Dubia(ANN) Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa mar kale ku celiyey hadal hore ay isugu maan-dhaafeen Xukuumadda oo xabsiga lagu dhigay kaas oo uu ku doodayo inaan talo gacanta ugu jirin Madaxweynaha Somaliland loo doortay.Boqor Buurmadow oo

 

Xalay Wargeyska Saxafi kala soo xidhiidhay Magaalada Dubia ee isku-taga Imaaraadka Carabta, waxa kale oo uu durey Hogaanka Xisbiga Muxaaridka ah ee KULMIYE oo uu ku tilmaamay inay yihiin niman geel aanay lahayn la jooga. “Ugu horeyn waxaan doonayaa inaan ka hadlo oo aan hambalyeynayaa Xildhibaanada Soomaaliya ee labadii Shariif inta ay lacagtii ka qaateen codkiina kala baydhay, waxaanan umadda Somaliland u sheegayaa oo aan u soo jeedinayaa inay Xisbiga KULMIYE ee ku ololaynaya hantida umadda in wa Shamsi lagu qaado sidii labada Shariif oo lacagtana laga qaato codna aan la siinin oo la gadoomiyo, maadama uu uu dimuqraadiyadii iyo cadaaladiiba uu meel kaga dhacay, cid madax-banaanina aanay jirin maanta.” “Qodobka kale waxaan aad iyo aad uga tacsiyadeynayaa Odayaasha Deegaanka uu kasoo jeedo Xamarji  hadalka culus ee ka khasaaroobay ee ay u jeediyeen Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin oo ah dhoobiyo la jooga Geel aanay lahayn, odayaashu waxay xaal-marin kaga dalbadeen dawlada iyo Xisbigeeda waana hadal ka khasaaroobay oo ciddii uu hadalkaasi ku haboona lamay kulmin, nimankaasina niman meel wax geyn karaya maaha, talladu waxay ka go’ada Madaxweyne aan dastuuri ahayn iyo Ra’iisal Wasaare aan dastuuri ahayn, Xisbigana kama go’ado cid kalena kama go’ado ciddii dalka loo doorteyna Somaliland-ba way og-tahay inaanay tallo ka go’in.  Somaliland way og-tahay cidda dad-ban ee ay talladu ka go’ado waana kuwa ay u xidhan yihiin guddoomiyihii gobolka maroodi-jeex Xamarji, iyo Axmed Cilmi-yare.”
Mar aanu sii weydiinay eedahan ujeediyay iyo inaanay Madaxweyne Siilaanyo tallo gacanta ugu jirin waxa uu ku cadayn karrayo maadaama uu horeba u yidhi. “Waxaan u maleynayaa hadalka aad leedahay maxaa lagu cadeyn karayaa inaanu maanta meesha oolin, waayo qofkasta oo doonaya inuu madaxweynaha la kulmo ma arko, xitaa ina Kaahin Iyo Muuse Biixi haddii ay yidhaahdaan cid ayaanu madaxweynaha u geynaynaa Wasiirka Madaxtooyada ma dhaafaan, madaxweynaha inay la kulmaan iyo inay la tashadaan ma dhacdo, inankaas (Xirsi) iyo cid ka sii sareysa oo aan carabku ii qabanayn ayey talladu gacanta ugu jirtaa”.
Boqor Cismaan Buurmadoow hore ayaa hadal sidan oo kale ah loogu xidhay, sidaa darteed waxaanu weydiinay sababta uu ugu celinayo iyo inuu ka baqayo in markale xabsiga loo taxaabo, waxa uu yidhi “Cidbay la tahay inuu xadhigu dadka waxyeele, wuxuu I yeeli karaa ma jiro xadhigu, sidaa aan u idhi ayaanan u imanayaa cidna xadhiga kaga biqi-maayo, waxaanan kuu sheegayaa ciddii godobtaa ku kacdeyna waa la ogaa, oo waa cidda ay u xidhan yihiin Xamarji Iyo Axmed Cilmi-Yare ee aan sugeyno muddada yar ee labada sanno ah ee uga hadhsan wakhtigii Dastuurku siiyey inay jooge-joogaha ku maalaan, cid aan u habranayaana ma jirto haday I xidhayaan iyo haddii kaleba waan imanayaa”.
Boqor Buurmadow oo muddo Xabsiga Hargeysa ku jira markii la soo daayey waxa uu abaabuley shirar uu la yeelanayey Salaadiinta, Madaxda-dhaqanka, sidaa darteed waxaanu markale weydiinay halka ay ku danbeeyeen Shirarkaasi, waxa uu ku jawaabay “Shirarkaasi kamaanu hadhin, laakin markaanu eegnay wax baddan dib ayaanu u dhiganay, waanan qabanaynaa haddii ILAAHAY yidhaahdo”
Boqor Buurmadow wakhtigaa la soo daayey waxa loo arkayey nin ka gaabiyey oo aan si cad u faahfaahin wixii lagu xidhay, sidaa darteed waxaanu weydiinay waxa uu arrintaas kaga jawaabayo, waxa uu yidhi “Haddadan ayaanan diyaar u ahayn inaan ka hadlo xadhigeygii, waxaanse ka xumahay xadhiga masuuliyiinta Axmed Xamarji iyo Axmed Cilmi-yare iyo raga la midka ahi-ba dulmiga ay ku xidhan yihiin, laakin anigu tayda ka hadli-maayo”.
Wareysigan waxa uu ku bogaadiyey Boqor Buurmadow Maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo uu ku amaanay hadal uu sheegay inuu maayarku ku dhaliilay xukuumadda.
Xigasho: Saxafi

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *