Hargeysa(ANN) Nin aan weli magaciisa la aqoonsan ayaa caawa caweyskii lagu dilay duleedka dhinaca koonfurta magaalada Hargeysa ee aga-gaarka Cusbitaalka Adna. wararka hodhaca ah ayaa sheegaya in Ninkaa oo kasoo jeeda deegaanka Kililka Shanaad ee Ismaamulka Soomaalida

 

Ethiopia lagu furay tacshiirad rasaas ah, isagoo marayay meel luuq madaw oo u dhow Cusbitaalka Adna ee magaalada Hargeysa. sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka amaanka, kuwaas oo xaqiijin kari waayay magaca ninkaa oo dhawax culus soo gaadhay. kadib markii sadex xabadood ku dhaceen, iyadoo dad kusoo yaacay goobta dhakhtartka ula carareen dhaawaca Ninkaa.
Ilaa hada lama oga cida ka danbaysay dilkaa iyo ujeedada loo dilay,  balse waxa jira warar sheegaya inay ciidanka Boolisku qabteen Ninka falka dilka geystay oo doonayay inuu baxsado    Ninkaa oo ayaa xiliga lagu furay rasaasta usii jeeday guriisa oo ku yaal xaafada Siinay. lama oga in dilkani xidhiidh la leeyahay rabshado dagaalo ka dhacay deegaanka Kililka shanaad ee Ethiopia oo ay ciidamada Liyuu Boolisku maalmihii lasoo dhaafay ku xasuuqeen dad u dhashay deegaankaa oo kasoo jeeda Somaliland iyo in kale.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *