siyaasadeed ee dhowaanSomaliland lagaga dhawaaqay, aqoonyahano, mujaahidiin iyo shaqsiyaad kale.
Prof: C/saalaan Yaasiin oo kamida urur siyadaeedka Horyaal i yo Xooghayaha urur siyaadaeedka Udhis Siciid X. Ahmad Qulubbe ayaa ka mid ahaa dadk sida weyn u canbaareeyay falkaa fioosha xun, waxayna saaka wada jir ugu qabteen Shirjaaraa,id Hotelka Xaraf ee magaalada Hargaysa, waxayna si kulul ugu cambaareeyeen falkii foosha xumaa ee lagula kacay Dr. C/raxmaan C/qaadir oo ahaa gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Xisbiga KULMIYE .
Porf. C/salaam iyo Mr. Qulunbe waxay xukuumadda iyo xisbiga kulmiyeba kudhaliileen sida foosha xun ee ay ula dhaqmeen mujaahid usoo halgamay Dalka iyo xisbiga Kulmiye , isagoo kamid ahaa aas aasayaashii SNM iyo xisbiga kulmiyaba, ayay nasiibdaro ahayd inay si arxandaro ah ula dhaqmaan askarta booliska oo ay amar kusiiyeen xukumada iyo xisbiguba in debeda la dhigo.
Pro. C/salaam Yaasiin, wuxuu sheegay inay xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ku kacdo wax yaabo fool xun oo aan loo ad kaysan Karin.
Isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi Por. Yaasiin “Ma taas ayanyu dawlad nimo maamuus, sharaf iyo milgo ku muujinaynaa ,waar miyaynaan inagu is ixtiraamayn hadaynu nafteena ixriraami wayno, oo uu inoo muuqado kursi yar oo Ninkii kursiga kufadhiistaa Askarta iyo dadka ku xeeran inuu adeegsado ay noqoto, saw soo noqonmayso tii aynu diidnay .”
Prof Yaasiin wuxuu sheegay inaanay askarta Boolisku ahayn dad akhlaaq leh oo tababaran, isla markaana aanay wax naxariis ah lahayn oo aanay wax tababar ah qabain
“Dhaqanka aynu ku dhaqmaynaa maaha kii aanu doonaynay ragii SNM dhisay ee xisbiga kulmiye dhisay ee uu C/raxmaan C/qaadir ka mid haa isagoo dhaawaca in ta latuqaan tuqeeyo askari loo dhiibo haybada uulahaa , haybada ururkana ma qabato , ta xukuumadana ma qabato, C/raxmaan, miyaanu ahayn kii ku dhaawacmay isagoo soo dhowaynaya Madaxwaynaheena miyaani ahayn Cali Maar shaal kii ku dhintay maxamad xaashi cilmi maanu hayn kii ay gancantu ku jabtay,dadka sidayaadaa soo taagan ee doonaya inay dadka wanaajiyaan ee aan waxba ka doonayn , een maal ka dhaqayn, wanaag baanu ladoonaynaa haduu qaloocu ka muuqdo waa u sheegaynaa , waar cid kale samada inooga soo daadan maysee waa inaynu inagu dhaqankeena badalnaa, dhaqn keenan siyaasiga ee xun kan bulshada ee xun, keenan dhaqaale ee xun , ee aynu hada ku dhasqmayno, sidaa ku dawlad iyo xukuumad ku noqon mayno,umad waa inaynu dhaqan wanaagsan askariga barnaa .oo aynu barnaa ki xafiiska fadhiyay,oo ay axsaabtu barataa waxaanu kulatalinaynaa xukumada iyo bulshadaba inaynu u baahanahay nabad galyada aynu haysano ee tacabku inaga galay, dawlad nimada aynu haysano ee tacabku inaga gaadhay ee dhibaatadu inaga gaadhay inaynu ilaashano.” Ayuu yidhi.
sidoo kale Xoghayaha urur siyaasadeeka UDHIS Siciid Xaaji Qulubbe ayaa sheegay inuu falkaa lagu kacay C/raxmaan C/qaadir ahaa mid foolxun oo nasabiibdaro ah, isagoo xusay inuu ahaa raggii SNM usoo halgamay ee Xisbiga Kulmiye aasaasay, balse maanta sidaa loogu abaal guday.
Dhinaca kalena Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa cambaareeyay tallaabadii Golaha dhexe ee xisbiga tallada Somaliland haya ee KULMIYE ay shalay xilkii iyo xubinimadiiba kaga xayuubiyeen Guddoomiye Ku xigeenkii labaad ee xisbigaa C/Raxmaan C/Qaadir Faarax.
Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta Hargeysa ka soo saaray ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbiga UCID. Aadan Jaamac Hoori. Kaas qoraalkaasi u dhignaa sidan:-
“Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, wuxuu cambaaraynayaa falkii foosha xumaa ee ka dhacay kalfadhigii saddexaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, kaas oo lagula kacay gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE Md, C/raxmaan C/qaadir.
Run ahaantii haddii abaal lagudayo wuxuu ahaa nin u soo halgamay Xisbiga KULMIYE iyo jiritaanka Somalilanba una huray naftiisa iyo hantidiisaba, hasayeeshee loogu abaal guday ka xayuubin xilkii uu ka hayay hogaanka sare ee Xisbiga.
Xisbi ahaan waxaanu u aragnaa in masuulkan Shirweyne lagu doortay isla markaa Shirweynana lagaga qaadi karo Xilka, arintani waxay dhaawacaysaa Dimuqraadiyada Xisbiga KULMIYE dhexdiisa iyo ta Somalilandba.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kooban ee UCID.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com