee Somaliland.

Madaxa Maamulka iyo Lacagta oo muddo saacado ah ku xidhnaa Saldhigga Dhexe ee Booliska Hargeysa waxa sii dayntiisa ka hawlgalay qaar ka mid ah masuuliyiinta sare ee hay’adda Nabadsugidda Qaranka.

Saraakiil ka tirsan hay’adda Sirdoonka Somaliland oo codsaday in aan magacyadooda la shaacin, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in amarka xadhigga sarkaalkaasi ka soo baxay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kadib markii labada sarkaal ee dawladda ka wada tirsan isku maandhaafeen sawir aannu raalli ka ahayn oo Xeer-ilaaliyuhu sheegay inuu ka qaaday nin la socday sarkaalka uu xidhay oo hawlo gaar ah u tegay shalay xarunta Xeer-ilaalinta Guud ee Hargeysa.

Sida ilo-wareedyadaasi tibaaxeen waxa uu Xeer-ilaaliyaha Guud ciidammada ammaanka ku amray inay kamarada ka qaadaan ninka sawirka ka qaaday, balse waxa arrintaas is-hortaagay Mr. Cabdiqani Ciise Warsame (Ganay) oo sida la sheegay ku andacooday in aan la sawirin xeer-ilaaliyaha, kadibna labada masuul hadalku ka xumaaday oo is-afdhaafeen, iyadoo markii dambe Xeer-ilaaliyaha Guud ku dooday in sarkaalka Sirdoonka ka tirsani gacanta ula tegay.

Haseyeeshee, is-maandhaafka labadaas masuul, ayaa sababay in Xeer-ilaaliyaha Guud amro xadhigga sarkaalka Hay’adda Sirdoonka Qaranka u qaabilsan xafiiska Maamulka iyo Lacagta Mr. Cabdiqani Ganay, kaasoo sida la sheegay ciidan boolis ah oo sitay qoraal Xeer-ilaaliyuhu ku amray qabashadiisu ku qabteen, kuna geeyeen Saldhigga Dhexe ee Booliska Hargeysa, balse dhawr saacadood kadib laga sii daayey, kadib markii ay sii dayntiisa waan-waan ka galeen saraakiil sare oo ka tirsan Sirdoonka, kuwaasoo Xeer-ilaaliyaha Guud ku qanciyey inuu aqbalo in dibadda lagu dhammeeyo xurgufta ka dhexaysa.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

xigasho Jamhuuriya

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *