Qaahira(ANN)Xarunta Dalka ee Masar ee Qaahira iyo magaalooyinka waaweyn ee dalkaa ayaa maanta ku waaberiistay mudaharaadyo rabshado wata oo lagaga soo horjeedo Madaxweynaha Dalkaa ee Maxamed Xusni Mubaarik oo xukunka gacanta ku hayay muddo soddon

sannadood ah.Mudaharaadayaasha
ayaa dalbanayay inuu  Madaxweyne Mubaarik xilka ka dego. Ciidamadda amaanka oo ku qalabaysan waxyaabaha lagaga hortago mudaharaadyada ayaa ku waaberiistay shaaracyada iyo meelaha mihiimka ah saaka. Kadib markii ay xalay heleen kacdoonada loo balansanaa in lasii wado, waxaana maanta markii laga soo baxay salaada Jimcaha loo dareeray mudaharaadyadii, halkaa oo ay inta la ogyahay ku nafwaayeen ku dhowaad toboneeyo qof. 
Ciiadamadda amaanka ayaa rasaasta rabadhka ah  iyo suntan dalka kaga ilamaysiisa ku kala dareeriyay mudaharaadayaasha, kuwaas oo soo dareeray salaadii Jimcaha markii ay kasoo bexeen,  Rabshadahani waxay daba socdaan saddex maalmood oo ay socdeen rabshado aan noocooda  hore loogu arag Masar, kuwaas oo ay ku nafwaayeen ku dhowaad dersin dad ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maraykanka Mr. Obama ayaa ugu baaqay Xukuumadda Masar inay tixgeliso rayal caamka bulshada iyo rabitaanka shacabka. 

Dowladdu si ay arrimahan uga hortagto waxay mar joojisay adeegyada telefoonka gacanta iyo internetka, gaar ahaan shebekaddaha Facebook iyo Taag, kuwaas oo laga cabsi qabo inay qayb ka noqdaan suurta galnimada inay rabshadahu sii kordhaan oo ay dadku fariimo isugu diraan.
Sidoo kale dalka Yamen ayaa khamiistii mudaharaadyo loogu baaqayo inuu xukunka ka dego Madaxweyne Cali Cabdale Saalax ka cusboonaadeen, waxayna kumanaan qof oo isugu soo baxay maudaharaadyadaa oo ka dhacay xarunta Caasimadda dalkaa ee Sanca.

Mudaharaadayaasha Yamen ayaa ugu sitay boodhadh ay ku muujinayaan cabashadooda, iyagoo ka cabanaya shaqo la’aan, faqri iyo musuqmaasuq. Kooxaha mucaaridka, taageerayaashooda, Ardayda jaamacaddaha iyo shaqaalaha dawladda qaarkood ayaa hogaaminayay mudaharaadka.
“Waxaaanu fariintayada u diraynaa Madaxweynaha iyo dawladiisa, waxaanu doonaynaa in kor loo qaado xaalada nolosha shacbiga Yamen, cabashadu waa mid ka timi musuqmaasuq iyo maamul xumo, waxaan doonaynaa inay caruurtaydu hesho mustaqbal wanaagsan.” Sidaa waxa wakaaladda wararka ee China u sheegay mid ka mid ah xisbiga Islaamiga ah ee Tagamuc Al- Islaax.
“Waxan  u baahanahay isbedel, sababtoo ah dadka qaniga ahi halkan waxay noqdeen kuwa ugu qanisan aduunka, kuwa faqiirka ahina waxay noqdeen kuwa ugu faqiirsan.” Sidaana waxa yidhi, mid ka mid ah Ardayda jaamacaddaha oo ka qayb galay mudaharaadkaa, iyadoo ay mudaharaadayaasha qaarkood gamcaha ku siteen Roodhi.

Wasiirka arrimaha Yamen Muteher Rashaad Al-masri ayaa ugu baaqay mudaharaadayaasha inay is dejiyaan oo aany isku milmin ciidamadda amaanka, wuxuuna isagoo xaalada ka hadlaya yidhi, “Umma baahnin qaylo iyo sawaxan, dooni mayno inay gamacaha muwaadiniinyada wax ka dhacaan iyo inay aflagaadeeyaan Dumuqraadiyadda .” ayuu yidhi, isagoo la hadlaya wakaaladda wararka ee Yamen Saba.

“shaki kuma jiro in waxa ka dhacay Tuunisiya madax baddan oo Carbeed iyo wadamadooda, kuwaas oo ay mdaxdoodu talada hayeen ka baddan 20 sannadood oo ay shacbigooda ku xukumayeen cadaaladdaro, shaqo la’aan baahday, faqri iyo dumuqraadiyad la’aan, taas oo keentay inay si weyn bulshadu u kala tagto xaga nolosha oo noqotay faraq weyn oo u dhexeeya dadka faqriga ah iyo kuwa qaniga ah.” Sidaana waxa yidhi C/raxmaan Bafadhi oo ah hogaamiyaha Xisbul Islaax ee baarlamaanka.
Yameni waxay noqotay wadankii Afraad ee ay mudaharaadyo iyo xasilooni daro ka dilaacaan. Markii xisbiga talada haya ee uu hogaamiyo keligii taliye aan waxna qorin, waxna akhiriyin ku tuntay dastuurkii ayuu yidhi. C/raxmaan.

Mudaharaadyada Yamen ayaa ka dhashay markii ay Baarlamaanku ansixiyeen qodob Dastuurka laga bedelay oo sheegaya inuu Madaxweyne Cali Cabdale Saalax xukunka haynayo ilaa inta uu dhimanayo, taas oo markii Baarlamaanku u codeeyay loo saaray guddi,  kuwaas oo dib ugu dhigay ilaa March 2011. Iyadoo ay xisbiyada mucaaridku si weyn u diideen talaabadaa, isla markaana ku balan qaadeen inay samayn doonaan mudaharaadyo lagu diidan yahay talaabadaa ay qaaday Xukuumadda Yamen

Madaxweyne Saalax oo xukunka hayay laga soo bilaabo 1978  ayaa todobaadkan sheegay inuu xukunka ka degayo marka ay dhamaato muddada xilkiisa ee 2013, balse wuxuu isagoo ka hadlaya xaalada hadda yidhi, “ waxaan nahay jamhuuriyad dumuqraadi ah, waxaanu haysanaa nabadgelyo buuxda, mucaaridka waxaan ugu baaqayaa inay yimaadaan miiska wada hadalka, Yamenina ma noqon doonto Tuunisiya.” Ayuu yidhi, Cabdale Saalax.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *