Hargeysa(ANN)Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa si kulul u Canbaareeyay  barnaamijyada siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE dalka ku hogaamiyo iyo talaabooyinkii u danbeeyay ee ay xukuumaddu Qaaday, kuwaas oo ay ku tlmaameen habdhqan ka baxsan nidaamka dawladnimmo. Sidaana waxa

lagu sheegay

qoraal saxafadeed maanta ka soo baxay Xisbiga UCID oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Xisbiga Xasan Xuseen MAxamed (Codyare), kaas oo si ba’an  loogu  cambaareeyay tallaabooyin dhawr ah oo xukuummadu qaaday  mudadii dhawrka bilood ahayd ee ay xilka haysay, waxayna si gaara Xisbiga UCID gaar ah usoo qaateen Shaqaalihii Wasaaradda Maaliyadda ee ku dhacay imtixankii laga qaaday iyo sidoo kale ballanqaadyo ay ku tilmaameen kuwo fashilmay oo xisbiga KULMIYE ku baaqay wakhtigii ololaha iyo qodobo kale.
Qoraal Saxaafadeedka kasoo baxay Xisbiga Mucaaridka ee UCID ayaa u qornaa  sidan;- “Shir ay isugu yimaadeen guddida fulina xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) maanta oo ay taariikhdu tahay 4/01/2011 wuxuu si adag u cambaaraynayaa xad-gudubka qaawan iyo cadaallad darrada lagula kacay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Waxa tan ka horeeysay shaqaale fara badan oo si cadaalad darro ah loo eryay, Dhamaan shacabka Somalilandna ka fajicisay qaabka foosha xun ee dadkaas muwadiniinta ah ee Qaranka u soo shaqeeyay xaqoodii loo duudsiiyay.

Waxa muuqata in tuhunkii la qabay ee ahaa in dawladda Madaxweyne Silaanyo qof qof ku bedel ay ku dhaqmayso si ay u shaqo gayso dadkii taageersanaa iyo dadkii ay isku ehelka iyo qaraabada yihiin.

Waxa Wasiirka Maaliyadda iyo gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawladda ay munaasibado kala duwan warbaahinta ka sheegeen in aan shaqaalaha la eryi doonin ee wax la bari doono aqoontoodana kor loo qaadidoono iyagoo mushaharkoodana la siin doono, balse ay taasi noqotay hal bacaad lagu lisay.

Waxa Barnaamijka Xisbiga kulmiye si cad ugu qeexan ummaddana ay u balanqaadeen in ay mushaharka shaqaalaha dawladda iyo ciidamada qalabka sida u kordhin doonaan 300%, shaqo abuurisna u samayn doonaan, cadaaladdana ay ku dhigi doonaan, arrintaasina hada noqotay waxba kama jiraan.

Shalay ayey ahayd markii Xisbiga Kulmiye ee uu Gudoomiyaha ka ahaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo mudaharaad uu soo agaasimay ku dhinteen dhalinyaro aan waxba galabsanin, kursigana uu ku helay codkoodii, halka maanta dhalinyaradii cadaalladdarrada ka mudaharaadaysay lagu guray jeelka si arxandarro ah iyadoo dastuurka Somaliland muwaadinka u damaanadqaaday Xoriyada Banaanbaxa sida ku cada qodobka 32 faqradiisa 2aad “Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.”

Waxaa ayaandarro ah iyadoo Magaaladda Caasimadda ah ee Hargaysa gaajo loogu dhimanayo, halka dawladduna ay bilawday  shaqaalihii yaraa ee fara ku tiriska ahaa ay dabka ka bakhtiiso.

Habdhaqankan ay ku kacayso dawladda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waa mid ka baxsan nidaamka dawladnimo, taas oo ina xasuusinaysa dhaqamadii maamulkii Dawladdii hore iyo kalitaliyihii Siyaad barre, Xisbiga UCID-na wxuu ka hor jeeda wax kasta oo ku dhib ah shaqaalaha dalka.

Xisbiga UCID wuxuu Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo u soo jeedinaya in uu arrintaasi si mug leh uga fiirsado cadaaladana waafajiyo, waxaynu heshiiska ku ahayn shalay oo ah cadaaladd, sinaan iyo hormar, maanta markaad taladii qabatay inaad ku ka hore timaado kaa yeeli mayno Madaxweyne  adiga iyo dawladaada toona.” Ayaa lagu soo gebagebeeyay qoraalka UCID.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *