Axmed Muumin SeedHargeysa(Araweelo News Network)Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ku tilmaamay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay dalka gelisay go’doon siyaasadeed oo weli xidhan yihiin xuduudaha ay Somaliland la wadaagto dalalka jaarka.

Sidoo kale Xisbiga WADDANI, waxa uu sheegay in aanay aqbalayn dib u dhac ku yimaada doorashada Madaxtooyadda oo mar-marsiiyo u noqda mudo kordhin loo sameeyo xukuumadda.

Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga WADDANI,  Axmed Muunin Seed oo saxaafadda ugu warramay xafiiskiisa magaalada Hargeysa shalay, wuxuu isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi,
“Waxaad ogtihiin in aynnu ku jirno go’doon, dalalka Itoobiya iyo Jabuuti way xidheen xadkoodii. Shacabka Somaliland muddo intaas ka badan uma sii adkaysan karaan go’doonka ay ku jiraan,’ ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka WADDANI, isagoo xusay haddii ay xisbi ahaan ku guulaystaan doorashada madaxtooyada la qorsheeyey inay dalka ka qabsoonto badhtamaha sannadka 2015 inay Somaliland ka saari doonaan go’doonka, kana shaqayn doonaan horumarka cilaaqaadka dalalka darista iyo beesha caalamka .

Mar uu ka hadlayay doorashada aan weli la cayimin ee Madaxtooyadda iyo mudada xilka Madaxweynaha ee gabaabsiga ah, wuxuu sheegay in aanay xisbi ahaan diyaar u ahayn in wax muddo-kordhin ah loo sameeyo xukuumadda iyo xisbiga tallada haya ee KULMIYE, “Waxa aynu wada ognahay in aanay oolin sabab muddo-kordhin loo sameeyo, sababtoo ah madaxweynuhu waxa uu hore u ballanqaaday in doorashadu waqtigeeda ku dhacayso, annaguna xisbi ahaan diyaar uma nihin in doorashadu dib u dhacdo, sida laga warqabo dhamaan iinkaaniyaadkii doorashada lagu qaban lahaa waa diyaar. Qaadhaan-bixiyeyaashu waxay yidhaahdeen dhaqaalihii doorashadu waa diyaar, diiwaangelinta codbixiyeyaasha waa la bilaamayaa, muddo yar ayeyna soconaysaa, muddadii doorashadana waxa ka hadhay sannad, markaa sannadkaas hadhay waa laga gaadhsiin karaa in la dhammaystiro waxyaabaha doorashadu u baahan tahay, sidaas darteed waa in doorashadu xilligeeda ku dhacdo, waxaanan leeyahay madaxweynuhu ha la yimaad calool-adaygii uu ku ballanqaaday in aanay doorashadu hal maalin dib u dhicin,” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed oo ah Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Xisbiga Mucaaradka WADDANI.
Araweelo News Network

 

Hargeysa Somaliland.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *