Hargeysa(ANN)Ciidammada Booliska Dawladda Hoose ee Magaalada Hargeysa, ayaa xabsiga  u taxaabay Ganacsade Axmed Faarax Xarbi oo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Somaliland. Sidaana waxa shebekadda wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay saraakiil ka

 

tirsan dawladda hoose ee Hargeysa.

Ganacsadaha ayaa ciidanku xabsiga u taxaabeen markii saaka uu is hortaagay hawlgal ay dawladda hoose ku duminaysay Gurrigiisa oo ku yaala duleedka dhinaca Woqooyi Huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa, iyadoo ay maalintii doraad isku maan dhaafeen Maayar xigeenka dawladda Hoose iyo Ganacsade Axmed Faarax Xarbi in la dumiyo dhismahaa oo ay sheegeen inay wadado ka baxdaa soo gashay, balse wax xal ah laga gaadhi waayay muran iyo buuq ka dhashay halkaa oo ay soo dhexgaleen Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Badhasaabka Gobolka Hargeysa Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji).  

Hase yeeshee Maayar Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uurcadde  oo hoggaaminayay hawl galkaa  ayaa  saaka amar ku bixiyay in la dumiyo dayrka guriga ganacadahaa  oo ay horena dawlada Hoose u dumisay, balse  ay sheegeen in dib dhisay. Laakiin Ganacsadaha ayaa  is hortaagay hawlgalkaa, isagoo ku dooday inaanu gurigiisu ku jirin wax waddo ah. Sidaa awgeed aanu aqballayn qorshaha ay wataan ee duminta gurigiisa, laakiin maamulka dawladda hoose oo khaashanaya ciidanka Bilayska ayaa  dumiyay  Gurigaa, isla markaana xabsiga u taxaabay  ganacsade Axmed Faarax Xarbi oo hada ku jira xabsiaga.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist  
Araweelonews Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *