somalimemo.net

Adis-ababa(ANN)Dowladda Federaalka Ethiopia, ayaa  xilkii ka qaaday madaxweynihii Kililka shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud (ina Cabdi Ileey) sidaana waxa sheegay warar laga soo xigtay dawlada Federaalka ee Ethiopia.

Ilo wareedyo ay shabakadda Araweelonews  ka heshay Addis Ababa ayaa sheegaya in Cabdi Maxamuud oo qorshaynayay inuu safar dalka debediisa ugu baxo habeenkii Axadii 21Oct 2012, laga joojiyay. sidoo kale hore loogu diiday qorshe uu sheegay inuu dalka Sucuudiga ugu baxo si uu waajibka Hajka ee sanadkan u soo guto, balse dhamaan loo diiday safaradaa, isla markaana la xayiray dhaq-dhaqaaqiisa oo gurigiisa lagu ilaalinayo, iyadoo wararka qaar sheegayaan in madaxtooyada Jigjiga la geeyay ciidamo ka socda dawlada Federaalka Ethiopia.

Xukuumadda Federaalka Ethiopia ayaan si rasmi ah u shaacin xil ka qaadista Madaxweynaha Kililka Shanaad ee Ethiopia, kaas oo mudooyinkii u danbayay ee raysal wasaaraha cusub ee dalkaa Haile-mariam Desalegn xilka la wareegay ay soo baxayeen khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha Kililka shanaad iyo dawlada Federaalka, iyadoo Madaxweynaha Kililka Shanaad ee Soomaalida Cabdi Maxamuud (Ina Ileey) lagu canaantay qaabka uu u maamulay dhacdooyin shaqaaqo soo noq-noqotay oo ka dhacay deegaanka Kililka shanaad ee Soomaalida oo sababay dagaalo khasaare dhaliyay. kadib markii ciidamada Liyuu Police ee deegaanka ay dad shacab ah dhibaato u geysteen.

sidoo waxay wararka arrimahaa la xidhiidhaa sheegayaan in kulankii u danbeeyay ee lagu canaantay arrimahaa iyo kuwo kale. kadib markii Raysal wasaaraha cusub ee Ethiopia Eng. Haile-mariam Desalegn uu xafiiskiisa kula yeeshay  Arbacadii  October 10,2012 ee todobaadkii hore  Madaxweynaha Kililka shanaad ee Ethiopia, kulankaa oo sida ay wararku sheegayaan ahaa kii ugu danbeeyay oo ay yeesheen, kaas oo sida ay xoggahaasi sheegayaan ahaa kulankii sadexaad ee ay Raysal wasaaraha dawlada Federaalka Ethiopia, isla markaana lagaga hadlo awooda ciidanka Liyuu Police iyo hawl galada ay ka sameeyaan deegaanka Soomaalida Ethiopia oo si gaara loogu adeegsado dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah.

Wararku waxa kaloo ay sheegayaan in Cabdi Maxamuud Ileey ku si dadban ugu gacansaydhay qorshe ay dawlada Ethiopia ugu soo jeedisay in la baabiiyo ciidankaa Liyuu Police, balse uu Madaxweynaha Kililka shanaad ee Ismaamulka Ethiopia soo jeediyay inaan la baabiin ciidankaa, balse la siiyo tababaro oo aqoontooda kor loo qaado, taas oo shaki gelisay dawlada Federaalka ee Ethiopia.

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in safarka Madaxweynaha Kililka shanaad ee Ethiopia Axadii ku tegi lahaayeen dalka Imaraadka Carabta ee la xayiray ay u qorshaysnayd  inuu raaco  Madaxweyne ku xigeenka dawlada ismaamulka Kililka shanaad ee Ethiopia C/llaahi Yuusuf, kaas oo isla markaana ah Hogaanka Nabadgelyada iyo sidoo kale nin lagu magcaabo Khadar Cabdi Ismaaciil, balse safarka masuuliyiintaa dhamaantood la joojiyay. kadib markii looga shakiyay in aanay kusoo laabanayn dalka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *