Hargeysa(Araweelo News Network) Guddida fulinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa si kulul u dhaleeceeyay Guddoomiyaha Golaha

Guurtidda Somaliland  Saleebaan Maxamud Aadan, waxayna inuu yahay Siyaasi Sideetan jir ah oo kala garan waayay  Talo qaran iyo Shir beeleed.

Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal saxaafadda loo qaybiyay oo Gudida Fulinta Xisbiga  UCID maanta soo saareen, kaas oo ay jawaab kaga bixiyeen weedho Guddoomiye Saleebaan ku dhaleeceeyay Gudoomiyaha UCID  Feysal Cali Waraabe.
Qoraal saxaafadeedka Gidada Fulinta UCID  ayaa u  dhignaa sidan:-

“Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka waxa uu taaganyahay ilaalinta madaxbanaanida JSL.

Annagoo tixraacayna hadalka ka soo yeedhay Gudoomiyaha Guurtida 4tii bishan Mudane Sulaabaan M. Aadan oo uu kaga horjeeday shirkii Qaran ee aanu baaqnay oo aan ahayn Shir beeleed.

Gudoomiyaha waxa uu caddeeyay inuu bad-baadinayo dan beeleed balse Xisbiga UCID waxa uu u taagan yahay ilaalinta jiritaanka Qaranimada JSL, dal iyo dad iyo dad wada jira, Mudane Saleebaan waxa aanu u sheegaynaa inaanu shirkan Qaran ee aanu ku baaqnay aanu ahayn kii Gar-adag oo kale.

Waa ayaan darro inuu 80 jir siyaasiyi kala garan waayo Shir Qaran oo wada tashi ah iyo shir beeleed. Markaa maaha inuu Saleebaan xajiimeeyo Xisbiga UCID, ayadoo Guurtidu gabtay hawlahay u xil saarantahay ee ka mid tahay arrinka Saylac, Sool iyo Sanaag.

Dastoorka Qaranka waxa ku cad Kursiga uu ku fadhiyo Saleebaan inuu yahay ninka Saddexaad ee JSL ee salaanta Qaran la siin karo. Marka uu saleebaan leeyahay annagu maxaanu qabanaynaa shacabka ha u caddeeyo ula jeedada uu ka leeyahay.

Sidaa darteed waxa aanu leenahay inuu Saleebaan Ka waantoobo tallada Dalku waa Taayada.”

Guddida Fullinta ee Xisbiga Caddaalada & Daryeelka UCID” ayaa lagu yidhi Qoraalka Gidada Fulinta UCID.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *