Hargeysa(ANN)Xoghayihii  war faafinta iyo birmadka ee  maleeshiyadii  SSC   ee fadqalalada iyo rabshadaha ka waday deegaanada Buuhoodle iyo Laascaanood oo ahaa koox  hubaysan, isla markaana kasoo horjeeday qadiyada gooni  isu  taaga Jamhuuriyada Somaliland ayaa ku dhawaaqay

 

Urur siyaasadeed huwan magacii kooxdaa.
Mr. Kayse Cabdi Yuusuf  oo ahaa Xoghayihii  war faafinta iyo birmadka ee  maleeshiyadii  SSC, isla markaana higaaminayay kooxdii qaadatay nabada  dhawr bilood ka hor ee hogaankii kooxda SSC   ayaa maanta magaalada  Hargaysa kaga dhawaaqay urur siyaasadeedka  cusub oo la magac  baxay  SSC.
Munaasibad loo qabtay sii deynta maxaabiis tiradoodu tahay 7 oo ka mid ahaa kooxda SSC oo lagu soo qabtay dagaalkii Kalshaale, isla markaana la sii daayay. Kadib markii uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo cafis u fidiyay, taas oo  maanta  xaflad baloaadhan oo  lagu qabtay Hotelka Kaah ee magaalada Hargaysa ayaa lagaga dhawaaqay Urur siyaasadeedka la baxay SSC.  Kayse Cabdi Yuusuf  oo  hore u ahaa hogaanka kooxda SSC, isla markaana xiligan ah guddoomiyaha ururkaa oo madasha kaga dhawaaqay  ayaa  sheegay in urur  siyaasadeedka  cusub ee  SSC uu  meteli doono shacbiga gobolada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag Bari, waxaan uu  tilmaamay  in  ururkani uu noqon doono mid ka shaqeeya horumarinta deegaanadaa, oo uu xusay inay ka jiraan baahiyo kala duwan oo la xidhiidha dhinaca nolosha dadka.
Gudoomiyaha ururkaa cusub  ayaa  u soo jeediyay jaaliyadaha ku dhaqan dalalka dibada ee ka soo jeeda gobolada Sool iyo Buuhoodle   ee hore ugu bixin jiray dhaqaalaha  hurinta colaada, in imika looga baahan yahay  in ay  ayidaan dimuqraadiyda  Somaliland  isla markaana  ay  taageeraan  urur siyaasadeedkan uu  ku dhawaaqay ee SSC.
Waxa kale oo uu sheegay in uu rejaynayo in urur siyaasadeedkani uu ka mid noqdo saddexda  urur ee ku guulaysta doorashada goleyaasha   deegaanka Somaliland ee u gudbi doona heer xisbi.
Dhinaca kale Kayse  waxa uu  madaxwaynaha  Somaliland uga mahad celiyay cafiskii uu u fidiyay maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii deegaanka Kalshaale ku dhex maray ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyadii  nabad diidka ahayd ee SSC, waxaanu tilmaamay in arrintani  qayb ka ahayd  go’aamadii ka soo baxay shir nabadeedkii  ka qabsoomay degmada  Widh-widh ee gobolka Buuhoodle.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr.  Cabdi Aw Daahir Cali oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qayb galay  xafladii loo sameeyay maxaabiistaasi la sii daayay oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in  maxaabiistan la sii daayo, waxaanu xusay in ay talaabadani qayb ka tahay siyaasada xukuumada ee ku waajahan xal u helida tabashooyinka beelaha Dhulbahante.
Dr.  Cabdi   Aw Daahir waxa uu sheegay in uu  soo dhawaynayo urur siyaasadeedkan cusub, waxaanu u rejeeyay   in urur siyaasadeedkaasi uu noqdo mid  meeqaam  sare ku yeesha  masraxa siyaasada Somaliland, waxaanu guddoomiyaha ururkan Kayse Cabdi Yuusuf u soo jeediyay in uu ka midho dhaliyo himilooyinka ururkan.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland Md  Axmed   Xaabsade oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanay colaadu wax faa’iido ah u lahayn bulshada, isaga oo xusay in uu si niyad sami ah u soo dhawaynayo  urur siyaasadeedkan cusub.
Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in xukuumada uu ka tirsan yahay ay ahmiyad wayn siinayso  nabad geliyada iyo wada jirka ummada Somaliland, waxaanu dadwaynaha ku dhaqan gobolada bari ee  dalk u soo jeediyay  in ay ka qayb qaataan horumarka deegaanadooda.
Sidoo kale waxa iyaguna halkaa ka hadlay taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Xiirane iyo lataliyaha madaxwaynaha ee gobolada Bari  Fu’aad Aadan Cadde,  waxaanay dhamaantoodba soo dhaweeyeen urur siyaasadeedka cusub ee SSC.
Munaasibada isugu jirtay ku dhawaaqiyada Urur siyaasadeedkaa iyo maxaabiis la sii daayay ooh ore looga qabtay kooxda SSC, waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiir ku xigeenka Arrimaha Guddaha Cismaan Garaad Soofe iyo guddoomiyaha xafiiska siyaasada, xadhiidhka goleyaasha iyo dadwaynaha, iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan maleeshiyadii SSC garabka nabada qaatay.
Magaca loo bixiyay Urur siyaasadeedka ee SSC ayaa ahaa mid ay malayshiyada deegaanka Laascaanood  ee Sool iyo Buuhoodle isticmaali jireen, kaas oo ku koobnaa deegaan gaara oo keliya, isla markaana kasoo horjeeday madaxbanaanida Somaliland, balse hogaankii kooxda SSC ku kala qaybsameen dhawr bilood ka hor gogol nabadeed oo uu Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay, taas oo sababtay inay inta baddan hogaankii kooxdaasi soo galaan Hargeysa iyagoo sheegaya inay ajiibeen nabada loogu baaqay.

Dhinaca kale waxa jira abaabul balaadhan oo ku wajahan sidii ay dadka deegaanka Sool oo ku kala qaybsan siyaasada  isugu iman lahaayeen shirweyne loo bixiyay  Khaatumo,   kaas oo la filayo inuu ka dhaco degmada Taleex ee goboka Sool maalamaha fooda inagu soo haya, isla markaana ay dadka deegaanka Laascaanood iyo Buuhoodle isula qaadan lahaayeen mawqif siyaasadeed oo dhab ah.

Xukuumadda  Somaliland oo shirkaa danaynaysay markii hore , isla markaana door weyn ku leh abaabulkiisa oo  la filayay  inay  diyaarinayso wafdi  uga qaybgala oo ka mid ah  Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameedyo  ka soo jeeda Deegaamada Buuhoodle iyo Gobolka Sool.ayaa hada saluug ka muujisay.waxaana arrinta shirkaa ka hadalay Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo ah wasiirka Warfaafinta Somaliland, kana mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Sool. Mr. Xaabsade oo maanta ka hadalay munasibada xaflada loo sameeyay maxaabiista iyo Urur siyaasadeedka SSC ayaa ugu baaqay kooxda wada shirkaa Taleex in aanay ahayn shirkoodu gogoshii la fidiyay ee Madaxweyne Siilaanyo fidiyay, isagoo xusay inay rag gaar ahi shirkaa maroorsadeen. sidaa awgeed aanay raali ka noqonayn qorshohooda. 
Dhinaca kale Magaalada Laascaanood ayaa abaabulka shirkaa si weyn looga dareemayaa. Sida ay shebekada Araweelonews u sheegeen dad kala duwan oo ku sugan xarunta gobolka Sool, iyadoo ay masuuliyiinta Sool ee Somaliland qayb ka yihiin dadka ka qayb gelaya shirkaa, kuwaas oo ku kala qaybsan,  isla markaana waxa ay wararka arrimahaa la xidhiidhaa sheegayaan in Degmada Taleex ee lagu qabanayo Shirka ay maalmihii u danbeeyay ku qul-qulayeen  Madaxdhaqameedyo  ka soo jeeda deegaanka  oo  badankoodu ka yimi dhinaca Garoowe ee Maamul Goboleedka Puntland, isla markaana laabta ku haya inay ajandaha Shirkaasi u duwaan siyaasadooda gaarka ah.
Garaad Salebaan Garaad Maxamed oo isagu ka mida isimada Sool  ee Maamulka Puntland martida u ahaa dhawr iyo tobankii sanadood ee  u dambeeyay iyo koox madaxdhaqameed ah oo uu hogaaminayo oo ka tegey dhinaca Garoowe ayaa gaadhay Degmada Taleex maalmihii lasoo dhaafay, waxayna wararka la xidhiidhaa sheegayaan inay  ujeedada Socdaalkoodu yahay  sidii ay gogol xaadhi lahaayeen shirka Khaatumo, kaas oo waxgaradka deegaanka Sool iyo siyaasiyiinta ku kala jira siyaasadaha sadex geesoodka ah ee Somalia, Somaliland iyo Puntland  qabashadiisa isku waafaqsan yihiin, balse ay  ku kala qaybsan yihiin qaabka si midaysan loogu jihaynayo mustaqbalka siyaasadeed iyo aayaha danbe ee bulshada deegaanka ay kasoo jeedaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *