Hargeysa(ANN)Wasiirka Madaxtooyada Somaliland  Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa beeniyay inuu Telefoonka gacanta  hadal kaga duubay Wasiirkii hore ee warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale mar ay wada hadlayeen ka hor intii aan Boobe xilka laga qaadin.

 

Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi, ayaa ka jawaabay hadalkaa kadib markii Boobe qoraalo taxane ah oo saxaafada lagu baahiyo kaga waramay arrintaa iyo kuwo kale oo uu la kulmay mudadii gaabnayd ee uu xilka hayay. sidoo kale waxa arrinta Telefoonka ka hadlay ganacsade Cabdicasiis Aadan Habe (siisto) oo xog ogaal u ahaa dhacadadaa.
Hase yeeshee Mr. Xirsi oo  warbaainta qaarkood uga  waramayay jiritaanka warka Boobe ku sheegay inuu Telefoon ka duubay ayaa  yidhi,  “Waxaan Beeninayaa eedaha uu Boobe aniga (Wasiirka Madaxtooyada) ii soo jeediyay ee uu yidhi waxa uu iga duubay hadal aanu Telefoon kaga wada hadalnay. Waxaan idiin sheegayaa ma jiro wax hadal ah oo aan ka duubay. Arrintuse waxay ahayd Boobe ayaa maalin maalmaha ka mid ah I soo wacay isaga oo aan filayo inuu qof kale ii haystay marka uu I soo garaacayey, dabadeedna telefoonkii ayaan qabtay, ka dibna waxa aan maqlay isaga oo dad kale u sheekaynaya isla markaana aniga iyo madax badan oo xukuumada na xamanaya, oo weliba si fool xun noo caaya.

Markaa dhawr jeer ayaan la hadlay oo aan hello idhi isaguna iima jawaabin, waxaana markaas ii cadaatay in aanu is ogeyn markii uu I soo garaacayey, amaba inta uu I soo garaacay uu telifoonkii hadana iloobay. Intii uu hadlayeyna si kasta wuu noo aflagaadeeyey, siiba aniga waxuu iga sheegayey waxyaabo aanay waxba ka jirin oo waxaas iyo waxaas ayaan ku idhi ayuu lahaa, kuwaas oo aanay waxba ka jirin. Arintu markii ay halkaas maraysay ayaan telefoonkii jaray oo aan dib ugu celiyey, waxaanan ku idhi waar malaha kumaad talo geline marka aad hadlayso ee wax xamanayso telefoonka iska xidh Arrintu sidaasi ayay u dhacday. Waanan la yaabay run ahaantii ninkaa masuulka ahi sida uu u caayayey xukuumadii uu ka tirsanaa iyo sida ay uga suurto gashay inuu soo garaaco qofkii uu xamanayey,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku daray “Markii aan arrintaasi ka yaabay ayaan u sheegay C/Casiis Aadan Habbane (Siisto) oo aan uga waramay fool xumadaasi sida aan hubsiimo la’aanta ah isagoo aan is ogayn uu Boobe ii soo garaacay. Waxaanan ku idhi ninkaas ha la iga soo daw mariyo. C/Casiis Siistona waxa uu yidhi anigaa u tagaya oo odhanaya arrintaasi ayaad samaysay ee aan dhamayno Xirsina waxba kuuma qabo.
Kadibna Siisto wuu igu soo noqday waxa uu igu yidhi Boobe wuxuu yidhi dow bixiye ayaan ahaye’e wakhti inoo soo qabo, dabadeedna waxaanu ku balanay in aanu kulan isugu nimaadno wixii jireyna iska shaafino. Inkasta oo aanay balantaasi fulin oo aanu markii dambe hawlo kala duwan ku mashquulay Boobena uu safar dibadeed u baxay” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.
Dhinaca kale C/Casiis Aadan Habbane (Siisto) oo ay isagana saxaafadu wax ka weydiisay arrintaas ayaa waxa uu sheegay in Wasiirka Madaxtooyadu uga waramay Telefoonkii Boobe kula soo hadlay ee isagoo qof kale moodayay uu muddo xamanayay isla markaana uu aflagaadeeyay.

“Markii Wasiirka Madaxtooyadu ii waramay waxa uu iga codsaday in aan ninkaas ka soo daw mariyo, isaga oo weliba intaas ku daray in aanan waxba ka qarinin ee aan u sheego waxa uu kaga cabanayo ee uu telefoonka ka lahaa oo dhan.

Ka dibna Boobe ayaan u tegay waxaanan u sheegay in uu ninkaasi ka cabanayo loona baahan yahay in uu ka daw baxo, waxaanan u raaciyey Xirsina waliba isagu qof ahaan waxba kuuma qabee aan isu kiin geeyo. Boobena muu dafirin waxyaabihii lagaga cabanayey ee wuu qirtay waxaanu ii sheegay weliba in uu garanayo daqiiqadii uu
telefoonka Xirsi garaacay oo uu sheegay in ay ahayd mar uu sii gelayey Hotelka Maansoor” ayuu yidhi Cabdicasiis Siisto. Mr Habane waxa kale oo uu intaas raaciyey in markaas ka dib ay Boobe ku heshiiyeen in uu isu geeyo isaga iyo Xirsi, waxaanu sheegay in uu Xirsina dhinaciisa arintaas ka aqbalay laguna wada heshiiyey in kulan turxaan bixin ah la isugu wada yimaado isla markaana la iska shaafiyo wixii la kala tabanayey oo dhan. Mr Siisto isaga oo arintaas sii faah faahinaya waxa uu yidhi “Ka dibna iyadoo aanu balantii qabsanay ayaan anigu Cabdi casiis ahaan maalintii ay balantu caawa oo kale ahayd, dabadeedna aniga oo Berbera jooga oo doonaya in aan markaas soo baxo ayaa waxa ila soo hadlay Wasiir Xirsi oo moodayay inaan Hargeysa joogo.

Waxaanu igu yidhi waar balantii aynu lahayn suurto-gal ma aha oo waxaan joogaa Berbera oo waxaan tagayaa oo aan ka mid ahay weftigii soo dhawaynayay Xagla-toosiye iyo ergadiisii ee dib inoogu dhiga balantii.Aniguna waxaan u sheegay inaan Berbera joogo. Waan u tagay Wasiir Xirsi iyo weftigii la socdey oo markaas Maansoorka Berbera jooga oo waanu wada afurnay ramadaantii ayay ahaydoo iyaguna sidii ayay bari ku tageen aniguna aan Hargeysa ku imid,”ayuu yidhi C/Casiis Siisto.

C/Casiis Siisto waxa uu intaa ku daray “Markaa sidaasi ayuu kulankaasi nooga baaqday. Waxaanu intaas in aanu Boobe arinta xaqiiqadeedu sidii ay ahayd u sheegin taasna uu la yaabay waayo waxa ay ahayd ayuu yidhi “Hadii uu Boobe arinta ka sheekaynayo in uu sidii ay ahayd uga sheekeeyo ee aanu ka dhigin in Madaxtooyadu tahay meel dadka telefoonadooda hadalka lagaga duubo, waxaana loo baahnaa in uu sheego in uu isagu ninkaas telefoonkiisa soo garaacay ka dibna xantay isaguna uu xantii dhegaystay, waxa aan anigu ugu tegayna uu ergo ahaa ee aanu wax kale ahayn” ayuu yidhi Ganacsade Cabdicasiis Aadan Habane

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *