Gaadhiga wasiirka  arrimaha Gudaha SomaliaMuqdisho(Araweelo News Network) Xarakadda Al-shabaab ee dagaaka kula jirta Dawlada Somalia iyo Ciidamada AMISOM eek u sugan Muqdisho ayaa sheegatay

Qarax weyn  ayaa maanta barqadii ka dhacay Badhtamaha magaalada Muqdisho, kaas oo lala beegsaday Gaadhiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia iyo Wefdi ka socday Dalka Qadar.
Qaraxa ayaa ka dhacay Isgoyska caanka ah ee  KM4 oo ka tirsan degmada Hodon waxaana ku dhintay  Ugu yaraan 12-qof sidoo kale 25-qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaas.

Weerarkan ayaa lala beegsaday gaadiid ay saarnaayeen samafalayaal dalka Qatar u dhashay iyo ciidammo ka tisran dowladda oo waday, waxaana mid ka mid ah gaadiidka la beegsaday lahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed.

Qaraxan ayaa ka dhacay meel  u dhow safaaradda dalka Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale ay goobta u dhowdahay  gidaarka Ex.Shaneemo Ekwatoore oo ciidamada AMISOM meel ku dhaw saldhig Milleteri ku leeyihiin.
Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in Wasiirka arrimaha Gudaha ee bartilmaameedku ahaa sida ay sheegtay Al-shabaab aanu la socon gaadhigiisa oo khasaare weyni gaadhay.
Sidoo kale telefeshinka SKyNews ayaa baahiyay in dhimashadu ka badantahay 11 qof oo ay kamid yihiin saraakiil dowladda Qadar katirsan oo maalmahan Muqdisho ku sugnaa, balse masuuliyiinta dawladu ,a sheegin in saraakiisha ka socday dalka Qadar waxyeelo kasoo gaadhay qaraxaa.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa weerarkan ku eedeeyay Al-shabaab, iyadoo  Al-shabaab ay sheegatay qaraxaa oo ay ku tilmaameen mid qorshaysnaa oo gaadhi walxaha qarxa laga buuxiyay la dhigay wadada.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa canbaareeyay weerarkaa, wuxuuna sheegay in weerarkaas uu ahaa mid dhibaato loogu geystay dad shacab ah, laguna weeraray samafalayaal dalka u yimid inay caawinayaan dadka Soomaaliyeed.

Qaraxa oo ay sheegatay Al-shabaab waxay kusoo  beegmay saacado ka dib markii uu soo saaray fariin Hoggaamiyaha Xarakada Al-shabaab, taas  ayaa oo uu ugu baaqay  dagaalyahanada kooxda inay xoojiyaan weerarrada ismiidaaminta ah ee ay la beegsanayaan madaxda dowladda iyo ciidamada AMISOM oo  sida uu  ku tilmaamay shisheeye kusoo duulay dalka.

 

Sidoo kale qaraxa ayaa dhacay saacado ka dib markii waddooyinka Muqdisho oo uu ka mid ahaa Isgoyska KM-4 dib loo furay, kuwaas oo xidhnaa mudo sadex maalmood ah. markii hay’addaha ammaanka ay sheegeen inay heleen fariimmo sheegaya inay Al-shabaab doonayso inay qaraxyo ismiidaamin ah ka fuliso Muqdisho.

Dhinaca Kale qarax xoogan ayaa saaka aroortii hore ciidamo katirsan DF-ka lagula eegtay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa sababay in dhaawac soo gaadho shank a mid ah Ciidanka Dawlada ee lala beegsaday gaadhiga ay wateen qaraxaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *