Laascaanood(ANN)Alle ha u naxariistee laba qof ayaa maanta ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay duleedka tuullada Adhi caddeeye oo  qiyaastii 28 Km dhinaca  woqooyi galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Ka dib markii gaadhi Surf ah oo baanka

Laascaanood lahaa oo ay wateen  kula qalibmay halkaasi.
Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay saraakiisha ciidanka wadooyinka ee gobolka Sool. Sida ay sheegeen wararka la xidhiidha shilkaa waxa  ku dhintay Qasnajigii Baanka Laascaanood oo la odhan jiray  Cabdilaahi Jaamac Faarax iyo darawalkii gaadhigaasi oo la odhan jiray Saleebaan Cabdi Aadan, waxa kale oo ku dhaawacmay laba qof oo kale.
Labada Marxuum waxay saaka ka soo kicitimeen magaalada Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer waxaanay u soo kalahayeen shaqada ay ka hayeen baanka Magaalada laascaanood.
Labada Marxuum waxa maanta lagu aasay magaalada Laascaanood, halka labada qof ee kalena lagu dawaynayo cisbitaalka guud ee magaaladaasi.
Shilal aad u badan ayaa jidka Burco iyo Laascaanood u dhaxeeya ka dhacay labadii bilood ee la soo dhaafay waxaana halkaasi ku dhintay tobaneeyo qof, halka tiro intaasi ka badanina ay ku dhaawacmeen. Shilalka gaadiidka ee dawooyinka Somaliland ayaa aad u baddan, balse ma jiraan baadhitaano rasmi ah oo lagu sameeyo sababaha rasmiga ah ee shilalka gaadiidka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *