Hargeysa(ANN)Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa si adag uga hadlay xeerka isgaadhsiinta ee golaha wakiilada Somaliland ansixiyeen maalintii doraad, kaas oo ay ku tilmaameen inay qodobo ka mid ahi kasoo horjeedaan dastuurka qaranka.  Wuxuuna xisbiga UCID  ku tilmaamay Golaha Wakiilada

Somaliland oo ku eedeeyay inay noqdeen saylad u furan koox ganacsato ah. Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee xisbiga UCID oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha warfaafinta C/Naasir Yuusuf Cismaan (Qodax).
Qoraalka kasoo baxay xarunta xisbiga UCID  ayaa  u qornaa sidan:-
“Maalintii Axadda ahayd ee 10/04/2011 waxaa Golaha Wakiiladda Somaliland ansixiyeen xeerka isgaadhsiinta Somaliland. Xeerkaas Qodobo ka mid ahi waxay ka soo horjeedaan Dastuuurka Qaranka iyo mabaadiida ganacsiga suuqa xorta ah ee Dastuurku u damaanad qaaday bulshada Reer Somaliland.
Xeerkan waxa ku jira oo ka muuqda khaladaad sharci, mid farsamo iyo qodobo si gaar ah cid ugu adeegaya isla markaana aan la socon sida dawladaha caalamku u dejiyaan xeerkooda isgaadhsiineed.
Xeerkan waxa majarahabaabiyay guddiga dhaqaalaha iyo shirgudoonka oo ku shaambadaysan meel marintisa iyo wax ka bedelkiisa waxa kale oo nasiib darro ah Golihii Wakiilada oo noqday saylad furan oo kooxo ganacsato ahi ka dhex kaluumaystaan oo lacag lagu bixiyo si looga fushado dano gaar ah oo lidi ku ah dastuurka qaranka, taasina waa bar madaw oo ku taala xildhibaanada ansixiyay .
Dhaartii, xildhibaanimadii iyo ilaalinta danaha guud waxa laga horimariyay dan gaar ah oo kooxo u adeegaysa, baalmarsana shuruucda iyo dastuurka. Ummadi waxay wax ku noqotaa caddaalad, horumar iyo badhaadhena ku gaadhi karta meelmarinta sharciga iyo ku dhaqankiisa.
Ugu danbayn waxa Xisbiga UCID ugu baaqaya Golaha Guurtida, Madaxweynaha, iyo Maxkamada Dastuuriga ah inay ka saaraan wixii Qodobo ah ee ka horimaanaya Dastuurka Qaranka kana gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran ilaalinta sharciga iyo danaha dadweynaha.” Ayaa lagu yidhi qoraalka xisbiga mucaaridka UCID.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *