Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qaybgelaya  Munaasibada Maalinta Qowmiyadaha Dalka Ethiopia Iyo Wufuud Ku Qul-qulay Magaalada Jig-jigaHargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa

 

maanta booqasho ku tegey Magaalada Jig-jiga ee xarunta Soomaalida Ethiopia, halkaas oo Madaxweyne Siilaanyo kaga qaybgelayo munaasibada xuska qowmiyadaha Ethiopia oo sanadkan kasta laga xuso dalkaa.

Madaxweynaha Somaliland oo martiqaad rasmi ah ka helay madaxda ismaamulka Kililka Shanaad ee dalka Ethiopia, waxayna  isaga iyo wefdi uu hogaaminayo oo ka kooban dhawr iyo labatan xubnood, kuwaas oo maanta gaadhay xarunta maamulka Soomaalida Ethiopia ee Jig-jiga.

Wefdiga Madaxweynaha Somaliland oo safarkoodu ahaa mid dhinaca dhulka ah oo ay ku mareen magaalada ganacsiga ee Wajaale, waxa sidoo kale weheliya Gudoomiyaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, waxaana ugu soo dhoweeyay halkaa Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo ay Wehelinayeen madaxwayne-kuxigeenada Hogaanka Nabadgalyada iyo Wasiirka Hawlahaguud, kuwaas oo Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa u gelbiyay magaalada Jig-jiga.

Madaxweynaha Somaliland wefdigiisa waxa xubno ka ah, Wasiiradda  Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir, warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),Ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, Waasardda Biyaha Xuseen Axmed Cabdallahi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha debedaMaxamed Xasan  iyo Xubno kale.

Munaasibada xuska maalinta qowmiyadaha Ethiopia oo mudooyinkan qabanqaabadeeda iyo diyaargarawgeeda laga dareemayay dalka Ethiopia, ayaa maalinta berito ee Axadda si rasmi ah uga furmi doona magaalada Jig-jiga ee xarunta u ah ismaamulka Soomaalida Ethiopia, taas oo shucuubta kala duwan ee  wadanka Ethiopia kusoo bandhigayaan dhaqamada iyo xadaaradaha kala duwan qowmiyadaha dalkaa

Sidoo kale Madaxda dawlada Somalia, Maamulka Puntland iyo masuuliyiin kale oo ka socda dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa mandaqada geeska Afrika ayaa ka qaybgelaya munaasibadaa, waxaana maanta gaadhay magaalada Jig-jiga Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo wefdi uu hogaaminayaa kasoo degeen garoonka diyaaradaha ee Jig-jiga oo si weyn loogu soo dhoweeyay, iyadoo dhinaca dalka Kenya Wafti balaadhan oo uu Hogaaminayyo Afhayeenka Baarlamaanka Dalka Kenya Mudane Jus oo ay Wehelinayaan Xubno Baarlamaan iyo Senatorka mandera.

Waxa kale oo munaasibadaa ka qaybgelaya masuuliyiin iyo dublamaasiyiin ka socda dalal badan oo dunida ah iyo shaqsiyaad ka socda Hay’addo caalami ah, iyadoo magaalada jig-jiga ay kusoo qul-qulayaan madaxda iyo dadka kale ee lagu martiqaaday munaasibadaa oo maalinta beri ah si rasmi ah uga furmaysa Jig-jiga.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *