waxay ku eedeeyeen Guddoomiyaha Wakiilada, isla markaana ah Guddoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI ee dhowaan lagu dhawaaqay inuu xiligan inqilaab ku wado sadexda xisbi qaran.
Qoraal saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka xisbiga UCID Maxamed Xasan Khayre (Shabaash), ayaa si kulul loogu dhaleeceeyay gudoomiyaha golaha wakiilada oo ay sheegeen inuu sharciga ku tuntay. Qoraalka xisbiga UCID ayaa u dhignaa sidan:-
“Anagoo tixraacyana maqaalo ku soo baxay wargaysayada Jamhuuriya iyo Waaheen 26/10/2011 maqaalkaas oo ah mid uu C/Raxmaan Cirro ku weeraray saddexda xisbi qaran isagoo yidhi (qaylada joojiya ) sidii caruur macalin waxbarayo.
Waxaan Cabdiraxmaan leeyahay inqilaabkaagu xisbiga UCID buu ku eekaa waxaase muuqata in aad hada isku dayayso inqilaab ku wajahan saddexda xisbi qaran ka dib markaad shaadh kuleeg oo dantaada ah ka tolatay xeer No:14/2011 qodobkiisa 25aad si aad kursiga gudoomiyenimada golaha wakiilada ugu sii fadhidid
Saddexda xisbi qaran haddii ay ku yidhahdeen qodobkaasi waxa uu ka hor imanyaa distoorka qaranka waxii ka hor imanayaana ay yahiin waxba kama jiraan oo aad taa ku fashilanttay in aad waafajiso xeerarka aad samaynayso distoorka qaranka ma waxay isu badashay in aad noqotid macalin saddexda xisbi samuurad wax ugu dhigaya oo ku yidhaa qaylada joojiya.
Dalka aad doonayso in aad sharcigiisa iyo distoorkiisa aad sidaa doonto in aad u dhigto wax uu dhisimahiisu hogaaminta iyo distoorkiisuba ku fadhiyaan Xinjiro dhiiga Kumayaal baana u God Galay.Afwayne oo soddon sanadood dawladii ugu xooga roonayd Africa haystay ayey u suuro gali wayday waaba se adigoo golaha wakiilad uun fadhiya oo shalay uun dibada dalka kaga yimid.
Waxaaunu ku leenahay lagama yaabo in aad dastuurka qaranka iyo axsaabta qaranka midnaba aad wax yeelayso ee waxaanu kugula talinaynaa in aad caga-dhigato tartanka aad sheegaysana u marto dariiq sharci ah.”
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1