sadam1Hargeysa(Araweelo News Network) Xukuumadda Somaliland ayaa dalkeeda ka mamnuucday dadka sita baabsabooro aan sharci ahayn. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Duulista

 

hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland.

Qoraalka lagu mamnuucay Baasabooradda aan sharcig ahayn oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka wasaaradda Duulista Saddaam Maxamed Axmed, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka cirka Somaliland waxay dhamaan dadweynaha isaga goosha madaarada Somaliland ee ka soo dega ama ka dhoofa ku wargalinaynsaa inay waajib ku tahay inay sitaan baasaabooro sharci ah, si uu ugu sahlanaado safarkoodu, iyada oo aanu ka codsanayno inay tixgalinayaan una dulqaataan baadhitaana dadweynahaasi lagaga samanayo Madaarada iyo wixii su’aalo ah ee laanta socdaalku ay ugu baahato.

Waxaanu dhamaan diyaarahaha ka ganacsada hawadda Somaliland ugu digaynaa inay dalka Soomaaliya ee dariska ah ka soo qaadaan dad dalkaasi u dhashay ama reer Somaliland ah, oo aan baasaabooro sidan, taasi oo ah mid aan la aqbalo karin, hadii ay dhacda waxa diyaaradaasi laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan, waxana dadkaasi aan sharciga sidan dhamaantood dib loo celindoonaa diyaaradii siday iyo halkii ay ka yimaadeen.

Waxaanu dhinacyada ay khusayso faraynaa inay u hogaansamaan amaradaasi kor ku xusan, iyadoo wasaaradu hore go’aankan u baahisay, waxaanu mar labaad ku celinayaa in aanay Madaaradda Somaliland ka soo dageyn ama ka dhoofayn cid aan baasaaboor sharciya sidan, marka laga reebo wixii duulimaadyo gudaha Somaliland ah oo ay Muwaadiniinta u banaan tahay inay u kala safraan Madaaradda gudaha iyaga oo aan baasaaboor sidan.”ayaa lagu qoraalka uu ku saxeexanyahay Saddaam Maxamed Axmed.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *