Faallo: Maxamed Cumar, Weriyaha Boorama ee Saxafi
Shirkadda isgaadhsiinta ee SOMTEL oo sanadkan bilowgiisii laga aasaasay Somaliland, ayaan weli dadweynaha Somaliland , usoo bandhigin adeegyadii laga filayey ama ay ku ballanqaadday ilaa maalintii la aasaasay .

Adeegyadan oo noocyo kala duwan leh, ayaa laga xusuusan karaa adeegyada dhinaca Telefoonada, iyo Internetka oo ay ka faa’iideysan karaan dadka iska caadiga ah.
 Aasaaska shirkaddan,oo la hadal hayey labadii sanadood ee u dambaysay ,ayey dad badan oo u baahan adeegyada isgaadhsiintu filayeen in kolleyba shirkaddaasi keeni doonto wax ku cusub dalka iyo dadkaba,maadaama ay walaalo yihiin shirkadda ugu weyn dhinaca xawaaladda lacagaha ee Dahabshiil,taas oo aanay shirkaddan cusubi wax macaash farobadan weydiisan doonin dadweynaha isgaadhsiinteeda ku shaqaysan doona, hase yeeshee taasina ma dhicin.
Bilo dabadeed aasaaskii shirkadda SOMTEL, ayaan ilaa imika laga haynin isgaadhsiin tayadeedu ka wanaagsantahay shirkadaha haatan dalka ka hawlgala, balse meelaha qaar aad mooddo inay kaba hooseysaba, dadka ku wadahadla isgaadhsiinteeduna aanu marmarka qaarkood si wanaagsan isku maqlin.
Sidoo kale ayaanan weli SOMTEL laga haynin isticmaalka adeegyada teleefanada iyo internetka, welina adeegsiga isgaadhsiinteeda aad mooddo inuusan dadweynaha wada gaadhin, balse in kooban uuni weli ka faa’iideystaan.
Tan iyo markii la aasaasay shirkadda SOMTEL , ayaa la moodaa inay ka gaabisay hawlihii laga filayey ee ahaa inay dadweynaha caadiga ah ama kuwa danyarta ahi isgaadhsiinteeda kaga raystaan shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka hore uga jiray ,isla markaana aan la helin qiimo jaban ,internet qiimo hoose oo ka dheereeya kuwa dalka ka jira ,sidaa darteedna ay hoos usii dhacayso rajadii laga qabay inay fuliso ballanqaadyadii madaxdeedu u qaadeen shacbiga wakhtigii la furayey xafiisyada dalka ,loona qabtay xafladaha quruxda badan ee lagu bixiyey Telefoonada quruxda badan leh .Mar aan xubin ka tirsan shaqaalaha hoose ee shirkaddaasi u joogay xafiiska Boorama wax ka weydiiyey sida ay gobolka ama magaalada Boorama u gaadhsiiyeen isgaadhsiinteeda ,ayaa ii sheegay in shuruudo dhaqaale ka horreeyaan adeegsiga isgaadhsiinta SOMTEL ,isla markaana qofka doonaya inuu macmiil u noqdo shirkadda kirada laynka internetka ahi bishii uu yahay ilaa 25 Doolar ,halka gelinta oo ku dhaw 8o doolarna lasii qaddimo, taasina ay keentay in isticmaalka adeega isgaadhsiinta SOMTEL dib looga gurto.
Maadaama dadweynaha doonaya shirkaddaasi adeeggeeduna aaminsanaayeen inay kolley xagga qiimaha uga roonaan doonaan shirkadaha kale ee ka jira magaalada.
Su’aasha la isweydiin karo ayaa noqon kara, maxay shirkadda SOMTEL kharashka faraha badan ugu bixisay dhismayaasheeda magaalo kasta oo dalka ah ka muuqda, maxayse shacbiga ay jeceshahay ugu qaybisay Telefoonada gacanta wakhti la furayey, maxaa loo boobayey Simcard-ka shirkadda markii dambena lacagta looga dhigay? Maxayse u horimari weyday shirkadaha kale ee dalka? Maxaase sababay in adeegsiga isgaadhsiinta SOMTEL waxba ka bedeli weydo ascaarta aadka u saraysa ee dadweynuhu ku bixiyaan adeegsiga isgaadhsiinta shirkadaha kale loona waayey waxyaalo ay kaga duwantahay shirkadaha kale, kuwaas oo noqon kara 1. in qiimaha adeegyada SOMTEL ka hooseyn doono adeegyada shirkadaha isgaadhsiinta dalka
 2. in isgaadhsiinta internetk SOMTEL noqon doono mid qiimo jaban, cid kastaana si fudud u heli karto
3. in isticmaalka laynka telefankoodu aanu xadhko la jiido noqon doonin balse uu noqon doono mid wireless ah
4. in isgaadhsiinta SOMTEL noqon doonto mid loo adeegsado Teknoolijiyada casriga ah, cid la tartami karaysaana aanay jirin .
Si kastaba ha ahaatee waxay ahayd in SOMTEL la timaaddo wax ka duwan isgaadhsiintii hore dalka uga jirtay, hadii ay tahay xagga Telefoonada, Internetyada iyo Landline-ka oo ka qiimo iyo Tayo badan isgaadhsiinta dalka ka jirtay ,hase yeeshee waxaas oo dhammi maanta kama muuqdaan ,waxaanad mooddaa inay hayso jidkii shirkadaha kale ee macaashka badan dadweynaha kaga urursada isgaadhsiinta. Lama moodo in weli shirkaddaasi lagaga horreeyo xagga adeegsiga isgaadhsiinteeda.
Ugu dambaynna SOMTEL ayaa looga fadhiyaa inay soo yarayso faraqa nololeed ee u dhexeeya dadweynaha Somaliland, kuwaas oo qaarkoodna ka haqab beeleen adeegyada casriga ah, kuwa kalena cidhiidhi kaga jiraan adeegyadaasi, isla markaana SOMTEL ayaa looga fadhiyaa inay yarayso kharashka isgaadhsiinta kaga baxa dadka masaakiinta ah ee noloshoodu ku xidhantahay eheladooda debedda ku nool, kuwaas oo hadii ay maalin la hadlaan ka booda mid ka mid ah saddexda wakhti ee wax la quuto.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *