images/stories/kulanka madaxweynaha iyo wefdiga safaarada britain.bmp  Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda safaarada Britain ee Adis-ababa sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka madaxtooyada.

Qoraalka war saxaafadeedka oo dhamaytirani wuxuu u qornaa sidan;- “Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti saddex Xubnood ka kooban oo uu hogaaminaayo Safiirka ingiriiska u fadhiya Addis-Ababa.
 
Weftigin oo u jeedada socdaalkoodu ahaa sii adkaynta xidhiidhka u dhexeeya labada Waddan ee somalialnd iyo Ingiriiska  iyo u kuur-gelida waxyaalaha ugu haboon ee ay iska kaashan karaan labada dhinac.
 
Madaxwaynaha  JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa weftigan si mug leh ugu faahfaahiyey  Siyaasada Xukuumada Cusub ee Horumarinta Dhinacyada Nabadgelyada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo wixii la mida.
Madaxweynuhu wax auu ku nuux-nuuxsaday sida ay Xukuumadiisa uga go’antahay in ay Wadamada Deriska iyo Beesha Caalamkaba kala Shaqayso Adkaynta Nabadgelyada Gobolka iyo ka hortaga Argagixsada iyo Budhcad badeeda.
 
Waxa uu Madaxaweynuhu weftiga u xaqiijiyey in ay Somaliland u bisishahay in ay ku talaabsato Horu-marin isla markaana ay u baahantahay in ay beesha Caalamku gacan ka siiso.
 
Madaxa Weftiga Ambassador Mr. Norman ling oo ay wehelinayeen Matt Woods Ku xigeenka Xog-hayaha Safaarada Ingiriiska ee Ethiopia iyo Jonathan Hargeaves oo ah madaxa DFID ee Nairobi ayaa Somaliland iyo Madaxwaynahaba ku hambalyeeyey Doorashadii dalka ka qabsoontay  26 June ee Sannadkan.
 
Safiirku waxa uu sheegay in ay Doorashadaasi Somaliland Mustaweheeda kor u qaaday isla markaana ay indhaha Caalamka ku soo Jeedisay, Dawladiisa iyo Midawga Yurub-na ay diyaar u yihiin in ay ka teegeeraan Somaliland Dhinacyada Horu-marka Nabad-gelyada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Caafimaadka, Wax-barashada iyo Geedi socodka Dimiquraadiyada.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *