Addis Ababa(ANN) Xisbiga Talada Dalka  Ethiopia gacanta ku haya (Ethiopian Peoples’ Revolutionary Democratic Front) oo loo soo gaabiyo  EPRDF, ayaa  shaaciyay inay doorteen gudoomiyaha xisbiga, kaas oo si toos ah u noqonaya raysal wasaaraha dalka. Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan

 

xisbiga talada haya oo haysta kuraasta Baarlamaanka, ayaa maalmihii u danbeeyay kulan u socday oo ay kasoo qaybgaleen 180 xubnood oo uu ka koobanyahay golaha EPRDF, waxay ku meel mariyeen gudoomiyaha cusub ee loo doortay hogaaminta xisbiga. kadib markii  Raysal Wasaarihii hore ee dalka  Males Zanawi oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla dalka Belgium la aasay Axadii  2 Sep, 2012.

Males Zanawi oo mudo 21 sanadood ah xukumayay dalkaa, waxa markii la shaaciyay geeridiisa soo baxay dareeno dhinaca siyaasada ah oo la xidhiidha su’aalo ka dhashay cida bedeli doonta Raysal wasaaraha iyo sida ay noqonay siyaasada mustaqbalka Ethiopia. inkasta oo Bereket Simon oo ah afhayeenka xukuumadda oo shaaciyay geerida raysal wasaarihii hore ee Ethiopia sheegay xiligaa  in aanay jiri doonin wax doorasho mudada u hadhay xukuumadda oo uu xilka sii haynayo ku xigeenkii Raysal wasaaraha, isla markaana ahaa wasiirka arrimaha debeda Eng. Hailemariam Desalegn ilaa laga gaadhayo 2015, isagoo xusuy inuu sharciga dalka ee Dastuurku dhigayo sidaa.
Kulanka lagu doortay hogaamiyaha  cusub ee xisbiga EPRDF oo lasoo geba-gebeeyay Jimcihii, ayaan la shaacin cida loo doortay hogaanka, balse waxay sheegeen inay shaacinayaan maalmaha soo socda gudoomiyaha cusub ee xisbiga oo ay sheegeen inuu noqonayo raysal wasaaraha cusub ee dalkaa ee buuxin doona jagadii Raysal wasaaraha iyo Gudoomiyaha EPRDF ee hogaamiyihii geeriyooday Males Zanawi, balse  Dr. Negaso Gidada oo ah Madaxweynihii hore ee dalka, isla markaana waqtigan hogaamiya mucaaridka, ayaa sheegay in aanay arrintaasi waafaqsanayn dastuurka oo dib u dhac ku yimi buuxinta jagada raysal wasaarihii geeriyooday. sidaa awgeed wuxuu ku dhaliilay EPRDF in aanay dastuurka dalka ku  hogaamin karin.
Dr. Negaso Gidada wuxuu ku dooday inuu ka mid ahaa dadkii  Dastuurka dalka Ethiopia ee federaalka wax ka qoray, wuxuuna sheegay inaan dalku yeelan karin sadex raysal wasaare ku xigeen . kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la sameeyay sadex raysal wasaare ku xigeen oo dalku yeelanayo oo lagu go’aamiyay shirka EPRDF. laakiin  Dr. Negaso Gidada wuxuu gaashaanka ku dhuftay arrintaa oo aan si rasmi ah weli loo shaacin.
Bereket Simon oo ah afhayeenka xukuumadda oo shaaciyay geerida raysal wasaarihii hore ee Ethiopia ayaa sheegay xiligaa  in aanay jiri doonin wax doorasho mudada u hadhay xukuumadda oo uu xilka sii haynayo ku xigeenkii Raysal wasaaraha, isla markaana ahaa wasiirka arrimaha debeda Eng. Hailemariam Desalegn ilaa laga gaadhayo 2015, isagoo xusuy inuu sharciga dalka ee Dastuurku dhigayo sidaa.

Hase yeeshee weedhaha noocaa ah ee Afhayeenka xukuumadda, ayaa ahaa kuwo ay dadka siyaasada iyo taariikhda dalka Ethiopia u dhuun daloolaa liqi waayeen oo ay ku adkaatay inay rumaystaan, waxaana meesha ka baxaday in iyadoo la rumaynayo jawaabta uu ka bixiyay Afhayeenka dawladu  sida loo maaraynayo buuxinta jagada Raysal wasaaraha geeriyooday  iyo inay suurta geley in  Raysal wasaare xigeenka, isla markaana ah wasiirka Arrimaha debeda Hailemariam Desalegn la hor geeyo Baarlamaanka si loo ansixiyo oo loogu dhaariyo xilkaa ilaa inta laga gaadhayo doorashooyinka laga gaadhayo 2015.
Wararkan ayaa soo baxay dhawr todobaad ka dib markii  Sebekada Araweelonews 24 August 2012, falanqayn ay ka samaysay xaalada dalka Ethiopia  iyo siyaasada loolanka hogaaminta dalkaa geerida hogaamiyihii hore Males Zanawi kadib, taas oo ay shebekadu ciwaan uga dhigtay “Ethiopia: Su’aalaha Ka Dhashay Cida Hogaaminaysa Mustaqbalka Siyaasadeed Ee Dalkaa, Dib U Dhaca Aaska Males, Arrimaha Murugsan Iyo Saadaasha Awooda Talada,” iyadoo ku falanqaysay cida la filayo, ama la saadaalinayo inay hogaamiso dalkaa  iyo qaabka laga yaabo inay wax u dhacaan iyo qofka ugu dhow inuu noqdo hogaamiyaha bedelidoona Males Zanawi mudo 21 sanadood ah xukumayay dalkaa.(halkan Riix) si aad falanqaynta  iyo saadaasha todobaadyo ka hor ee araweelonews u akhrisato

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *