Nairobi(ANN) Shirka khilaafka ka abuuray dawladda ku meelgaadka ah iyo qaramada midoobay ayaa maanta ka furmay  magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaas oo sida uu sheegay wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Mr. Augustine Mahiga la doonayo in lagaga hadlo arrimaha

Soomaalida, balse ay gebi ahaanba ku gacan saydhay Xukuumadda taagta daran ee Somalia oo lagu casuumay inay ka qayb galaan. 
Shirkaa oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen oo ay soo qabanqaabisay qaramada midoobay, waxa  lagu tilmaamay ujeedadiisa inuu yahay mid wadatashi ku saabsan   arrimaha Somalia waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha baarlamanka Somalia, Shariif Xasan Sheikh Aadan, Madaxweynaha Maamul goboleedka  Puntland Abdurahman Mohamed Farole, Madaxweynaha  maamulka Galumudug, Mohamed Ahmed Alim iyo xubno ka socdey ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo uu horkacayey Sheukh Omar SHeikh Abdulkhadir. Sidoo kale waxa ka qaybgalay wakiilo ka socday beesha caalamka iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah.
Ergeyga gaarka ah ee Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Somalia, Danjire Augustine Philip Mahiga ayaa ka  sheegey furitaanka shirka ujeedada shirka, isagoo  ka waramey dadaalada socda ee ku aadan xal u helidda mushkiladda siyaasadeed ee ka aloosan Somalia iyo in shirkan uu yahay mid wadatashi ah oo wax la isku tusaaleynayo.
Dhinaca kale La Taliyaha Raysal wasaaraha Somalia oo ah Af-hayeenka Xukuumadda taagta daran ayaa sheegay inay shir ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ku canbaareeyeen shirka Nairobi, isla markaana waxa kaloo lagu sheegay go,aanka kasoo baxay kulanka golaha wasiirada Xukuumadda in aanay xubnaha Baarlamaanka ee uu hogaaminayo gudoomiye Shariif iyo xubnaha wasiirada ee ka qaybgalay kulanka ay qabanqaabisay qaramada midoobay haysan sharciyadii u ogolaan lahayd inay ka qaybgalaan shirkaa. Sidaa awgeed aanay marnaba ogolaanayn xukuumadda TFG wixii kasoo baxa kulankaa.
Sidaana waxa saxaafada u sheegay Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisaw oo ah Afhayeenka Xukuumadda taagta daran ee Somalia
Shirka aan weli qorshihiisa la fahmin, isla markaana qaban-qaabadiisa ay dabada ka waday   Qaramada Midoobay waxa uu wakiilka    Qaramada Midoobay ee Somalia Mr. Augustine Mahiga ku sheegay mid lagu  doonayo in lagaga hadlo arrimaha Soomaalida, balse ay gebi ahaanba ku gacan saydhay Xukuumadda taagta daran ee Somalia oo lagu casuumay inay ka qayb galaan. Balse  Danjire Mahiga ayaa sheegey in weli Madaxweyne Shariif iyo dowladdiisa ay u furan tahay ka qeybgalka shirkaa. Laakiin masuuliyiinta taagta daran ee dawladda Somalia waxay gebi ahaanba ganafka ku dhifatay ka qaybgalka shirkaa, iyadoo xubnaha uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka ee ku qaybgalayna ku sheegay kuwo aan haysan awood sharci.
Tan iyo markii ay soo baxday qabanqaabada hindisaha shirkaa waxa muuqatay kala qaybsanaan dhinaca kooxaha Somalia iyo beesha caalamkuba ay ku kala aragti duwanaayeen qorshaha iyo ujeedada shirkaa, iyadoo kooxaha shirkaa qaadacay ku tilmaameen mid xaalad murugsan iyo khatar usii horseedi kara arrimaha ka taagan Somalia, isla markaana horseedi kara dagaalo horleh iyo kala qaybsanaan, balse Qaramada midoobay oo iyagu dabada ka waday shirka ayaa wakiilkeeda Somalia Danjire Mahiga ku tilmaamay mid wadatashi oo guulo kasoo bixi karaan.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews  Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *