Hargeysa(ANN)Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa sheegay in aan la is barbardhigi karin sifaha ay ku timi aftida Koonfurta Suudaan si ay uga go’aan Waqooyiga dalkaasi iyo qadiyadda aqoonsi raadiska Jamhuuriyadda Somaliland. UCID oo daba socday aragti uu bixiyey Agaasimaha Maamulka

Lacagta Komishanka Qaranka La-dagaallanka AIDS-ka Mr.

Cabdikariim Axmed Xinnif oo uu sheegay in aqoonsiga Somaliland ku xidhan yahay wadahadal lala galo Soomaaliya, ayaa war-murtiyeed uu ka soo saaray oo afhayeenka UCID ku tilmaamay mid dhabar-jab weyn ku ah qarannimada iyo madaxbannaanida dalnimo ee Somaliland.

War-saxaafadeedkaas oo dhammaystirani waxa uu u dhignaa sidan; “Muddooyinkan dambe waxaa soo ifbaxaya dhawaaqyo kasoo yeedhaya masuuliyiin xukuumadda ah iyo shakhsiyaad siyaasiyiin ah oo u dhashay Somaliland.

Dhawaaqyadaas oo shaki galinaya gooni isu taaga Somaliland, Jaahwareerna ku ridaya shacbiga Somaliland. hadaladaas oo ay ka mid yihiin qoraal kusoo baxay Wargeyska Jamhuuriya cadaadkii 4403 ee soo baxay 26/01/2011 kaas oo dulucdiiso ahayd in aqoonsiga Somaliand ku xidhanyahay wadahadal lala galo dawladda shariifka.

Waxaa nasiib darro ah oo wax aad looga xumaadana ah in masuul xil qaran haya, kana tirsan Xisbiga Kulmiye in uu maanta soo qaato heshiis 20 sanno ka hore jabhadihii halganka ku jiray wada galeen, waxba kama jiraana ka dhigo guushii SNM iyo go’aankii 1991 ee gooni isu taaga ay ku wada gaadheen beelaha Somaliland ee shirkii Burco, shir-weynihii Boorama ee lagu dhisay nidaamka dawladnimo, aftidii distoorka Somaliland ee shacbka ku ogolaaday 97.8% gooni isu taaga Somaliland iyadoo ay goob joog ahaayeen goobjoogayaal ka tirsan beesha caalamka, geedisocodkii dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka kala dambeeyey ee dalka ka hirgalay.

Xisbi ahaan waxaanu qabnaa in arrintaasi tahay fidno cusub iyo khatar ay soo maleegayaan cadawga Somaliland loona adeegsanayo dad u dhashay Somaliland.

Xisbiga UCID wuxuu aaminsanyahay in arrinta qadiyadda koonfurta iyo waqooyiga Sudan iyo qadiyadda Somaliland aanay ahayn laba lays barbar dhigikaro sababtoo ah in markii dagaalkii Sudan 20 Sanno socday dad hal milyan lagu qiyaasayna ku dhinteen in aduunku xal u arkay laguna dhex-dhexaadiyay in afti la qaado dagaalkana la joojiyo hase ahaatee dagaalkii Somaliland ay la gashay soomalia ee 10 sanno socday ay ku jabisay ciidamadii soomalia ee siyaad barre maantana Somalia awood kuma leh arrimaha Somaliland oo inagu khasbaya in aynu gacmaha hoos dhigano, maadaama aynu ahayn laba dal oo isku biiray dibna u kala noqday.

Hadaba qadiyadda iyo ictiraafka Somaliland ma yaalo Soomalia ee aduunka kale ayuu yaala waxaanay ku xidhantahay dadaalkeena. taas oo aanu u aragna arrimahan dhawaan soo ifbaxaya in ay tahay fidmo laguna wiiqayo qarannimadeena iyo gooni isku taageena islamarkaana ay tahay arrin aan maanta taagnayn.

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxuu ugu baaqayaa Xukuumadda iyo Xisbiga talada haya in ay ka waantoobaan arrimaha dhabar jabka ku keenaya qadiyaddeena iyo rabitaanka Shacabka Somaliland, waxaanuna leenahay waa in aad gudataan xilkii laydiin igmaday.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *