Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka si balaadhan loogu

 

soo dhaweeyay magaaladda Hargeysa ee caasimadda Hargeysa ka dib markii uu socdaal qaatay muddo todobaadyo ah uu kaga soo laabtay  dalalka Ethiopia,  Maraykanka iyo Britain.

Madaxweyne Siilaanyo  iyo weftigiisii oo maanta ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal Internatiol Airport Hargeysa, waxa kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland C/Raxmaan Seylici, shirgudoonka labada gole ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiiladda) , Golaha Wasiirrada, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, iyo dadweyne tiro badan.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ugu waramayay saxaafadda ayaa ka warbixiyay socdaalka uu kusoo maray wadamada  Ingiriiska, Maraykanka iyo Ethiopia, isagoo arrintaasi ka hadlayana  waxa uu yidhi,  “Waxaanu ku maqnayn dalalka Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya. Muddo dheer ayaanu dalka ka maqnayn. Safarkayaguna wuxuu ku saabsanaa danaha qaranka Somaliland iyo qadiyadiisa, meeshii aanu joognayba waxaanu difaacaynay ama ka dhaadhicinaynay qadiyadeena oo dunida fahamsiinaynay. Waxaanu mar walba u sharxaynay waxa ay qaranimada Somaliland ku fadhido iyo dariiqa dheer ee loo soo maray iyo himilooyinka ay ummaddu leedahay.”

“Dalalka aanu tagnay oo dhan waxaanu kala kulanay soo dhawayn iyo in si aad ah naloo dhegaysto. Waxaanu kala kulanay dad badan oo aad u danaynaya inay Somaliland maal-gashadaan ama ay yimaadaan oo wax la qabsadaan. Taasina waxay noo ahayd guul weyn oo dalkeena iyo ummadeena u soo hoyatay,”ayuu yidhi Mudane Axmed Siilaanyo.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inaanay dunidu illaa imika ku dhiiran inay aqoonsato Somaliland, hase yeeshee ay dunidu Somaliland ula macaamisho sidii qaran madax banaan, isagoo yidhi,  “Dabcan duniddu illaa imika kumay dhiiran, kumanay talaabsan inay Ictiraaf buuxa inoo fidiso, laakiin dunidu way inala dhaqantaa, way inala macaamishaa. Waa taas ina marti-qaadaysa. Waa taas la ina dhegaysanayo, waana taas oo aynu kagala sii dhawaano oo aynu isku xidhnaano oo midnimadeena muujina oo innagoo mid ah dalkeena iyo nabad-gelyadiisa dhisana iyadoo nabad-gelyadu ah waxa ay dunidu mandaqadan aad u qiimayso ah.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Wuxuuna ku dooday mar la weydiiyay in qaadacaada shirka ay wado dawlada Britain u muuqan karto inay Somaliland gasho godoon siyaasadeed, balse waxa uu sheegay in aanay mawqifka iyo Himilooyinka Qaranimada Somaliland aanay waxba yeelayn arrintaasi oo ay hadaba dunidu la macaamisho, balse loo baahan yahay in shacbiga Somaliland u dhabar adaygaan sidii looga midha dhalin lahaa aqoonsiga ay ku doonayaan waxa ay xaqa u leeyihiin oo ay u midoobaan.
Dhinaca kale  Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa sharaxaad  kooban ka  bixiyay kulamadii kala duwanaa ee ay la yeesheen Madaxda dalalka maraykanka, Britain  iyo Ethiopia, wuxuuna xusay inay dalka Maraykanka kula kulmeen ku xigeenka arrimaha debeda, saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca iyo ganacsato kala duwan oo danaynayay inay maalgashi iyo ganacsi ka abuuraan Somaliland.

Soo dhowaynta Madaxweynaha Somaliland ayaa sababtay in la xidho wadooyinka Magaalada Caasimada ee Muhiimka ah, iyadoo la taxay ciidamada amaanka, balse xidhitaanka wadooyinka oo saacado badan qaatay ayaa sabab u noqday in ay dad badan u suurta geli weyday inay qabsadaan danohooda, kuwaas oo saluugay in mudada intaa leeg la xidho wadooyinka mihiimka ah ee magaalada.  Kadib markii ay ku xanibeen Ciidamada amaanka oo wadooyinka la dhigay subaxnimadii hore ee saaka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *