Hargeysa(ANN)Waxgaradka Deegaanka Galbeedka Gebiley oo mudo dheer Collaadi ka taagnayd ayaa soo saaray Baaqii u horeeyay oo hordhac u ah xalinta khilaafka iyo muranka ka taagnaa deegaanka Ceel-berdaale. Kadib markii Madaxweyne Siilaanyo

guddi Odayaal labada dhinac ee deegaanka ah iyo  xubno ka tirsan Xukuumadda u saaray xalinta mushkiladaa, kuwaas oo kulankoodii u horeeyay maanta ku yeeshay Guriga Madaxweynaha ee magaaladda Hargeysa.
Kulankaa oo ay Odayaasha labada dhinac ee Gebilay iyo Dilla kasoo saareen qoraal kooban oo nuxurkiisu yahay inay Mabda’iyan gaadheen heshiis guudm waxa kaloo kulankaa ka hadlay Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Masuuliyiin kale. Kulankaa ka dibna  waxay labada dhinac ee ay u dhaxaysay colaaddii ka taagnayd Deegaanka Ceel Bardaalle ee ku yaalla jiida u dhaxaysa Gabilay iyo Dilla, galabta si ramsi ah qalinka ugu duugeen  heshiis hor dhac ah oo ay ku sheegeen inay go’aansadeen inay nabadgeylo iyo wada hadal ku dhameeyaan soo afjarida colaadaa.

Qoraalka heshiiskaa ay wadda jirka usoo saareen Odayaasha labada deegaan  ayaa u qornaa sidan:- “Anaga oo kala ah Odayaasha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin, wakiilna ka ah Beelaha Reer Xareed iyo Reer Maxamuud Nuur oo ah dad walaala ah, isla markaana uu ka dhexeeyo daaq iyo deegaan, waxa aanu halkan ku caddeynaynaa Axdi iyo ballanqaad in aanu daacad ka nahay wada hadalka arrimaha na dhex yaala. Waxa Kale oo aanu ku ballanqaadaynaa in aanu nabad xidhno, soona celino walaaltimadii iyo wada noolaanshihii caadada noo ahayd. Sidoo kale waxa naga go’an in aannu adkeyno nabadgelyada ay dantayadu ku jirto, iyadoo aan si buuxda u taageerno una ogolaannay baaqii nabadeed ee uu noo soo jeediyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo aanu halkan ku caddaynaynaa in odayaasha labada beelood ee magacyadoodu hoosta ku qoran yihiin ay ka wada shaqayn doonaan sidii loogu guulaysan lahaa wada hadalada iyo heshiisyada socda ee ku wajahan xallinta khilaafaadka muddada dheer soo jiray.
Magacyada Odayaashsa Deegaanka Gebilay
1. Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Raage
2. Caaqil Yaasiin Caqli Nuur
3. Caaqil Nuur Cilmi Samatar
4. Caaqil Maxamed Xasan Samatar
5. Caaqil Maxamed Cige Geele
6. Caaqil Ibraahin Abraar Mixile
7. Maxamex Taani Geedi
8. Faarax Miigane Nuur
9. Cumar Barkhad Bulaale 10. Xasan Magan Faarax
11. Jeef Caaqil Aw Yuusuf Magan Faarax 12. Aadan Barkhad Bashiir
13. Xildhibaan Bashiir Sh. Xuseen Tukaale
14. Xasan Aw Muuse Warsame
Magacyada Odayaashsa Deegaanka Dilla
1. Caaqil Ibraahin Ismaaciil Guuleed
2. Caaqil Ismaaciil Ibraahin Mooge
3. Cabdillaahi Cali Xuseen
4. Nuur Barkhadle Jibriil
5. Cali Xaaji Xirsi Cawaale
6. Xasan Sheekh Muumin 7. Nuur Cilmi Agoon
8. Xildhibaan Maxamed Axmed Barre (Garaad)

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *