Hargeysa(ANN)Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka  Somaliland ee UCID ayaa dib u dhigay  shirkoodii Golaha dhexe  oo  hore loogu qoondeeyay 25 Oct, 2012, taas oo ku beegan Khamiista todobaadkan, balse dib loo riixay.

Xisbiga UCID, waxa uu sidaa ku sheegay  qoraal  saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga UCID , Xasan Cismaan Aadan (Sabce),  qoraalkaa oo ahaa mid kooban ayaa  u dhignaa sidan:-

“Waxaanu maanta warsaxaafadeedkan idinku cadaynaynaa go’aankii ku taariikhaysnaa 22/09/2012 isla Markaana sumadiisuna ahayd Ref/UCID/825/2012 ee sheegayey cayimaada kal-fadhiga 5aad golaha dhexe ee Xisbiga ucid kaas oo qabsoomilahaa 25/10/2012 —–ilaa 26/10/2012.

Hadaba waxaanu Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga ucid ogaysiinaynaa in wakhtigaasi ku beegan yahey Ciidul Uddxa
Sidaa,daraadeed waxaa la go,aamiyey in laga dhigo 28/10/2012 oo ah maalin Axada
Sidaa Awgeed waxa la farayaa dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID, Dibad iyo Gudaba in ay joogaan ugu danbayn magaalada Hargeysa 27/10/2012.

Ugu danbayntii waxaa si xushmada leh laydunku adkaynayaa in aad wakhtiga dhawrtaan.” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *