Hargeysa(ANN)Xisbiga  mucaaridka ah ee UCID ayaa si kulul u eedayay Guddoomiyaha Ha’yadda shaqaalaha Somaliland, isla markaana  ku tilmaamay nin doonaya  inuu u qiil sameysto  musuqmaasuq uu sameeyay. Kadib markii sida ay sheegeen  ay ka cadhoodeen

weedho aflagaadooyin ah oo kasoo yeedhay Guddoomiyaha Ha’yada shaqaalaha dawlada Muxumed Aw- Cabdi.
Xisbiga UCID, waxa uu Sidaa ku  sheegay war saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka xisbiga Xasan Xuseen Maxamed, kaas oo u qornaa sidan:-
“Aflagaadada gudoomiyaha hay’adda shaqaaluhu u jeediyeey gudoomiyaha iyo Madaxda Xisbiga UCID waxay u eg-tahay in gudoomiyaha hay’adda shaqaaluhu musqmaasuqa iyo eexda uu galay in uu sabab u doon doonayo.
Xisbiga UCID wuxuu u furan yahay muwaadin kasta oo xaq darro tirsada in uu la soo xidhidho, sidaas awgeed shaqaalihii dulmiga lagu sameeyey ee maaliyadda way la soo xidhidheen iyagoo eedaymo iyo qoraalana sita.
Si gaar ah gudoomiyaha Xisbiga waxa la soo xidhiidhay gabadh ka mid ahayd labo gabdhood oo re-exam lagu qoray natiijadii imtixaanka kadib, iyagoo ku dacwoonaya in ay baaseen laakiin re-exam lagu soo qoray.
Sidaas awgeed, gudoomiyaha UCID wuxuu Telefoon  u diray gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha isaga oo waydiiyey arrintaas waxa ka jira, wuxuu yidhi waxaa la cadeeyey in labada gabdhood jawaabahoodii isku mid noqdeen una eg-tahay in dibada loogaga soo shaqeeyey, taasi waxay cadaynaysaa in imtixaanku baxay sidaas awgeedna ay u baahan yihiin inay imtixaan dib uga qaadaan. Ka dib wuxuu gudoomiyaha hay’ada shaqaaluhu u sheegey gudoomiyaha UCID in arrinta gabadhaas uu isna sidoo kale kala soo hadlay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka C/Casiis Samaale.
Marka kadib wuxuu gudoomiyaha hay’adda shaqaaluhu waydiiyey ama ku yidhi Gudoomiyaha UCID “Waanu dhaaranaye ma idinkaan idin eegaa musuuliyiintiina mise Ilaahay?.” 
Gudoomiyaha Xisbigu ka dib wuxuu ku jawaabay mayee Ilaahay ka baq cadaaladana eega. Waxaa nagu maqaale ah gabdhihii way gudbeen markaas hala waydiiyo gudoomiyaha shaqaalaha ma Illaahay ayuu ka baqay mise masuuliyiinta.
Waa marka horee hadalada uu iga sheegay gudoomiyaha hay’adda shaqaaluhu Xasan ahaan, igu eedaynayo isaga ayaaba inta badan qirtay. Hase ahaatee waxaan halkan aniga oo soo koobaya ku soo gudbinayaa. Labada nin ee uu sheegayo oo cadaalad darro qaawan lagu sameeyey ayaa khamiistii bishu ahayd 23/12/2010, telephone igula soo xidhiidhay, waxaanay ii sheegeen in cidii imtixaan hore u gashay laga reebay balse iyaga laga diiday.
Nimanku waxay wataan caydan wasaaradda waxbarashaddu u soo qortay (oo wakhtigaas ay ka tirsanaan jireen), waxaanay i waydiisteen in aan hay’adda shaqaalaha u raaco, nasiib-wanaag waxaan ugu tagnay gudoomiyuhu isaga oo jooga, waxaanu u dhiibnay warqadii oo aan ku idhi u baadha oo cadayntana u qora. Wuxuu nimankii la ballamay sabtidii bishu ahayd 25/12/2010.
Sabtidiina nimankii ayaa ila soo hadlay oo yidhi warqadii cadaynta ahayd waa la waayey, oo wuu lumiyey gudoomiyaha hay’adda shaqaaluhu.
Marlabaad waxa u yidhi dib wasaaradda cadayn uga soo qora, wasaaradiina laba cadaymood ayey soo qortay mid heer gobol ah iyo mid heer qaran ah.
Dib ayaan ugu keenay, wuxuu u dhiibay agaasimahii waaxda shaqaalaha, kadib waxay yidhaahdeen faylkii gobolka (Awdal) waa la waayey ee galabtaan u dhamaynaynaa.
Anigu halkaas baan kaga tagay, aniga oo tuuray erey ah horena xubintii commission ayaad ka tuurteen, iminkana faylkii gobolka ayaad ka tuurteen ee nimanka cadaaladda u eega.
Sida ay ii sheegeen waxa hortooda lagaga saaray rag la mid ah oo cadaymo sidan, iyo kuwo ka horeeyeyba.
Sida uu gudoomiyaha hay’addu qiray in ay jiraan cadaymahaasi loo keenay labo maalmood ka hor, qaar uu ogolaadayna jireen, ilaa saacadii imtixaanka la galayey. Balse diidmadii nimankaas uu diidayey waxay ku soo ururtay sida uu qirtay inay dadkii Rayaale ahaayeen.
Markaas waxaas iyo wax la mida oo aan weli asturayno ay jiraan, Muxumed Ma noqon kara nin dhex-dhexaad ah oo caadil ah?.”
Jawaabta kasoo baxday Afhayeenka Xisbiga UCID ayaa ka danbaysay kadib markii Guddomiyaha Hay’adda shaqaalahu waraysi  uu bixiyay ku sheegay in Afhayeenka Xisbiga UCID doonayay in loo dhaafiyo Imtixaanka shaqsiyaad gaara, balse uu taa ganafka ku dhiftay. Sidaana ay u dhaleecaynayaan hawsha Guddida imtixaanaadka iyo guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *