Hargeysa(ANN) Dhawaaqyo lagu canbaaranayo talaabadii Gudoomiye xigeenkii labaad ee Xisbiga xukuumadda ee Kulmiye C/raxmaan C/qaadir shalay laga saaray shirkii golaha dhexe, isla markaana dhaaca loogu geystay , ayaa ka imanaya hogaamiyayaasha qaar ka mid ah Ururada

siyaasadeed ee dhowaanSomaliland lagaga dhawaaqay, aqoonyahano, mujaahidiin iyo shaqsiyaad  kale.
Prof: C/saalaan Yaasiin  oo kamida urur siyadaeedka Horyaal  i yo Xooghayaha urur siyaadaeedka Udhis  Siciid X. Ahmad Qulubbe  ayaa ka mid ahaa dadk sida weyn u canbaareeyay falkaa fioosha xun, waxayna  saaka wada jir  ugu qabteen Shirjaaraa,id Hotelka  Xaraf ee magaalada Hargaysa,  waxayna si kulul ugu  cambaareeyeen  falkii foosha xumaa ee lagula kacay  Dr. C/raxmaan C/qaadir oo ahaa gudoomiye ku xigeenka  koobaad ee Xisbiga KULMIYE .
Porf. C/salaam iyo Mr. Qulunbe waxay  xukuumadda iyo xisbiga kulmiyeba kudhaliileen sida foosha xun ee ay ula dhaqmeen mujaahid usoo halgamay Dalka iyo xisbiga Kulmiye , isagoo kamid ahaa aas aasayaashii SNM  iyo xisbiga kulmiyaba, ayay nasiibdaro ahayd inay   si arxandaro ah ula dhaqmaan askarta booliska  oo ay amar kusiiyeen xukumada iyo xisbiguba in debeda la dhigo.
Pro.  C/salaam Yaasiin, wuxuu  sheegay inay xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ku kacdo wax yaabo fool xun oo aan loo ad kaysan Karin.
Isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi Por. Yaasiin  “Ma taas  ayanyu dawlad nimo maamuus, sharaf  iyo  milgo ku muujinaynaa ,waar miyaynaan  inagu is ixtiraamayn hadaynu nafteena ixriraami wayno,  oo uu inoo  muuqado kursi yar oo Ninkii  kursiga kufadhiistaa Askarta iyo dadka ku xeeran inuu  adeegsado  ay noqoto,  saw soo noqonmayso tii aynu diidnay .”
Prof Yaasiin wuxuu sheegay inaanay askarta Boolisku ahayn dad akhlaaq leh oo tababaran, isla markaana aanay wax naxariis ah lahayn oo aanay wax tababar ah qabain
“Dhaqanka  aynu ku dhaqmaynaa maaha kii aanu doonaynay  ragii SNM dhisay ee xisbiga kulmiye dhisay ee uu C/raxmaan  C/qaadir ka mid haa isagoo dhaawaca in ta latuqaan tuqeeyo askari loo dhiibo haybada  uulahaa , haybada ururkana ma qabato , ta xukuumadana ma qabato, C/raxmaan, miyaanu ahayn  kii ku dhaawacmay isagoo soo dhowaynaya  Madaxwaynaheena   miyaani ahayn Cali Maar shaal kii ku dhintay maxamad xaashi cilmi  maanu hayn kii ay gancantu ku  jabtay,dadka sidayaadaa soo taagan ee doonaya inay dadka wanaajiyaan ee aan waxba ka doonayn , een maal ka dhaqayn, wanaag baanu ladoonaynaa haduu qaloocu ka muuqdo waa u sheegaynaa , waar cid kale samada inooga soo daadan maysee waa inaynu inagu dhaqankeena badalnaa, dhaqn keenan siyaasiga ee xun kan  bulshada ee xun, keenan dhaqaale ee xun , ee aynu hada  ku dhasqmayno, sidaa ku dawlad iyo xukuumad ku noqon mayno,umad waa inaynu dhaqan wanaagsan askariga barnaa .oo aynu barnaa ki xafiiska fadhiyay,oo ay axsaabtu barataa waxaanu kulatalinaynaa xukumada iyo bulshadaba inaynu u baahanahay nabad galyada aynu haysano ee tacabku inaga galay, dawlad nimada aynu haysano ee tacabku inaga  gaadhay ee dhibaatadu inaga gaadhay inaynu ilaashano.” Ayuu yidhi.
sidoo kale Xoghayaha urur siyaasadeeka UDHIS Siciid Xaaji  Qulubbe  ayaa sheegay inuu falkaa lagu kacay C/raxmaan C/qaadir ahaa mid foolxun oo nasabiibdaro ah, isagoo xusay inuu ahaa raggii SNM usoo halgamay ee Xisbiga Kulmiye aasaasay, balse maanta sidaa loogu abaal guday.
Dhinaca kalena Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa cambaareeyay tallaabadii Golaha dhexe ee xisbiga tallada Somaliland haya ee KULMIYE ay shalay xilkii iyo xubinimadiiba kaga xayuubiyeen Guddoomiye Ku xigeenkii labaad ee xisbigaa C/Raxmaan C/Qaadir Faarax.
Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta Hargeysa ka soo saaray ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbiga UCID.  Aadan Jaamac Hoori. Kaas  qoraalkaasi u dhignaa sidan:-
“Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, wuxuu cambaaraynayaa falkii foosha xumaa ee ka dhacay kalfadhigii saddexaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, kaas oo lagula kacay gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE Md, C/raxmaan C/qaadir.
Run ahaantii haddii abaal lagudayo wuxuu ahaa nin u soo halgamay Xisbiga KULMIYE iyo jiritaanka Somalilanba una huray naftiisa iyo hantidiisaba, hasayeeshee loogu abaal guday ka xayuubin xilkii uu ka hayay hogaanka sare ee Xisbiga.
Xisbi ahaan waxaanu u aragnaa in masuulkan Shirweyne lagu doortay isla markaa Shirweynana lagaga qaadi karo Xilka, arintani waxay dhaawacaysaa Dimuqraadiyada Xisbiga KULMIYE dhexdiisa iyo ta Somalilandba.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kooban ee UCID.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *