Hargeysa(ANN)Xaaladda Caafimaad ee Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadow  oo  mudo  ka baddan bil iyo dheeraad sabab la’aan ugu xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, isla markaana aanay jirin maxkamad lasoo taagay, balse halkaa  ku xidhnaa tan iyo markii ciidamada

 

boolisku ka qabteen Madaarka Cigaal International ee Hargeysa, isagoo kusoo laabtay dalka badhatamihii March, ayaa laga dayriyay.
Qaar ka mid ehelada Boqor Buur-madaw, ayaa u sheegay shebekada arawelonews in xaalada caafimaad ee Boqor Cismaan aanay fiicnayn labadii maalmood ee u danbeeyay. kadib markii sida ay sheegeen ay ka dhamaadeen dawooyin uu isticmaalo, kuwaas oo ay sheegeen inaanay ka helin Pharmacy-ada lagu iibiyo dawooyinka ee magaalada Dalka.
Qoyska Boqor Cismaan ayaa  sheegay  inay soo food-saartay caafimaad daro.  kadib  markii ay ka dhamaadeen  Kiniino uu u isticmaali jiray Xanuuno adag oo haya, kuwaas oo kala ah Dhiig-kar, Macaan, Karastarool, iyo Nabaro ka soo gaadhay Qaliino lagaga sameeyay Wadnaha iyo xamaytida oo aanay qaarkood Bogsan.
Qareenka Boqor Cismaan oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino in xaaladiisa Caafimaad lala socodsiiyay ayaanay noo suurta gelin, balse waxay ehelada qoyska Boqor Buur-madaw sheegeen inay ka warhayaan qareenada uu qabsaday xaaladiisa oo uu la socodsiiyay.

Boqor Buur-madaw xadhigiisa waxa canbaareeyay dad baddan oo isugu jira siyaasiiyiin, aqoonyahan, Odayaal iyo madaxdhaqameed iyo sidoo kale hay’addaha caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha, isla markaana dublamaasiyiin shisheeye ayaa marar baddan kala hadlay xadhiga Boqor Buurmadaw Xukuumadda Madaxweyne  siilaanyo, balse waxay ka dhega adaygtay dhamaan baaqyadaa, mana jirto ilaa hada cid dacwad kusoo oogtay, isagoo mudadhaaf ku ah xabsiga, taas oo ah mid baalmarsan dastuurka dalka iyo qawaaniinta caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha.

Boqor Buurmadaw oo loo aqoonsan yahay hogaamiye nabadeed, ayaa ka hor intii aan lagu xidhin Hargeysa kasoo baxay xabsi ku yaal dalka Imaraadka carabta, isagoo waqtigaa kasoo laabtay gudashada waajibaadka xajka, waxaana u gurmaday dawlado shisheeye iyo dublamaasiyiin caalami ah iyo hay’addaha caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha,  kuwaas oo ku guulaystay in lasoo daayo, waxayna waqtigaa haya’dda Amnesty Intentional oo si weyn ugu dooday qoraal dheer oo ay u qortay dawladda Imaraadka Carabta ugu sheegtay inaan wax dhibaato ah loo geysan Boqor Buurmadaw oo ay sheegeen inuu yahay hogaamiye nabadeed, isla markaana waxay kaga warameen qoraalkaa inuu leeyahay xanuuni baddan, taas oo sababtay in markiiba cusbitaal khaas ah la dhigo, markii ay soo waajahday xaalad caafimaad Boqor Cismaan , iyadoo ugu danbayntiina lasoo daayay. Markii baadhitaanadii lagu sameeyey tuhunkii loo xidhay noqdeen waxaba kama jiraan.
Hase yeeshee xaalada caafimaad ee hada Boqor Cismaan oo laga dayrinayo ayaa u muuqata mid xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhegaha ka furaysatay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *