images/stories/waqaf gudoomiye xigeenka xisbiga ucid.bmp  Hargeysa (ANN)Guddoomiye ku xigeenka koowaad  ee xisbiga mucaaridka  UCID, Aadan Maxamed Mire (Waqaf), ayaa ku eedeeyay  xukuumadda cusub ee madaxweyne  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  inay cid gaara kooto ugu xidhay keenista Cable-ka badda hoosteeda mara oo dhawaan kusoo fool leh Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kalena

wuxuu eedaymihiisa ku sheegay  inay xukuumadu baalmartay ballanqaadyadii ay Bulshada la gashay wakhtigii Olalaha doorashada Madaxtooyada Somaliland.
Mr. Maxamed Mire (Waqaf), waxa uu sidaa ka sheegay qoraal uu maanta saxaafada u akhriyay, isagoo xiligaa kula kulmay Hotel Imperial. war-saxaafadeedka uu eedaymahaa ku sheegay iyo waliba talooyin uu usoo jeediyey xukuumadda Siilaanyo, ayaa nuxurkiisu ahaa sidan;-
“Iyadoo lagu gudo jiro bisha barakaysanee Ramadaan, Xisbiga UCID waxa uu salaan u dirayaa dhammaan shacbi-weynaha JSL, waxa kale oo aanu ilaahay (SWT) ka baryeynaa inuu dambi-dhaaf, naxariis iyo hanuun inaga siiyo bisha Ramadaan, shacabigana himiladooda ku guuleeyo , dalkana ka yeelo mid barwaaqo ah, amni iyo nabadna ku naalooda
Xisbiga UCID waxa uu mawqif cad iska taagayaa arinta muranku ka taaganyahay baryahan danbe ee CABLE-ka iskaadhsiinta casriga ah ee badda hoosteeda lasoo marinayo. Xisbigu isaga oo ugu horayn ka duulaaya mabaadida dhaqaale ee dastuurka JSL sheegay, isla markaana ixtiraamaya danta guud iyo maslaxda bulshada reer Somaliland, waxa uu ku baaqayaa.
• In Xukuumada JSL si ay uga dhabayso isbadal dhab ah isla markaan uga soo baxdo kaalint dadwaynuhu ka rajaynayaan oo ay ixtiraamto dastuuka qaranka oo si cad u sheegaya in nidaamka suuqa xorta ahi yahay ka kaliya ee dalka ka shaqayn kara, isla markaan ay reeban tahay wax kasta oo dhaqaalaha dalka ku koobaya” Kooto” amma “Monopoly” cid gaara loogu xidho.
• Waxaad ogtihiin in arinta Cable-ka ee baryahanba taagnayd oo laba shirkadood oo kala ah SOM-CABLE iyo DALKOM in la hadal hayay inay keenayaan Somaliland cable Badda hoosteeda mara, loona sameeyay document-yo mid walba gaarkeeda ah hadana is burinaya, isla markaaana ay xukuumadii hore ku guuldaraysatay inay waafajiso dastuurka dalka.
• Waxaynu ognahay in xukuumada maanta talada dalka haysa oo laga filayay inay sixitaan arintaa ku samayso iyadoo raacaysa dastuurka iyo shuruucda dalka oo qofkasta xoriyada u siinaya ku tartanka maal galinta, iyadoo la marayo nidaamka ganacsiga Somaliland iyo shuruucdiisa ay maantaba ku dhaqaaqday jidkii xukuumadii hore ee Kootada ahaa. Iyadoo CABLE-kaas Kootaysay. Sidaas darteed arintaasi waa mid nasiib daro ah oo khilaafsan balanqaadyadii isbedelkii dadka loogu baaqayay.
• Hadaba xisbiga mucaaridka ah ee UCID waxa uu ku baaqayaa in arinta CABLE-keenidu ay tahay mid ay u simanyihiin dadwaynaha reer Somaliland, waana inay noqotaa wax si furan cidii danaynaysa ee buuxisa shuruudaha ay qawaaniintu u keento. Haddii ay yihiin labadaas shirkadood iyo cidkasta oo keeni karta.
• Waxaanu aminsanahay in haddii arrinta Cable-ka la waafajin  waayo dastuurka qaranka inay dhici doonto inaan arrinta shidaalka ee TOTAL iyo arinta xoolaha iyo wax kale oo iman karaba aan laga hadli karayn, oo wax kasta ay noqon karaan kooto. Taas oo kasoo horjeeda maslaxada ummada iyo mabaadida guud ee qaranka ee dastuuku jideeyay.
• Waxa xusid mudan oo tusaale inoogu filan in dalalka jaarkeena ah ee Baddaha leh dalkastaa uu leeyahay cable-lo bada hoos mara oo tartan kuwada jira cid gaar ahna aanay u xidhin, tusaale ahaana Jabuuti waxa mara ilaa shan  CABLE, oo ay hoy u tahay PORT SUDAN, wax iyana mara saddex CABLE Kenya, sidaa daraadeed xisbi ahaan nooma muuqato wax loogu baahanyahay in cid gaara cidii doonto ha ahaatee loo siiyo arintan kooto, ama (Exclusive Right’s).
• Ugu danbayn waxa naga tallo ah in arrintan iyo mid kasta oo ganacsi, ama dhaqaale la waafajiyo dastuurka dalka lagana fogaado in lagu dhaco khaladaadkii xukuumadii hore gashay ee dhinaca maalgalinta, taas baana ah wixii uu isbadalku ku baaqayay.
• Sidoo kale waa in la ilaaliyo qaranimada JSL, arintaasina aan cidna  loo daba fadhiisan.
• Dadwaynaha waxa aanu usoo jeedinaynaa inay wada jirkooda, walaalnimadooda iyo midnimadooda ilaashaadan, nabadgalyadana meel looga soo wada jeedo oo la ilaashado xukuumadana la is garab taago, wixii sax iyo horumar ah ee ay ku talaabsato, wixii khaladaad ah ee ay la timaadana looga nasteexeeyo, wixii bulshada shaki kala galinayana laga fogaado.
• Waxaynu horumar ku gaadhi karnaa wada-jir, midnimo, iskaashi, dastuurka iyo  waxaynu ku heshiinay oo la wada ixtiraamo.” Ayuu qoraalkiisa kusoo gunaanaday Mr. waqaf.
eedayntan ayaa noqnay tii ugu horaysay ee xisbiga mucaaridka UCID u jeediyo xukuumda Madaxweyne Axmed Siilaanyo tan iyo markii ay xilka la wareegtay dabayaaqadii bishii July 2010, iyadoo xibiga UCID hore u sheegay inay hakinayaan mucaaradadii mudo Lix bilood ah. Sidaa awgeed tani waxay noqonaysaa dhawaaqii u horeeyay ee dhinaca xisbiga mucaaridka UCID ka yimaada ee lagu dhaliilanyo xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *