Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaaanyo) ayaa maanta ka qaybgalay shir ku saabsan qiimaynta qorshaha horumarinta dalka ee shanta sanadood ee fooda inagu soo haya, kaas  oo hagi doona  qaadhaan bixiyeyaasha iyo Hay’addaha caalamiga

ah ee Somaliland kala shaqeeya dhinaca horumarinta.
Shirkaa  oo maanta ka furmay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, isla markaana  socon doona muddo laba maalmood ah waxa  soo qaban qaabisay wasaarada qorshaynta waxaana  ka soo qeyb galay Wasaaradaha iyo  Hay’addaha dawliga ah ee madaxa banaan iyo kuwa caalamiga ah.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay furitaankii shirka waxa uu sheegay in baahi weyn loo qabay qorshahan, wuxuuna isagoo arrintaa  ka hadlaya  yidhi,   “Waxa farxad weyn ii ah inaan  maanta inoo furro xaflada shirkan ku saabsan qorshihii mudada dheer ee aanu u samaynay dalka Somaliland oo ah qorshe horumarineed oo shan sanadoodle ah in dalka qorshe loo dhigaa waa wax  caadi weeye, waa wax dalal badani sameeyaan. Dalkeenu hore wuu u samayn jiray anigaaba  markii aan wasaarada qorsheynta joogay samayn jirnay qorsheyaasha shanta sanadood ah. Waxay dalka iyo dadka siinayaan  jihayn halka aynu ku socono iyo hababka aynu u marayno ayay waddo cad oo aynu u marno inoo jeexayaan.”
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in qorshani uu sawir ka siinayo beesha caalamka jihada ay Somaliland u socoto waxaanu yidhi “Mida labaad dunida aynu ku xidhan nahay ee deeqbixiyeyaashu ka midka yihiin ama kuwa doonaya inay dalkeena maalgashadaan ayay fikir ka siinaysaa  jidka aynu marayno. Maalin walba dunidu way inoo timaadaa, caalamka waynu u tagnaa wax baynu waydiisanaa waxay ku odhanayaan maxaanu idiin qabanaa? Haddii waxaad doonaysaa aanay kuu cadayn oo aanu qorshe kuu oolin kolba wax baad ka tagaysaa. Laakiin markay haystaan qorshe muddo dheer ah oo muujinaya dalku jihada uu u socdo iyaguna (deeqbixiyeyaashu) waxay ku xisaabtamaan oo ay ku tallo galaan ayay haystaan. Qorshahani dalka gudahiisa iyo caalamka inala dhaqmayaba aad iyo aad ayuu muhiim ugu yahay.”
“Waxa lagama maarmaan ah Qorsheyaasha  in siday u kala mudan yihiin loo kala horeysiiyo, waxa lagama maarmaan ah marka dawladu ay samaynayso miisaaniyad sanadeedkeeda sanad walba inay ku tallo-gasho qeyb ka mid ah horumarinta. Arrimaha la xidhiidha horumarinta waa in qorshe hagaa jiraa oo lagu tilmaan qaadan karaa haddii la gelinayo waxbarashada, beeraha, Xoolaha, ceelasha  iyo waddooyinkaba waa inay mudnaantu  ka muuqataa wixii la gelinayo. Sidaasi daraadeed dadka iyaguna maalgashanaya dalka haddii ay Soomaali yihiin iyo haddii ay ajanabi yihiinba waa inay qorsheyaashaasi raacaan,”ayuu yidhi Madaxweynuhu waxaanu tilmaamay inay xukuumad ahaan fulin doonaan qorshahan waxaanu yidhi  “Qorshahaas shanta sano ah aad iyo aad ayaan idiinku boorinayaa inaynu kuligeen ku wada shaqyn doono. Anaguna dawlad ahaan waanu ku tallo galaynaa inaanu qeybta nagaga beegan ka fulino.”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweynuhu waxa uu ku ammaanay Wasiirka qorshaynta samaynta qorshe hawleedkan. “Waxaan maanta anigu hambalyo aad ah u soo jeedinayaa Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka iyo shaqaalihiisa, waxaanan ku hambalyaynayaa inay soo celiyeen tubtii qorshaha dawlada ee shanta sanadood ah, qorshahaas shanta sano ah oo had iyo jeer ah dariiqa cad ee aynu u marayno horumarinteena,”ayuu yidhi  Madaxweyne  Axmed Siilaanyo.
Wuxuuna mar uu ka hadlayay dhaqaalaha  soo gala  Somaliland sheegay in  intiisa badan loo leexiyo dhinaca nabadgelyada, isagoo  yidhi,  “Inagu wakhtigan aynu joogno waynu ognahay mandaqadan aynu ku nool nahay waxa ka taagan  dhibaatooyin faro badan oo xaga Nabadgelyada ah ma aha horumarinta oo qudha waxa laga hadlayaa waxa weeye khayraadka ina soo gala wax badan waxaynu u baahan inaynu  siino  ama u leexino (u dunno) xaga nabadgelyada oo aad iyo aad muhiimu ah oo aynu ognahay in colaad faro badani inagu furan tahay, sida budhcad badeedda iyo Argagixisada inala dagaalamaysa iyo qaar doonaya inay ina dhibaan , qaar doonaya inay nabadgelyadeena khalkhaliyaan iyo qaar doonaya inaanu dadkeena iyo dalkeenu aanu xasilin, laakiin waxaan ku kalsoon nahay ILAAHAY-na ka baryayaa in  dadkeenu sidii awalba ay isku xidhnaan jireen ay iskugu xidhnaan doonaan oo dalkoodana ay daafici  doonaan, nabadgelyadiisana daafici doono oo ilaalin doono horumarkiisa,  isku xidhkiisa iyo wada shaqayntiisa taasna aynu ka soo bixi doono.”
Wasiirka qorshaynta qaranka Dr. Sacad  Cali Shire  oo diyaariyay qorshahaa ayaa ka hadlay ujeedada shirka, wuxuuna  tilmaamay inay dedaal weyn u galeen sidii ay dawlada Somaliland ugu samayn lahayd qorshe hawleed shan sanadood ah oo laga duulo. Wasiirku waxa uu tilmaamay in qorshahani sal u noqon doono maareynta mashaariicda horumarinta dalka oo ku salaysan baahida dalka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *