Hargeysa(ANN)faldenbiyeedyadii dalka ka dhacay sannadkii dhamaaday 2010 ayaa muujiyay waxyaabo la yaab leh. Kadib markii ay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo Gobol ahaan loo xisaabiyay qaarkood meelo baddan isku rikoodh noqdeen. Faldenbiyeedyada tirakoobkoodu

kasoo baxay Xeer ilaalinta guud ee qaranka ayaa ah kuwa ciqaabta lagu muto, kuwaas oo kala ah Dilalka, Kufsiga, Tuugada iyo Budhcada oo loola jeedo kooxaha dadka ku baadhta xaafadaha ee Mobelada ka qaata.
Gobolka Saaxil, ayaa rikoodhka jebiyay oo galay kaalinta koowaad marka loo eego gobolada Hargeysa, Burco, Togdheer, Awdal, Sanaag, Sool iyo Saraar, waxayna Saaxil qaadatay rikoodhka falalka Tuugada iyo Kufsiga sannadkii tegay oo ay ka dheceen  331 kiis oo tuugo ah iyo 27 kii oo kusfi ah, halka gobolka Togdheer uu qaatay Rikoodhka Dilalka ee dalka sannadkaa 2010. Iyadoo goboladda Sanaag iyo Sool ay falalka Tuugada is bareejeeyeen, Saraarna ay siiroo keentay falaka Budhacada iyo Tuugada, isla markaana hal dil oo kelyi ka dhacay iyo laba faldenbiyeed oo Kufsi ahi. Sidoo kale Hargeysa oo ah Caasimadii ayaa gashay kaalinta labaad ee falalka Kufsiga,  Budhcada iyo Tuugada, halka ay barbaro noqdeen Hargeysa iyo Sanaag  dilalka.

Sidaana  waxa  iftiimaysay warbixin ka soo baxday Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka oo lagu soo bandhigay fal-dembiyeedyadii kala duwanaa ee ka dhacay Somaliland sannadkii tegay 2010, kuwaas oo aanu ku samaynay is barbar dhig sida ay goladu ugu kala horeeyaan, balse natiijada faldenbiyeedyadaa oo u qoran gobol gobol waatan hoos ku qoran.

Gobolka Saaxil

Dilka;         2 kiis
Budhcadda; 3 kiis
Kufsiga; 27 Kiis
Tuugada: 331 kiis

Gobolka Hargeysa

Dilka:17 kiis
Budhcadda:47
Kufsiga:24
Tuugada: 125

Gobolk Togdheer

Dilka:19
Budhcadda: 18
Kufsiga:16
Tuugada: 50

Gobolka Sanaag

Dilka:17
Budhcadda: 8
Kufsiga:19
Tuugada: 48

Gobolka Awdal

Dilka:4
Budhcadda:1
Kufsiga:5
Tuugada: 29

Gobolka Sool

Dilka: 6
Kufsiga: 4
Tuugada: 48

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *