Hargeysa(ANN)Xisbiga UCID ayaa  jawaab adag ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi oo sadexda xisbi qaran u soo jeediyay inaanay ka baqan ururada cusub oo ay tartanka la galaan, isla markaana nasiibkooda qaadaan. Xisbiga UCID
waxay ku eedeeyeen  Guddoomiyaha Wakiilada, isla markaana ah  Guddoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI  ee dhowaan lagu dhawaaqay inuu xiligan inqilaab ku wado sadexda xisbi qaran.
Qoraal  saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka xisbiga UCID Maxamed Xasan Khayre (Shabaash), ayaa si kulul loogu dhaleeceeyay gudoomiyaha golaha wakiilada oo ay sheegeen inuu sharciga ku tuntay. Qoraalka xisbiga UCID ayaa u dhignaa  sidan:-
“Anagoo tixraacyana maqaalo ku soo baxay wargaysayada Jamhuuriya  iyo Waaheen 26/10/2011 maqaalkaas oo ah mid uu C/Raxmaan Cirro ku weeraray saddexda xisbi qaran isagoo yidhi (qaylada joojiya ) sidii caruur macalin waxbarayo.
Waxaan  Cabdiraxmaan  leeyahay inqilaabkaagu xisbiga UCID buu ku eekaa waxaase muuqata in aad hada isku dayayso inqilaab ku wajahan saddexda xisbi qaran ka dib markaad shaadh kuleeg oo dantaada ah ka tolatay xeer No:14/2011 qodobkiisa 25aad si aad kursiga gudoomiyenimada golaha wakiilada ugu sii fadhidid
Saddexda xisbi qaran haddii ay ku yidhahdeen qodobkaasi waxa uu ka hor imanyaa distoorka qaranka waxii ka hor imanayaana ay yahiin waxba kama jiraan oo aad taa ku fashilanttay in aad waafajiso xeerarka aad samaynayso distoorka qaranka  ma waxay isu badashay in aad noqotid macalin saddexda xisbi samuurad wax ugu dhigaya oo ku yidhaa qaylada joojiya.
Dalka aad doonayso in aad sharcigiisa iyo distoorkiisa aad sidaa doonto in aad u dhigto wax uu dhisimahiisu hogaaminta iyo distoorkiisuba ku fadhiyaan Xinjiro dhiiga Kumayaal baana u God Galay.Afwayne oo soddon  sanadood dawladii ugu xooga roonayd Africa haystay ayey u suuro gali wayday waaba se adigoo golaha wakiilad uun  fadhiya   oo shalay uun dibada dalka kaga yimid.
Waxaaunu ku leenahay lagama yaabo in aad dastuurka qaranka iyo axsaabta qaranka midnaba aad wax yeelayso ee waxaanu kugula talinaynaa in aad caga-dhigato tartanka aad sheegaysana u marto dariiq sharci ah.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *