Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Gollaha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Ciro) oo ka hadlayay kalfadhigii 14aad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo  maanta   si rasmi ah uga furmay dhismaha cusub ee xarunta Gollaha Wakiillada ayaa sheegay in la xaliyay khilaafkii gollaha

 

u dhexeeyay, isla markaana ay xaal ka bixinayaan shir guddoon ahaan mudanayaasha jooga iyo kuwa maqanba wixii  dhacay mudadii khilaafku socday, kaas oo  sida uu sheegay laga soo  saaray go’aan lagu xaliyey khilaafkii labada dhinac ee aqalkaa oo bilaabmay kalfadhigii u danbeeyay oo si kahsab ah loo xidhay. Markii mudanayaasha qaarkood soo jeediyeen in wax ka bedel lagu sameeyo xeer hoosaadka gollaha.
Guddoomiyaha Gollaha Wakiilladda Somaliland  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa fadhigaa maanta  oo mudanayaasha loo akhriyey go’aan uu sheegay in laga soo saaray, kaas oo sida uu sheegay   Guddoomiyuhu ay  ku xalliyeeen khilaafkii golaha.
Go’aankaa oo uu fadhigaa ka akhriyey Xoghayaha guud ee gollahaa Mr. Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, waxa isagoo dhammaystiran uu u qornaa sidan;-
“Markaan dhegeystay dooda mudanyaasha ka soo jeediyey mooshinka wax ka bedelka iyo kaabista xeerhoosaadka  Gollaha Wakiiladda
Markaan dhegeystay Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Wakiiladda JSL
Markaan la tashaday lataliyayaasha sharci ee Gollaha
Markaan  arkay in nuxurka khilaafka Gollaha  uu yahay  soo dhigida xeer hoosaadka gollaha si kaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo
Markaan eegay qodobka 1aad, 9aad, 22aad iyo 37aad ee Xeerhoosaadka Golaha
Markaan eegay Qodobka 45aad iyo 46aad ee dastuurka
Markaan xogogaal u noqday in Gudida joogtada ah ee Golaha Wakiilada JSL  qaateen aqoon korodhsiyo ( seminars) ku saabsan kaabista  waxa ka bedelka xeerhoosaadka Golaha ( Standing Orders of the House) July 2009 , April 2010 iyo May 2010 kaas oo ay gacan ka siiyeen khubaro ka socotay baaralaamanada dalal aan saaxiib nahay iyo AWEPA si xeerhoosaadka Golaha looga dhigo mid la mid ah ka baaralamaanada kale.
Markaan ogaaday in uu jiro nuqul (Darft) xeer hoosaad  oo laga sameeyey doodihii seminaaradii.
Markaan arkay in nuxurka mooshiinka mudanyaasha yahay kabiista iyo wax bedelka qodoboda xeerhoosaadka
Markaan garawsaday inay mudan tahay in tixgelin iyo mudnaan la siiyo  soojeedinta ( motion) ee mudanayaasha
Markaan tixgeliyey in mudnaanta kowaad maanta leedahay xalinta jawharada khilaafka golaha oo ah in golaha  la keeno dooda wax ka bedelka iyo kaabista Xeerhoosaadka  Golaha
Waxaan go,aamiyey
1.    In aan raali geli iyo xaalka ka siiyo mudanyasha jooga iyo kuwa maqanba  wixii gef ah ee ay  ka tirsadeen xubnaha shirgudoonka mudadii khilaafku Gollaha ka jiray.
2.    In Golaha la hor keeno drafta wax ka bedelka iyo kaabista  xeer hoosaadka  Gollaha  wakiiladda ee ay soo diyaariyeen khubaro ka socda baarlamaandda dalal aan saaxib nahay, AWEPA iyo Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada  oo muddo dheer diyaarintiisa la waday si goluhu uga dooda . Draft-kani waad mid dhexdhexaad ah ( neutral) oo ayna diyaarintiisa raad ku lahayn shirgudoonka iyo mudanyaashu marka la reebo Gudidda Joogtada ah oo xeer-hoosaadku siiyey soo jeedinta wax ka bedelka xeer-hoosaadka.
3.    In Gudida Joogtada ah ee Golluhu   kalfadhiga furmaya 25.1.2011 warbixin ka siiyaan Goleweynaha Stage-ka uu marayo drafta kaabista iyo wax bedelka xeer Hoosaadka Golaha ee kor  ku xusani.
4.    In mudanyaashu la sugaan soo jeedimahooda ku saabsan wax ka bedelka, kaabista iyo wax ku kordhinta qodobka xeerhoosaadka  marka ay bilaabanto  dooda xeerka hoosaadku.
5.    In mudanyaashu xaq u leeyihiin wax kasta uu ay u jideeyeen dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golluhu.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *