Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa qorshaynaya safar  ku waajahan qaar ka tirsan wadamada carabta ee khaliijka. Kadib markii uu casuumad ka helay wadamadaa.  Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Xukuumadda Somaliland iyo xafiiska

madaxtooyada toona oo sheegaya safarka madaxweynaha, ujeedadiisa, mudada uu qaadanayo  iyo wadamada uu tegi doono, balse warar lagu kalsoon yahay oo  u dhuun daloola  Madaxtooyada ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews in Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiiradu maalinta Khamiista ee beri u baxayaan safar dhinaca dalalka Khaliijka ah.
Iyadoo ay xogahaasi sheegayaan in wefdiga Madaxweynahu diyaarad khaas ah ka raaci doonaan madaarka caalmaiga ah ee magaalada Berbera, isla markaana ay sii mari doonaan dhinaca dalka Imaraadka carabta ee Dubai, iyagoo u dhaafi doona dhinaca dalka Kuwait oo sida wararka safarka madaxweynaha la xidhiidhaa sheegayaan uu ka helay Xukuumadda Kuwait  martiqaad rasmi ah, isla markaana ay kulamo la yeelanayaan masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Kuwait, i shirkado waaweyn oo xarumu ku leh dalkaa iyo dublamaasiyiin, kuwaas oo sida ay sheegayaan tibaaxo laga helay ay ka wada hadali doonaan dhinaca maalgashiga dalka iyo mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyo Somaliland.  
Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya inuu Madaxweyne Siilaanyo  booqashadiisa dalka Kuwait ku waajahani qayb ka tahay mashruuc malaayiin dollar ah oo ay Xukuumadda Kuwait hore ugu balanqaaday in laga fuliyo Somaliland, kaas oo ay ku jiraan dib u dhis madaarada Somaliland ah iyo  dhismayaal wadooyiin laami ah, balse aanay ka madhanayn  booqashada Madaxweyne siilaanyo ee Khaliijka gaar ahaan dalka Kuwait  wada hadalo la xidhiidha qaar ka mid ah shiradaha Shidaalka ee ku sugan dalkaa.
Booqashada Madaxweyne Siilaanyo ee dhinaca dalalka carabta  ayaa noqonay tii ugu horaysay ee uu ku tago dalalka carabta tan iyo mudadii uu ku guulaystay doorashada madaxtooyada somaliland ee kal hore, isla markaana waxay noqonay safarkii saddexaad ee uu dalka debeda uga baxo sideedii  bilood ee uu xilka hayay.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *