Hargeysa(Araweelo News Network) Xisbiga Mucaaradka ee UCID ayaa ku baaqay mudaharaad uu sheegay in maalinta Salaasada ee 10 Dec, 2013 oo ku beegan

maalinta caalamiga ah ee xuquuqda Aadamaha,

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay xisbiga UCID oo lagu shaaciyay magacyada xubnaha qabanqaabada mudaharaadkaa oo lagu wargeliyay taageerayaasha UCID ee gobolka Maroodi-jeex.

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeeka Ucid, waxa uu qoraalkiisa kooban ku sheegay in banaanbuxu yahay xaq dastuuri ah oo muwaan kasta oo danaynaya Xoriyatul qawlka saxaafada Somaliland ka qaybgeli karo.

Nuxurka qoraalka xisbiga Ucid, ayaa lagu yidhi sidan, “Dhamaan Taageerayaashiisa Iyo Cidkasta Banaan Baxan Oo Ah Mid Muwaadinkastaa Xaq Dastuuriya U leeyahey Oo Daneyneysa Xoriyatul Qawlka Saxaafada Jamuuriyada Somaliland In Ay Nagala Soo QaybGasho Banaan Bax Salmiya Oo Ku Beegan Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee XUQUUQUL INSAANKA (Salaasa) 10-12-2013’

Sidoo kale waxa magacyada xubnaha qabanqaabada mudaharaadka xisbiga UCID loo shaaciyay sidan:- “ Cabdi Maxamud Saleebaan (Xoghayaha Arimaha Gudaha Iyo Xidhiidhka Gobolada ), Faysal Abiib Gudhane, (Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex),Yusuf Keyse A/laahi, (Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid, Faadumo Siciid Ibraahim, Xoghayaha Maaliyada, Xaliimo Cismaan Raage, Gudomiyaha Garabka Haweenka, Xasan Saleebaan Aaden Xubin Golaha Dhexe, C/raxmaan Axmed Cali Xoghayaha Arimaha Bulshada. Maxamed Cali Muuse Jiir  Xoghayaha Ciyaaraha, Ismaaciil Cabdi Ismaaciil  Gudoomiyaha Abaabulka iyo Sahra Xirsi Budul oo ah Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Haweenka ee xisbiga UCID.”

Dhinaca kale Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu hogaamiyo gudooomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa dhiniciisa soo saaray qoraal saxaafadeed uu kaga hadlay mawqifkiisa mudaharaadka uu ku baaqay UCID.

War saxaafadeed kasoo baxay xarunta Xisbiga WADDANI oo uu ku saxeexanyahay  Maxamed Cabdilaahi Uurcadde  oo  ah xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI , waxa lagu canbaareeyay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, waxaana loogu baaqay in muwaadiniinta in ay ka qayb qaataan mudaharaadkaa.

Qoraalka WADDANI ayaa u  dhignaa sidan:- “Waxaa bishan 10keeda laga xusayaa adduunka maalinta xuquuqal insaanka.

Ummada Somaliland waxa aanu ugu baaqaynaa iyagoo dhawraya amniga, in ay si nabadgelyo ah u muujiyaan dareenkooda ku waajahan ilaalinta xuquuqal insaanka iyo xoriyatul qawlka umadda Somaliland ee xukuumadda Siilaanyo ku tumatay.

 

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI waxaa uu taageerayaa kana qayb qaadanaya wax kasta oo lagu muujinayo ilaalinta xoriyatul qawlka iyo xuquuqul insaanka Jamhuuriyadda Somaliland“. Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkan kasoo baxay Xarunta guud ee xisbiga WADDANI

arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *