Hargeysa(ANN)Maxakamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta si rasmi ah  u furtay dawacadda  saddexdii masuul ee ku eeddaysnaa musuq-maasuqa iyo inay lunsadeen   raashin macaawimo ahaa oo loo waday dad masaakiin ah  oo ku nool Somaliland. Saaka subaxnimadii hore ayaa si weyn loo

 

adkeeyay gebi ahaanba wadooyinka soo gala maxkamadda oo la dhigay ciidamo Boolis ah oo dheeraad ah.
Waxaana loo diiday inay saxaafadu ka qaybgalaan kiiskaa oo aad loo danaynayay. Kadib markii Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Duur ku amray Booliska inaan loo oggolaan saxaafada.
Inkasta oo xeer Ilaalinta iyo Garsooraha Kiiska qaadayay dalbeen in loo ogolaado saxaafada, balse waxa si cad u hor istaagay saraakiisha booliska oo sheegay inay hayaan amar kaga yimi wasiirka rrimaha Gudaha sidaa awgeed aanay ogolaanayn inay saxaafadu galaan, waxaana nasiib u yeeshay inay galaan kiiskaa oo ay dhegeystaan dad kooban, kuwaas oo qaarkood ay la kulmeen weriyayaal ka socday shebekada Araweelonews oo uga xog waramay.

https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/1359/7?uidval=1268568853https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/1359/7?uidval=1268568853
https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/1359/7?uidval=1268568853https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/1359/7?uidval=1268568853Eedaysnayaasha oo ahaa  Badhasaabkii hore ee goblka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xamarje, Agaasimhii wasaaradda Dib u Dejinta Axmed Bare Cismaan  lataliyhii gaarka ahaa ee Madaxweyne ku-xegeenka Cismaan Siciid Jaamac iyo oo ay weheliyaan   nin ganacsade ah iyo Gudoomiyaha Hay’adda SIWO (Somaliland welfare Association), iyo  Ganacsade la yidhaahdo C/shakuur oo ah mulkiilaha Bakhaar Hargeysa ku yaala.
Booliiska iyo Xeer ilaalinta ayaa Maxkamaddu ka  dhagaystay Eedihii ay ku soo heleen Baadhitaankooda. Saraakiishii Booliiska ahaa ee Oogayay Kiiskaasi soo bandhigeen in Raashinkaasi bilowgiisii hore masuuliyadiisa ay qaateen oo ay Dawladda ku wareejisay Hay’adda la yidhaahdo siwo, taas oo iyana Qaybta Hargeysa u wakiilatay Hay’ad kale oo la yidhaahdo Billan sida ay sheegeen Boolisku.

Booliisku waxa kale oo ay soo bandhigeen in Raashinak La Leexsaday ee Hargeysa ee ay u xidhan yihiin kooxdaaasi   uu ahaa 20 gaadhi, iyagoo sheegay 13 ka mid ah dadkii loogu talogalay loo qaybiyay, hase yeeshee 7 ka mid ah inta la Leexsaday la dhigay bakhaaro iyo Guryo shacbi, kadibna Xamarji soo sheegay Bilayskuna sidaa ku qabteen. Raashinkaa markii la qabtay kadib waxa ay sheegeen Madaxweyne kuxigeenku inuu u saaray Guddi ka koobnaa sadexda Masuul ee xidhan iyo Taliye-kuxigeenka , iyadoo Booliisku ay ku doodeen in mar labaad la Leexsaday Raashinkii laba gaadhi oo ka mid ah kadibna ay soo qabteen, iyagoo markii danbena ay sadexda masuul ka dalbadeen Booliiska in la sii daayo Raashinkaa markay u sheegeen in sifo sharci ah uu ku socdo balse ay ka diideen oo ay geeyeen wasaaraddii dibudajinta kadib markii la isku qabsaday. Intaa kadib Looyarada u doodaya masuuliyiinta xidhan ayaa ku dooday in loo food saaro meesha ay danbiga ka galeen haddiiba uu xamarji ahaa ninkii toddobada gaadhi soo qabtay,  isla markaan aaanay rajin masuuliyad rasmi ah oo qoraal ah oo uu lagu magacaabay masuuliyada raashinkaa.


Dacwadan oo ahayd mid xaasaasi ah ayaan la horkeenin Maxakamadda masuuliyiinta labada Hay’adood ee Raashinkan qaybinayay oo booliisku cadeeyay inay iyagu lahaayeen qaladaadka ugu badan iyagoo sheegay in sharciyo laga gaadshiiyay si raashinkaasi loogu dhacay loo sameeyay isla markaana ay ku heleen danbiyo cad cad oo lacag cadaan ah oo ay kala qaateen, kuwaas oo gabi ahaanba aan maxkamadda la horkeenin, Kuwaas  sida laga sheegay Maxkamadda horteeda  in Dayr Aw Faarax ah Ninkii  mashruucan lagu Leexsaday Raashinka hormoodka u ahaa  iyo Ibraahin Sakaaro oo ah Agaasimaha Hay’adda SIWO. Sidoo kale wax ka mid ahaa  sida laga sheegay Maxkamadda horteeda nin ka tirsan Ciidanka Booliiska oo ay ku sheegeen  magaciisa Abokor, Saleebaan Shiino  iyo Faadumo Cali oo ah Xaaska Dayr Aw Faarax.
Dhinaca kale  sida ay sheegayaan warar la xidhiidha kiiskaa Xeer ilaaliyaha guud ee  Somaliland iyo Wasiirka arrimaha gudaha ayaa isku maandhaafay markii saxaafada loo diiiday inay galaan gudaha, taas oo wasiirka arrimaha gudaha amar ku bixiyay inaan loo ogolaan, balse xeer ilaalinta ayaa ku dooday in loo ogolaado saxafiyiin kooban oo aan loo ogolaan inay wax duubaan, balse ay dhegeystaan oo ay ka mid noqdaan dhegeystayaasha kiiska sida ay dadka kaleba u dhegaysanayaan.
Masuuliyiintaa oo mudo ka baddan bilk u xidhnaa xabsiga dhexe, ayaa markii ugu horaysay la horkeenay Maxkamadda saaka oo la dhegeystay Kiiskaa, waxaana dib  loo mudeeyay  dhegeysiga kiiskaa sabtida soo socota.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *